DAAWO: BARNAAMIJ GAAR AH OO KA HADLAYA WAXQABADKII GUDOMIYIHII HORE DEGMADA DHOQOSHAY IYO HALKA UU KAGA SUNTAN YAHAY QARANKA SOMALILAND

DAAWO: BARNAAMIJ GAAR AH OO KA HADLAYA WAXQABADKII GUDOMIYIHII HORE DEGMADA DHOQOSHAY  IYO HALKA UU KAGA SUNTAN YAHAY QARANKA SOMALILAND

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

Xildhibaan Qabile Oo Si Adag Uga Hadlay Doodii Ka Dhacday Hargeysa Ee Xukuumaddu Soo Abaabushay Fariina Adagna U Direy Guddiga Komishanka Qaranka Somaliland

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo kamid ah golaha wakiilada Somaliland kana tirsan xisbiga WADDANI ayaa si adag uga hadlay doodii xukuumaddu soo abaabushay ee ka dhacday magaalada Hargeysa,waxaana uu guddiga Komishanka Qaranka ugu baaqay inay talaabo adag ka qaadan agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo isagu doodani soo qaban-qaabiyey.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Guurtida Somaliland Oo Maanta Gaadhay Burco Iyo Nuxurka Kulan Ay La Qaateen Maamulka Gobolka Togdheer Iyo Guddiga Abaaraha GobolkaXildhibaano ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa maanta soo gaadhay magaalada Burco,waxaana ay xildhibaanadani kulan la qaateen maamulka gobolka Togdheer iyo guddiga abaaraha gobolka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka

Xildhibaano ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa maanta soo gaadhay magaalada Burco,waxaana ay xildhibaanadani kulan la qaateen maamulka gobolka Togdheer iyo guddiga abaaraha gobolka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka

Baashe Iyo Talyanle Oo Si Adag Ugu Loolamaya Buuxinta Kursiga Cirro Baneeyay

Xildhibaanada golaha wakiilada ayaa la filayaa inay Axadda beri doortaan guddoomiyaha cusub ee golaha wakiilada oo laga dhex dooran doono xildhibaanada golaha wakiilada, ka dib markii uu kursigaas baneeyay guddoomiyihii hore Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Laba xildhibaan oo kala ah guddoomiye-xigeenka 1aad Md. Baashe Maxamed Faarax iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle) ayaa ku loolamaya kursigan. Guddoomiye Baashe ayaa la filayaa inuu is casilo si uu tartanka uga qayb galo.

Fadhiga Axadda beri ayaa sidoo kale la filayaa inay xildhibaanadu ku doortaan kursiga guddoomiye-xigeenka 1aad ee golaha wakiilada oo ay  xildhibaano ka soo jeeda gobalka Awdal ku loolamayaan.

Loolanka u dhexeeya Baashe iyo Talyanle ayaa ah mid xamaasad badan, waxaana magaalada Hargeysa saddexdii caano maal ee u dambeeyay laga dareemayay shirar doceedyo kala duwan oo ay labadan xildhibaan ku raadinayaan kalsoonida xildhibaanada golaha wakiilada.

Madaxtooyada Somaliland ayaa xushay 10 xildhibaan oo la shaqayn doona guddoomiye Baashe si uu ugu guulaysto kursigaas uu saaxiibkii Cirro baneeyay, halka uu xildhibaan Talyanle isna taageero ka helayo xisbiga Waddani oo uu horkacayo guddoomiyihii kursiga baneeyay Cabdiraxmaan-Cirro.

Si kastaba ha ahaate, Axadda ayaa la arki doonaa in Baashe ku ruqaansado kursigaas guddoomiyaha iyo inuu Talyanle ku fadhiisto kursiga oo uu noqdo guddoomiyaha golaha wakiilada.

DAAWO: Xaaladda Cisbitaalka Guud Ee Burco Oo Aad U Liidata, Shacabka Oo Qisooyin Murugo Leh Ka Waramay Iyo Mooganaanta Xukuumadda KULMIYE.

