Siyaasi Xasan Cismaan Ismaaciil Oo Dhigay Rikoodh Anay Hore Ugaadhin Siyaasiyiinta Kale Ee Faciisa Ah Kadib Markuu Codadkii Ugu Badnaa Usoo Hooyey Xusbiga Kulmiye Iyo Madax Waynaha Cusub Ee S/land Muuse Biixi Cabdi Q/ Muuse Axmed Jaamac

Siyaasi Xasan Cismaan Ismaaciil Oo Dhigay Rikoodh Anay Hore Ugaadhin Siyaasiyiinta Kale Ee  Faciisa Ah Kadib Markuu Codadkii Ugu Badnaa Usoo Hooyey Xusbiga Kulmiye Iyo Madax Waynaha Cusub Ee S/land Muuse Biixi Cabdi

IMG-20171122-WA0004

Guul kasta oo uu shiqsi gaadho ciduunbaa  kugacansiisa oo kadanbaysa horu markiisa madaxwayne  muuse biixina  waxaba uu kasii xag jiray oo gebi ahaaba geyiga s/land waa looga gurmaday

Balse waa lagu kala tegay oo iyadoon waxba laga xistiyaynbaa ninba karaankiisii talaabsaday oo ituu owoodiisu ahaydbuu cogkiisuna noqday

Xasan cismaan ismaaciil ayaa isagu waqtigii adkaa ee ololaha lagu hirdamaayey kamid ahaa gudiga kaanbaynka G/togdheer

Gobood adag oo laholin waayeyna  kasamaystay magalada burco isagoo xisbiyadii mucaaradka haa kunoqaday nafdhuungashay oo islamarkiiba kasoo dareersaday tageerayaal tiribadan

siyaasi  xasan cismaan ismaaciil ah oqoonyahan kaabayner ah oo sida dadka loo qanciyo iyo sida xisbiyada mucaaradka ah loo taakeeyo ilaah baray

Ayaa markiiba miyi iyo magaalamaba gaadhsiiyey siyaasada xisbiga kulmiye oo xisbiyada muradka ahi ugu geliwaayeen oo uga caageen magalooyin badan oo hoosyimaada magalaada burco

Xasana waxa uu sidaa kunoqday siyaaasi kasheegan  g/togdheer waxanu ahaa ragii goolka dhaliyey weeraryahan khadka dhexe uga ciyaaara xisbiga kulmiye iyo difaaac adag oo xisbiga marka lagusoo laado kalada kubada siyaasada ee la ciyaarayo

Waxanu geed dheer iyo mid gaabanba ufuulay sidii uu kursiga usaari laaha uguna rumayn lahaa zxpkii muuse riyooyinkiisii uu kuriyoon jiray ee ahaa inuu maruun noqdo hogaanka ugu sareeye ee dalka

Waxana uu ku guulaystay ilahay mahadi haka gaadhee

Muuse biixina waxa uu saa kunoqday  madaxwaynihii shanaad ee s/land

Xasan cismaan ismaaciila tacabkiisii waa guulaystay oo manta waxba madhaamo madax wayne marhadii orodkii dheeraa iyo cod raadintii uu cadceeda ugu samrayey uhirgalay oo uu mantaba haagax yidhi oo  farxad kaga nastay halkay ragii ay siyaasada kuloolamayeen ay manta dhexda farta kaqaniinsanyihiin oo xoolihii iyo codkiiba iska raceen

Waxana lafilaya in uu muuse biixi cabdi uu xasan cismaan ismaciil usoo xulan doono wasiir kamida golihiisa wasiirada kuwooda ugu tunka wayn si uu marlabaad madaxwaynaha garabkiisa uga muuqdo

Allah mahadle

Q/W: MUUSE AXMED JAAMAC

MuseAhmed47@gmail.com

SIYAASI XASAN CISMAAN ISMAACIIL OO SIDII XIDIGII DAGAARA UGADHEX MUUQDAY OLOLAHA XUSBIGA KULMIYE EE G/TODHEER W/Q:MUUSE AXMED JAAMAC

SIYAASI XASAN CISMAAN ISMAACIIL OO SIDII XIDIGII DAGAARA UGADHEX MUUQDAY OLOLAHA XUSBIGA KULMIYE EE G/TODHEER
Marka ay Xaladu adkaato xisbi waliba waxa uu soo xulaa dadka ugu Kartida iyo Saamaynta badan
Siyaasi Xasan Cisman Ismaaciilna waxa uu ka mid ahaa Odayaasha iyo Aasaasayaashii xisbiga Muxaafidka ah ee kulmiye, waxaanu ahaa Marjaca loo noqdo Iyo Muraayada Laysku Eego Marka Ay Xisbiga Wax ka xumaadaan Iyo marka ay u saxmaanba
Waxay Sidaa ahaataba waxa soo dhowaatey ololaha doorsho ee Madaxtinimada Dalka somaliland, Xisbi Kastaana waxa uu Soo xulay Cidii Ugu Saamaynta Iyo Awoodda Badnayd Ee Uu Islahaa Codbay Kuu Keenikaraan Waase Nin Iyo Wixii Xeradiisa Ku Jiray!

Musharax Muuse Biixi Cabdi Ayaa Kala Shaandhayn iyo ka fiirsi dheer soo magacaabay Gudida kaanbaynka ee Goboladda Dalka Waxaana si weyn Uga dhexmuuqday Digreetadaa Siyaasi Xasan Cismaan Ismaacil Oo Ka Mid Ahaa Xubnaha gudiga Kaanbaynka Ee Gobolka Togdheer.
Magacaabis Ka Dib xasan Cismaan Waxa Uu Soo gaadhey Magaalada Burco Si Uu U Dardar Geliyo Horena U Socodsiiyo Hawlaha Xisbiga
XASAN CICMAAN ISMAACIIL oo AQOON, QOWLWANAAG, IYO SIYAASAD QAANGAADHAY bulshadu Qirtay ayaa kasbaday taageerayaal horleh
isagoo adeegsanaaya xirfad iyo xeeladaba
waxana xusbiga ku nagaaday salliga iyo cowahana dhigtay dad usii kurkuursanayey xusbiyada kale isagoo ugacan haadiyey kalanasoo hoosbaxay boqolaal iyo boqolaal qof oo kamid ahaa tageerayaasha xusbiyada kale
Xasan cismaan ismaaciil waxa uu safaro guure iyo galab carowa kusoogaala bixiyey Degmooyinka hoosyimaada G/togdheer isagoo sadexdii cishaba maalin jiidaal dheer ugala sidii uu usoobaraarujin lahaa dadka degan degaanada miyaga
marka uu gaadho dadka degmooyinkaasi ku dhaqani waxa ay usheegayeen inay ad ugu faraxa sanyinhiin safarka uu kuyimi deganadaa abaalkiisana ay ugu gudi doonan codkooda oo ay muuse biixi siiyaan isna ay dhisi doonan hadii uu usoo doonto codka madaxtinimo madaama uu hansiyaasadeed leyahay
waxnu halhays kadhigtay qarash layskuma doortee qorshaa laysku raacaa
waxanu noqday siyaasiga ugu saamaynta badan sidoo kalena waxa uu noqday siyaasiga keliya ee dhalinyada waqtisiiya madaaba ay siyaasiyiinta kale ay indhaha kalaliyaan dhalinyada wana takeentay inay taageeradiisu siilaba kaclayso aadna loohadal hayo
waxana durba soo gaadhaya dhanbaalada hanbalyeyta iyo diiri gelinta ah ee uu kahelaayo dadka kukala dhaqan dalka debadiisa iyo gudihiisaba
Waxana sigaara isha uguhaya dadka siyaasada odorasa oo sheegay inuu xasan cismaan ismaaciil buuxiyey astamihii looga baahnaa hogaanka suuban
dhawaana ay siyaasadiisu iftiimin doonto mandaqada S/land

W/Q:MUUSE AXMED JAAMAC
MUSEAHMED47@GMAIL.COM
ALLAAMAHADLEH

XUKUUMAD S/LAND OO XILKII KAQAADAY GUDOOMIYAHIYII DEGMADA DHOQOSHAY MAXAMUUD XASAN SALEEBAN DOOB KADIB MARKII UU KA GIL GISHAY ARIMO WUXUUSHNIMO AH OO DEGMADAASI DHOQOSHAY KULA KACDAY XUKUUMADU

————————–
Xukuumada s/land ayaa xilkii kaqaaday gudoomiyihii degmada dhoqoshay
mudane maxamuud xassan saleebaan DOOB
kadib markii uu xukuumada kucadeeyey in degmada
dhoqoshay cagaf cagaf ay dowladu siisay ay hadana kala noqdeen
qaarkamida wax matarayaaasha gacanyaraha u ah xukuumada
iyadoo lasheegay inuu uga qaadi rabay tuulo ay reerkoodu degaan.