Xaaladda Cisbitaalka Guud Ee Burco Oo Aad U Liidata, Shacabka Oo Qisooyin Murugo Leh K Waramay Iyo Mooganaanta Xukuumadda KULMIYE, Halkan Hoose Ka DAAWO Muuqaalka Warkaa

Magaalada Hargeysa Oo Si Weyn Looga Dareemayo Buuxinta Jagadii Uu Baneeyay Cabdiraxmaan Cirro Iyo Xoghayaha Guud Ee Wakiilada Oo Shaaca Ka Qaaday Tirada Codsiyada Ilaa Hadda Soo Gaadhay Xafiiskiisa

Waxa magaalada Hargeysa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ee khuseeya buuxinta jagadii gudoomiyaha Wakiilada Somaliland ee uu baneeyey Cabdiraxmaan Cirro,waxaana loolan adagi  uu dhex marayaa xildhibaanada golaha wakiilada gaar ahaana murrashaxiinta u tartamaya jagadaasi.

Xoghayaha guud ee golaha wakiilada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday tiradda codsiyada xildhibaanada ee ilaa hadda soo  gaadhay xafiiskiisa.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka

Sir Qaraxday:-Ra,iiysal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre Oo Habeen Madow Soo Galay Hargeysa + Dawladda Somaliya Oo Shaacisay + Wargeysyo Caalamiya Oo Daabacay + Fadeexad Dul Hoganaysa Somaliland.

Warar Xaasaasiya Oo Ay Hada Heshay Shebekadda Caalamiga Ah Ee Xogmadhaafe News Ayaa Sheegaya In Uu Habeen Madow Soo Galay Magaalada Hargeysa Ra,iisal Wasaaraha Dalka Somaliya Xasan Cali Khayre.
Wararka Ayaa Intaasi Ku Daraya Inuu Ra,iisal Wasaare Xasan Cali Khayre Uu Kulan Magaalada Hargeysa Kula Qaatay Diblumaasiyiin Reer Galbeed Ah Kuwaasi Oo Ay Ka Wada Hadleen Arrimo La Xidhiidha Ganacsato Soomaali Ah, Ganacsatadaasi Oo Kala Ah Mulkiilaha Shirkadda Hurmuud Axmed Yuusuf, Mulkiilaha Shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Ducaale Iyo Mulkiilaha Bangiga Salaama Maxamed Yuusuf .
Waxaana Arrimahaasi Shaaca Ka Qaaday Islamarkaasina Daaha Ka Rogey Wargeyska Caalamiga Ah Ee “Indian Ocean” Iyo Wargeyska “Africaintelligence” Kuwaasi Oo Ciwaan Uga Dhigay “Dowladda Oo Welwel Gelisey Wadamada Galbeedka”.
Geesta Kale Waxa Arimahaasi Si Dad Ban Usoo Bandhigay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliya Cabdiraxmaan Cismaan Cumar Isagoo Bartiisa Face Book Ku Daabacay Islamarkaasina Shaaciyey Arin U Dhigan Inuu Ra,iisal Wasaare Khayre Si Qarsoodiya Kulan Ula Qaatay Diblumaasiyiin Reer Gakbeed Ah Kuwaasi Oo Ka Wada Hadlay Ganacsatada Aan Xaga Sare Kusoo Xusay.
“Dowlada Federaalku waxey caddeyneysaa inuusan dhicin kulan looga hadlayey sumcada iyo sharafta shaqsiyaad Ganacsato Ah, Balse Waxa Looga Hadlay Arrimo Somaliya Iyo Somaliland La Xidhiidha.
Dowlada Federaalku waxey cadeyneysaa in Ganacsatada Soomaaliyeed ay door weyn ka qaataan dadaalada Dowladda ee soo celinta amniga iyo nabadeynta iyo horumarka dalka” Ayuu Yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliya.
Hadabe Waxa Isweydiin Leh Ra,iisal Wasaare Khayre Ma Somaliya Ayuu Ra,iisal Wasaare U Yahay Misa Somaliland? Waa Su,aasha Kalee Goorma Ayay Somaliland Ka Mid Noqotay Somaliya? Sidookale Yaa Ka Dambeeyeey Soo Dhowaynta Xasan Cali Khayre? Goormayse Somaliland Is Dhiibtey? Su,aalahasi Ayaa Ah Qaar Ay Bulshada Somaliland Ku Jaah Wareertay Waxaana Jawaab Degdega Laga Sugayaa Dawladda Somaliland Ee Uu Gadhwadeenka Ka Yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Geesta Kale Waxaa Walaac Weyn Laga Qabaa In Madaxweyne Siilaanyo Uu Farmaajo Farta Ka Saaro Somaliland Maadaama Oo Ay Mudadiisu Gabagabo Ku Dhowdahay, Waxaana La Helay Xogo Qarsoodiya Oo Ay Isweydaarsadeen Labadaasi Madaxweyne Iyagoo Ugu Dambayntiina Ka Wada Gaadhey Heshiis Buuxa Oo Ku Saabsan Labadaasi Dal.
Ugu Dambayntiina Waxa Cirka Iskusii Shareeraya Tuhunka Weyn Ee Shacabka Somaliland Ka Qabo Arrimaha Qarsoon Ee Dhexmaraya Somaliya Iyo Somaliland Kuwaasi Oo Maalmihii U Dambeeyey Si Goos Goos Ah Usoo Gaadhayey Bulshada Ku Dhaqan Somaliland.