gudoomiyaha hada xilka lagaqaadayna waxa uu sicad uga horyimid
go,aankii ladoonayey in cagaftaa lagu celiyo
waxanu muujiyey hal adaygnimo iyo in aanay degmadiisu geyin
cadaha quudheed.
isagoo si geesimo lehna ula hadlay cali mareexaan oo isagu ahaa
shaqsiga dabada kariixayey in laga celiyo cagafta degmada dhoqoshay
kana gubtahanyooday horumarka degmadaasi oo aanu
doonayn inay noqoto degmo horusocota
hayeeshee xilka qaadistan ayaa waxa kadanbeya

wasiirka ay bulshadu ugu yeedho
“Qabyaalad mooyaane, qalin waxba kuma tare” Kaasi Oo Ah Wasiir cali mareexaan
Islamarkaana ka shaqeeya qoqobka iyo kala qaybinta Bulshada.
wejina aan dhowran oo ceebta dhabaqsada
kulmiyena ra’yi kumasooceliyo ee wuxuu ladhexjooga dhuuni.
oday waayelana maruu xusbiga kulmiye kahadlayey
wuxuu yidhi xisbiga kulmiye xisbibuu ahaa ee markii cali mareexaan
kataliyuu tagoogada kajabay
in Babadan oo bulshada kamidina waxay xisbiga kulmiye uga baxeen
cali mareexaan dartiis.
mantana waxay umuuqataa inuu gawaan cidla,ah kufuray xisbigii kulmiya
kuna gowracay gacantiisa.

waxayna u muuqataa maahmaahdii ahayd “dumaali kuma daryeesho”
waxan kawadaa waa lawada garanayaa siduu cali mareexaan kuyimi kursiga
oo booskii xirsi kabaxay ayaa buuxi lagu yidhi.
Balse nasiib daro xirsi xaab kasoo qaadimaayo oo wuu ka faras fiicanyahay
oo han iyo himiluu leeyehay hayeeshee cali mareexaaan hankiisu reer madhaafo
waxqabadkiisa uguwaynina waa markuu qof ay isku reeryihiin shaqo geeyo
iyo waxaa dhaamin wana wasiir sida haweenka xasarad iyo isku dir dadka
ladhex jooga

LA SOCO QAYBAHA DAMBE IYO MAQAALO XAASAASIYA OO TAXANE NOQON DOONA.

WQ:-MUUSE AXMED JAAMAC
EMAIL:-MuseAhmed47@gmail.com

MA DAWLADDAA DICIIF AH MISA DAGAAL BEELEEDYADAA DARAN?? WQ:-MAXAMUUD JEESTO

Iyadoo Hore Ay Dirir Colaadeed Laba Beelood Ugu Dhexmartay Deegaanada Dogoble Iyo Dararweyne Ee Degmada Ceel-Af-Weyn Ayaa Waxa Maalintii Shalay Oo Khamiis Ahayd Hadana Dib Uga Qarxay Dagaal Sababay Khasaare Xoogan Oo Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac Dagaalkaasi Oo U Dhexeeyey Laba Beelood Oo Wada Dega Deegaankaasi.19732251_680657115466925_1254930656957919880_n
Dagaalkan Kasoo Cusboonaday Degmada Ceel-Af-Weyn Ee U Dhexeeya Beelaha Walaalaha Ah, Ayaa Waxa Ku Dhintay 7 (Todoba) Qof Halka Dhaawucuna Yahay 18 (Sideed Iyo Toban) Ruux Kuwaasi Oo Qaarkood Dhaawacoodu Culus Yahay Laguna Dabiibayo Magaalooyinka Ceel-Af-Weyn Iyo Ceerigaabo.
Ka Dib Markii Uu Dagaalkaasi Dhacay Saacada Kadib Waxa Goobtaasi Lagu Daabulay Islamarkaasina Gaadhey Ciidamada Qaranka Somaliland Kuwaasi Oo Isku Deyey Inay Damiyaan Dabkaasi Balse Nasiib Daro Kuma Ay Guulaysan Dagaalka Halkaasi Ka Oogmaya Ee U Dhexeeya Labadaasi Beelood, Waxaana Lasoo Sheegayaa In Weli Dagaalkii Uu Socdo Dhawaaqa Rasaasta Iyo Dhiilada Galawgana Laga Maqlayo Meelo Aad Uga Dheer, Iyadoo Weliba Ay Intaasi Sii Raacdo Hub Uruursi Iyo Dhoola Tusyo Ay Isu Muujinayaan Beelahaasi.
Dagaalkan Dib Ugasoo Cusboonaaday Deegaanka Dararweyne Ayaa Daba Socda Dirir Colaadeed Oo Hore U Dhex Martay Beelo Halkaasi Wada Dega Taasi Oo Ay Ku Nafwaayeen 13 (Saddex Iyo Toban) Ruux.
Geesta Kalana Xukuumadda Uu Gadhwadeenka Ka Yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaan iLaa Hada Ka Dareen Bixin Dagaalka Kasoo Cusboonaaday Deegaanka Dararweyne Oo Dad Badani Ay Ku Nafwaayeen, Marka Laga Reebo Xubno Wasiiro Ah Oo Hadalkooda Kusoo Koobay “Waanu Ka Xunahay Beelaha Ku Dagaalamaya Dararweyne” Taasi Oo U Muuqata Inaan Dan Iyo Muraad Laga Lahayn Dhiiga Qubanaya Iyo Dhalinta Ku Dhimanaysa, Waana Arrin Fadeexad Iyo Foolxumo Weyn Ku Ah Xukuumadda Talada Haysa Ee Wakhtigeedu Gabaabsiga Yahay, Waxaana Xukuumadda La Gudboonayd Inay Si Deg Dega U Gaadho Deegaanka Dirirtu Ka Dhacday Dhiiga Badanina Ku Daatay ,Kalana Dhex Gasho Beelaha Walaalaha Ah Ee Xurgufta Xanuunka Badani Soo Kala Gaadhey.

21-kii Bishii 9-aad Sannadkii 2016-kii Ayay Ahayd Markii 11 (Koob Iyo Toban) Go,aan Lagasoo Saaray Dagaal Beeleedka U Dhexeeya Beelaha Wada Dega Deegaanada Dararweye Iyo Dogoble Ee Degmada Ceel-Afweyn Kuwaasi Oo Ay Ka Mid Ahaayeen; NABADGELYADA, DAAQA, DEEGAANKA IYO DEEGAAMAYNTA, DEEGAAMAYNTA BACAHA, BIYAHA, DHIMASHADA IYO DHAAWACA IYO DHISMAYAASHA CEELKA DOGOBLE, Go,aamadaasi Oo Looga Danlahaa Si Loosoo Afjaro Dagaalada Daba Dheeraaday Ee Dhawrka Goor Ka Dhex Qarxay Beelahaasi Walaalaha Ah, Isla Markaana Ay Yihiin Go’aamadaasi Kuwo Xal Loo Arkay, Kadib Markii Ay Muddo Dhawr Todobaad Ah Halkaasi Fadhiyeen Xubno Ka Socday Xukuumadda, Madax-dhaqameed, Salaadiin, Xildhibaano Iyo Ergooyin Kala duwan.

Sidoo Kalana Waxa Halkaasi Ay Gudiga Xalinta Colaadaasi Kaga Dhawaaqeen Baaq Ay U Jeediyeen Labada Beelood Ee Dirirtu U Dhaxaysay Iyo Go’aamo Ay Xukuumadu Tallaabo Kaga Qaadayso Cid Kastoo Jebisa Qodobada La Is-la Qaatay.

Dhanka Kalana Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cismaan C/laahi Saxaradiid (Caddaani) Ayaa Goobtaasi Ka Akhriyey Go,aamadaasi. Wasiir Caddaani Oo Ka Warbixiyey Ujeedada Go,aamadaasi Ayaa Shaaciyey Inay Reebanyihiin Sidashadda Hubka Sharci Daradda Ah, Mid Shaqsi, Mid Kooxeed Iyo Ciidan Beeleed Hubaysan. Waxaanu Sheegay Inay Mamnuuc Tahay In Hub Lalasoo Galo Meelaha Ay Dadku Wada Deganyihiin Sida Tuulooyinka Iyo Ceelasha Laga Cabayo, Isla Markaasina Aan La Ogolayn Qaadasha Hubka Culus Ee Uu Ugu Yar Yahay Qoriga Loo Yaqaano PKM.
Sidoo Kale Waxaa Go’aamadaasi Lagu Faray Odayaasha Iyo Waxgaradka Labadda Beelood In Ay Muddo 24 Saacadood Ah Ku Kala Diraan Ciidan Beeleedyadda Is-Hor Fadhiya.
Geesta Kale Waxaa Ka Mid Ahaa Qodobadda Go’aamadaasi In La Joojiyay Gebi Ahaanba Degaamaynta Dhul Daaqsimeedka Dadka Ka Dhexeeya, Kuwaasi Oo Sabab U Ahaa Dagaalada Sukeeye Ee Soo Noqnoqday Iyo Colaada Soo Afjarmi Weydey. Waxaana La Go,aamiyey In Ugu Dambayn 10-Ka Bisha 10-aad Ee Sannadka 2016-Ka In Gebi Ahaanba La Baabi,Iyo, Lana Aaso Wixii Dhisme Ka Jiray Degaanka Bacaha.
Waxaa Iyana Go’aamadaasi Ku Jiray Qodob Ahaa In Dawladdu Ay Bixin Doonto Wixii Hanti Rasmi Ah Ee Dagaaladaasi Ku Bur-buray, Iyadoo Marka La Soo Dhamaystiro Qiimayntaasi Xukuumaddu Ku Bixin Doonta Muddo 30 Maalmood Gudohood Ah. Waana Kuwan Hoos Ku Xusan Go,aamadii Kasoo Baxay Dagaal Beeleedkaasi.