WAA KUMA WASIIRKA UGU MUSUQ MAASUQA BADAN XUKUMADA SIILANYO

tan iyo intii uu magacabay madaxweynuhu bwasiirka hawlaha guud guryaynta iyo gaadidka cali xasan maxamed cali marexan oo hore u ahaan jiray intaan la magacabin xildhiban golaha barlamanka ah ayaa ujeedada ugu weyn ee xilka loogu magacabay ayaa ahayd in intayna xukumadu waqtigeedu dhicin wuu reer ahaan ka dhacsado hanti isla markaana ka qayb qato booskisa ah in inta wuu boobi karayo boobo hantida dadka iyo dalka
wasiir cali marexan ayaa ah halka wasiir ee ku dhaqma waxyabaha ka baxsan dhaqanka wasiirnimo isagoo ah ka midaa wasiirada cadaystay musuq masuqa iyo tuugnimada diraadiralnimda iyo ka dhex shaqayta bulshada meel wada tagta
cali marexan ayaa lagu qiyaasay inuu haysto hanti lagu qiyaasay 60 bilyan oo dollarka maraykanka ah taasi oo dhamanteed wada xaaran ah dhaman hantidaasna oo ahayd hanti uu ka boobay shacabka isagoo ibsaday dhul hanti guud ahayd
balse cali marexan oo aan dib usoo marayn wasirnimada ama xil ka qabashada dalke ee xukumada soo socota isagoo xoolihisa uu isticmalayo gudoomiyaha musharaxa xisbiga ku midobay musuq masuqa ee kulmiye ayaa ah qaar u heshiyay hantida xaraan quute cali marexan
shaqsiyaaadka sida weyn u indha indheeya siyaasada ayaa shegay in wasiir cali marexan uu intya badan waqtigiisa ku qaato kala fogaynta beelah dega somaliland
cali marexan oo aan horeba looga baran tan iyo intii uu xildhiban ahaana lagu yaqanay xaran quutnimada ayaa hada donaya intaanay xukumada uu kaso jeda anay dhicin kasii urursado hanti wxy bulshada dhex yaala umada somaliland guud ahaan meel uga soo wada jeesato