Halkan Ka Akhriso 11-Kii Qodob Ee Xukuumaddu Ka Soo Saartay Dagaalka Ceel-Af-Weyn
………………………………………………………………………………………………………………
1) NABADGELYADA
B- Dawlada ayaa ka masuul ah guud ahaan nabadgalyada iyo amaanka shacabka JSL, gaar ahaan deegaamada go,aankani sida tooska ah u saamaynayo.
T- Waxa reeban sidashada hubka sharci darada ah mid shaqsi, mid kooxeed iyo ciidan beeleed hubaysan .
J- Gebi ahaanba waxa reeban haysashada hubka culus ee uu ugu yar yahay qoriga BKM. Cidii lagu arko hubka noocaas ah, waxa loo aqoonsanayaa dambiile khalkhal gelinaya nabadgelyada waxana ciidanka nabadeglyadu ka qaadayaan talaabada ku haboon.
X- Waxa reeban nooc kasta oo hub ah in lala soo galo goobaha dadku wada dego, tuulooyinka iyo Ceelasha biyaha.
Kh- Ciidamada ilaalinta nabadgelyadu waxay awood sharci oo buuxda u leeyihin in ay ka hortagaan isla markaana ka qaadaan talaabada sharci ee ku haboon cidkasta oo samaysa falal ka dhan ah nabadgelyada
KH- Waxa la farayaa waxgaradka,odayaasha iyo hogaamiyayaasha dhaqanka ee beelaha (Cuqaasha) in ay kala diraan ciidan beeleedyada hubaysan 24 saacadood gudahood oo ka bilaabanta maaanta oo taariikhdu tahay 21/09/2016.
C- Ciidanka qaranka waxa la farayaa in ay dabagal iyo hubin ku sameeyaan dhaqangelinta iyo fulinta go,aanka kala dirista ciidan beeleedyada.
D- Shakhsiyaadka ama kooxda ka hortimaada kala dirista ciidan beeleedyadaas, fulin wayda qodobada go,aanka iyo awaamiirta ciidanka qaranka waxa loo aqoonsanayaa dambiile/dambiilayaal waxaana laga qaadayaa talaabo kasta oo ku haboon iyadoo la horgayn doono hayadaha sharciga.
2) DAAQA
B- Iyadoo la tixraacayo degreetada madaxwaynaha JSL, dhulka daaqa iyo deegaanka xoolaha lagu dhaqaa waa hanti qaran oo ay masuul ka tahay dawladu sidaas awgeed, lama kala laha, lamana kala sheegan karo,dhulkuna manaafacaadsigiisa waa loo siman yahay
T- Cidii ay ku cadaato inay cid kale ka sheegato dhul daaqsimeedka, waxa ciidanka iyo hayadaha amnigu u xilsaaran yihiin inay talaabo sharci oo ku haboon ka qaadaan.
3) DEEGAANKA IYO DEEGAAMAYNTA
B- Gebi ahaanba waxa la joojiyo deegaamaynta dhul daaqsimeedka dadka ka dhexeeya oo had iyo jeer sabab u noqda khilaafka bulshada deegaanka iyo colaadaha sokeeyo.
T- Lama deegaamayn karo guud ahaan dhulka xooluhu daaqaan ee aan loo haysan ogolaansho dawladeed oo sharci ah.
J- Laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 21/09/16 waxa reeban in deegaamada dhul daaqsimeedka laga yagleelo magaalooyin, xidhmooyin, tuulooyin, ceshiimooyin, Baraago, IWM.
X- Maamulada gobolka Sanaag,Sool iyo maamulada degmooyinka Ceel-Afwayn, Garadag, Dararwayne, Awr Boogays iyo Xudun awood sharci uma laha ogalaashaha iyo bixinta degsiimooyin cusub oo laga yagleelayo dhul daaqsimeedka ilaa iyo inta sharci qeexayaa ka soo baxayo.
4) DEEGAAMAYNTA BACAHA:
Dawladu Iyado Ka Duulaysa:
Soo afjarista shaqaaqooyinka soo noqnoqday ee ku salaysan deegaamaynta goobtaas
Ilaalilnta iyo daryeelka dhuldaaqsimeedka dadka ka dhaxeeya
Go,aamadii maamulka Gobolka Sanaag iyo Ceel- Afwayn ka soo saareen goobtaas
Dawlada JSL waxay go,aamisay ;
B- In deegaanka Bacahu uu yahay dhul daaqsimeed dadka ka dhaxeeya oo aan la kala sheegan Karin.
T- In ugu danbayn 10 bisha Tobnaad (10/10/2016) gebi ahaanba la baabiyo, lana aaso dhamaan waxii dhisme ka jira deegaanka bacaha sida; godadka bacaha la geliyo ee biyaha, waabab,Buulal, xidhmooyin, IWM
J- Waxa reeban in goobtaas laga sameeyo wax berkado ah.
5) DEEGAAMAYNTA ISKU-KUFKA:
Dawladu iyadoo ka duulaysa:
Iyadoo laga hortagayo in aan deegaamada dhul daaqsimeedka laga samayn yagleel cusub.
Ilaalilnta iyo daryeelka dhuldaaqsimeedka dadka ka dhaxeeya
Go,aamadii maamulka Gobolka Sanaag iyo Ceel- Afwayn ka soo saareen
Dawlada JSL waxay go,aamisay;
B- In deegaanka isku-Kufka yahay dhul daaqsimeed dadka ka dhaxeeya oo aan la kala sheegan Karin.
T- In ugu danbayn 10 bisha Tobnaad (10/10/2016) gebi ahaanba la baabiyo dhismayaasha ka jira deegaanka Isku-Kufka
J- In aan laga samayn Karin berked biyood nooc kasta oo ay tahay marka laga reebo berkada kaliya ee imika ka jirta Isku-Kufka, taas oo hore loo ogolaaday.
6) DHISMAYAASHA CEELKA DOGOBLE:
Nabadu waa aasaaska wada noolaanshaha bulsho kasta . Dawlada JSL iyadoo;
Ka duulaysa Soo afjarista shaqaaqooyinka soo noqnoqday ee ku salaysan deegaamaynta ceelka Dogoble
Ka duulaysa nabadaynta iyo wada noolaanshaha beelaha walaalaha ah ee wadaaga baadka iyo biyaha deegaanka ceelka dogoble.
Ka duulaysa texgelinta iyo dhaqangelinta heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Dararwayne 1993kii oo qeexayay in aan la deegaamayn Karin ceelasha Duud-caraale
Dawlada JSL waxay go,aamisay ;
B- In ugu danbayn 10 bisha tobnaad (10/10/2016) lagu baabiiyo dhamaan dhismayaasha ceelka Dogoble.
T- Waxa Reeban in dhismayaal iyo degsiimo laga sameeyo Ceelasha Duud Caraale go,aankan ka dib.
J- In dawladu bixiso magdhowga dhismayaasha rasmiga ah ee ka kooban daaraha, sandaqadaha iyo kuwa dhagaxa ah .
X- Qiimaynta hantidaas waxa Dawladu u saaraysaa Guddi farsamo oo madax banan oo aqoon u leh qiimaynta hantidaas.
KH- Marka ay soo baxdo qiimaynta hantidaasi, waxay Xukuumadu ku bixinaysaa magdhowga lacagta ah ee dhismayaashaas 30 cisho gudahood.
7) BIYAHA
B- Biyaha dabiiciga ah ee ceelasha iyo dooxooyinka lama kala laha, gaarna looma kala sheegan karo, si siman ayaana loo wada cabayaa dad iyo duunyo.
T- Ceelka Dogoble waxa masuul ka ah wasaarada biyaha oo keenaysa mishiino iyo shaqaale dhex u ah bulshada deegaankaas. Inta la keenayo mishiinka wasaarada waxa lagu cabayaa habka wadaanta ama mishiin ay ciidanka qaranku maamulaan. Waxaana ka reeban in lagu isticmaalo mishiin gaar loo leeyahay.
J-Wasaarada biyihu wxay ka dhisaysaa ceelasha dushooda taangi biyood sida ugu dhakhso badan.
X- Maadaama Ceelka Dogoble iyo ceelasha kale ee Duud Caraalle ku filan yihiin waraabka xoolaha, waxa la mamnuucay dib u qodista ceelka Dhuxulaalay gebi ahaantiis.
Kh- Hadiiba ay timaado baahi loo qabo qodista ceelka Dhuxulaalay oo ay bulshada deegaanku isku raacsan tahay waxa awooda bixinta iska leh dawlada dhexe ee JSL oo kaliya.
C- Waxa gebi ahaanba mamnuuc ah in degsiimooyin laga yagleelo ceelasha Duud caraale ee xoolaha laga waraabiyo dushooda.
😎 DHIMASHO IYO DHAAWAC
B- Dhamaan dadkii ku geeriyooday 2dii dhacdo ee kala dambeeyay oo ah 13 qof ( Saddex iyo Toban) waxa ka waajibtay mag.
T- Qadarka iyo qiimaha magta dadka dhintay waxa lagu kala qaadanayaa qofki 130 Halaad( Boqol iyo sodon Halaad)
J- Jifada magahaas waxa lagu kala qaadanayaa 40 Halaad oodhogor ah waxaana lagu bixinayaa muddo dhan 30 cisho oo ka bilaabanta berri oo taariikhdu tahay 22/09/2016.
X- Magwaynta kale waxa lagu kala qaadanayaa qiime dhan $400 ( Afar boqol oo dollar Hashii), waxaana lagu bixinayaa muddo dhan 90 cisho kalliya oo ka bilaabanta berri oo taariikhdu tahay 22/09/2016
KH- Waxii dhaawac dhexyaala beelaha walaalaha ah waxa lagu xalinayaa oo loo marayaa habka shareecada Islaamka, waxaana loo saarayaa Guddi culimo ah oo khibrad u leh muddo 90 Cishogudahood ah.
Kh- Magahaas hadii mudadaas kor ku sheegan lagu bixin waayo, Xukuumada awood u isticmaalaysa si ay ugu bargoyso.
9) FULINTA GO,AAMADA IYO DHAQANGALKOODA
B- Hadii la jebiyo dhaarta labada Beelood iyo qodob kamid ah qodobada go,aankan waxa reerka ay ku cadaataa mutaysanayaa xadhig loo maray sifaha sharciga iyo bixinta ganaax lacageed oo ah $20,000 oo lagu qiimaynayo hadba dhumucda dhacdadu inta ay leegtahay.
T- Dhamaan qodobada heshiiskan waxa fulintooda ka masuul ah dawlada JSL oo ay wakiil uga yihiin Ciidanka Nabadgelyada iyo wakiilada heer gobol iyo degmo oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ee deegaanka( cuqaal iyo Salaadiin).
10) WAQTIGA DHAQANGALKA GO,AANKAN
B- Go,aankani waxuu si rasmiya dhaqan gal u yahay marka la soo saaro nuqul ay ku saxeexan yihiin wasiirada xukuumada ee uu Madaxwaynaha JSL u soo igmaday arinta khilaafka Duud Caraale iyo deegaanka Ceel-Afwayn.
T- Laga bilaabo taariikhda go,aankani soo baxo waa dhaqan gal qodobadiisu, xogta nuxur ee u xambaarsan yahay iyo guud ahaan fulinta awaamiirta uu tilmaamayo.
11) SAXEEXA GO,AANKAN
Go,aamadaasi Waxa Si Wada Jira U Soo Saaray Oo Saxeexay Xubnaha Wasiirada Hoos Ku Tusan Oo Madaxwaynaha JSL U Igmaday Xalinta Arintaasi;
Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) Wasiirka Arrimaha Gudaha ——————————
Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka Madaxtooyada ——————————-
Cusmaan Cabdullahi Saxardiid ( Cadaani) Wasiirka Warfaafinta —————————–
Cali Saciid Raygal Wasiirka Dibu-Dejinta Iyo Dibu Dhiska ——————————
Farxaan Aadan Haybe Wasiirka Duulista Hawada Iyo Gadiidka Cirka —————————
Cabdirashiid Maxamuud Cali W. Dawlaha Xanaanada Xoolaha —————————
Maxamuud Warsame Jaamac Wasiir Ku Xigeenka Gaashaandhiga —————————-