Deg Deg:-Siyaasi Muniir Axmed Cigaal Oo Ka Hadlay Xil Ka Qaadista Gudoomiyaha Degmada Dhoqoshey Iyo Siro Huursanaa Oo Uu Badka Soo Dhigay + Wasiir Cali Khadiija Oo Uu Karbaashey

Deg Deg:-Siyaasi Muniir Axmed Cigaal Oo Ka Hadlay Xil Ka Qaadista Gudoomiyaha Degmada Dhoqoshey Iyo Siro Huursanaa Oo Uu Badka Soo Dhigay + Wasiir Cali Khadiija Oo Uu Karbaashey

XUKUUMAD S/LAND OO XILKII KAQAADAY GUDOOMIYAHIYII DEGMADA DHOQOSHAY MAXAMUUD XASAN SALEEBAN DOOB KADIB MARKII UU KA GIL GISHAY ARIMO WUXUUSHNIMO AH OO DEGMADAASI DHOQOSHAY KULA KACDAY XUKUUMADU

————————–
Xukuumada s/land ayaa xilkii kaqaaday gudoomiyihii degmada dhoqoshay
mudane maxamuud xassan saleebaan DOOB
kadib markii uu xukuumada kucadeeyey in degmada
dhoqoshay cagaf cagaf ay dowladu siisay ay hadana kala noqdeen
qaarkamida wax matarayaaasha gacanyaraha u ah xukuumada
iyadoo lasheegay inuu uga qaadi rabay tuulo ay reerkoodu degaan.

gudoomiyaha hada xilka lagaqaadayna waxa uu sicad uga horyimid
go,aankii ladoonayey in cagaftaa lagu celiyo
waxanu muujiyey hal adaygnimo iyo in aanay degmadiisu geyin
cadaha quudheed.
isagoo si geesimo lehna ula hadlay cali mareexaan oo isagu ahaa
shaqsiga dabada kariixayey in laga celiyo cagafta degmada dhoqoshay
kana gubtahanyooday horumarka degmadaasi oo aanu
doonayn inay noqoto degmo horusocota
hayeeshee xilka qaadistan ayaa waxa kadanbeya

wasiirka ay bulshadu ugu yeedho
“Qabyaalad mooyaane, qalin waxba kuma tare” Kaasi Oo Ah Wasiir cali mareexaan
Islamarkaana ka shaqeeya qoqobka iyo kala qaybinta Bulshada.
wejina aan dhowran oo ceebta dhabaqsada
kulmiyena ra’yi kumasooceliyo ee wuxuu ladhexjooga dhuuni.
oday waayelana maruu xusbiga kulmiye kahadlayey
wuxuu yidhi xisbiga kulmiye xisbibuu ahaa ee markii cali mareexaan
kataliyuu tagoogada kajabay
in Babadan oo bulshada kamidina waxay xisbiga kulmiye uga baxeen
cali mareexaan dartiis.
mantana waxay umuuqataa inuu gawaan cidla,ah kufuray xisbigii kulmiya
kuna gowracay gacantiisa.

waxayna u muuqataa maahmaahdii ahayd “dumaali kuma daryeesho”
waxan kawadaa waa lawada garanayaa siduu cali mareexaan kuyimi kursiga
oo booskii xirsi kabaxay ayaa buuxi lagu yidhi.
Balse nasiib daro xirsi xaab kasoo qaadimaayo oo wuu ka faras fiicanyahay
oo han iyo himiluu leeyehay hayeeshee cali mareexaaan hankiisu reer madhaafo
waxqabadkiisa uguwaynina waa markuu qof ay isku reeryihiin shaqo geeyo
iyo waxaa dhaamin wana wasiir sida haweenka xasarad iyo isku dir dadka
ladhex jooga

LA SOCO QAYBAHA DAMBE IYO MAQAALO XAASAASIYA OO TAXANE NOQON DOONA.

WQ:-MUUSE AXMED JAAMAC
EMAIL:-MuseAhmed47@gmail.com