Hadabe Iyadoo Xaalku Sidaasi Yahay Lagana Soo Saaray Go,aamadaasi Adag Ayaa Waxaynu Wada Ogsoonahay In Dagaal Beeleed Aan Waxba Laysu Reebin Uu Dib Uga Qarxay Deegaanadii Hore Ay Dirirtu Ugu Dhexmartay Beelahaasi Wada Dega Iyadoo iLaa Hadana Xaalada Deegaanadaasi Meel Xaasaasiya Marayso. Waxaana Sabab U Ah Colaadaasi Soo Cusboonaatay Qodobo Dhawr Ah Oo Dhicisoobey Oo Ay Ku Fashilantay Islamarkaasina Ku Guul Daraysatay Xukuumadda Siilaanyo Kuwaasi Oo Aan Si Rasmiya U Dhaqan Gelin.

Maxaa Sabab U Ah Dagaal Beeleedka Dib Uga Qarxay Dararweyne??
…………………………………………………………………………………………..
Dagaalkan Soo Noqnoqday Ayaa Ah Miday Sabab U Tahay Go,aamo Ay Soo Saartay Xukuumaddu Balse Noqday Qaar Dhicisoobey Kuwaasi Oo Ay Kamid Yihiiin Qodobka Lixaad Farqadiisa 3-aad Kaasi Oo Ah:-
J- In Dawladu Bixiso Magdhowga Dhismayaasha Rasmiga Ah Ee Ka Kooban Daaraha, Sandaqadaha Iyo Kuwa Dhagaxa Ah. Hantidaasi Oo Ay Dhammaantood Dhulka La Sintay Xukuumaddu Balse Aanay Bixinin Amaba U Magdhabin Cidii Laga Burburiyey Daaraha Iyo Baraagaha Ka Dhisnaa Deegaanada Dogoble Iyo Bacaha, Dhismayaashaasi Oo Ay Kaga Baxday Hanti Aad U Badani, Waana Ta Keentay In Dagaal Kasoo Cusboonaado Deegaanadaasi Iyadoo Qola Waliba Xasuusan Hantidii Laga Burburiyey.
Sidookale Xukuumaddu Waxay Ku Guul Daraysatay Dhaqan Gelinta Qodobka 1-aad Ee Nabad Gelyada Farqadiisa 1-aad, 2-aad, 3aad Iyo 4-aad. Waxaanu U Dhacayaa Sidatan

1) NABADGELYADA
B- Dawlada ayaa ka masuul ah guud ahaan nabadgalyada iyo amaanka shacabka JSL, gaar ahaan deegaamada go,aankani sida tooska ah u saamaynayo.
T- Waxa reeban sidashada hubka sharci darada ah mid shaqsi, mid kooxeed iyo ciidan beeleed hubaysan.
J- Gebi ahaanba waxa reeban haysashada hubka culus ee uu ugu yar yahay qoriga BKM. Cidii lagu arko hubka noocaas ah, waxa loo aqoonsanayaa dambiile khalkhal gelinaya nabadgelyada waxana ciidanka nabadeglyadu ka qaadayaan talaabada ku haboon.
X- Waxa reeban nooc kasta oo hub ah in lala soo galo goobaha dadku wada dego, tuulooyinka iyo Ceelasha biyaha.
Sida Xaga Sare Ku Xusan Qodobada T,J Iyo X Waxay Tilmaamayaan Inay Sharci Daro Ay Tahay In Hub Lalasoo Galo Tuulooyinka Iyo Qaadashada Hubka Culus Ee Uu Ugu Yaryahay Qoriga BKM.
Balse Taasi Waxay Noqotay Hal Bacaad Lagu Lisay Waxaana Xaqiiq Ah In Beelahaasi Aanay Marnaba Hubka Iska Dhigin Lanasoo Geli Jireen Tuulooyinka Iyo Ceelasha Laga Cabayo, Geesta Kalana Beelahaasi Ayaa Ahaa Qaar Haysta Hub Aad U Culus Sida Tignika La Saaray Baabuur Madaxa Sare Laga Jaray Iyo Qoryaha Noocoodu Yahay BKM IYo AK47. Qodobadaasi Oo Ah Kuwo Ay Xukuumaddu Ku Fashilantay Dhaqan-Gelintooda, Waana Ta Sababtay Dirirta Soo Laba Kaclaysay.
Geesta Kale Waxa Iyana Dagaalkaasi Dabada Ka Riixaya Siyaasiyiin Miisaan Culus Oo Kasoo Kala Jeeda Beelahaasi Kuwaasi Oo Goobta Maray Ka Hadleen Ku Dhawaaqayey “Dagaal Wiilbaa Ku Dhinta Ee Wiil Kuma Dhasho” Balse Ay Ka Ahayd Hadal Af-ka-Baarkiisa Ah, Taasina Waa Mid Dhabar Jab Ku Ah Guud Ahaanba Somaliland.
Xukuumadda Talada Haysa Ee Uu Gadhwadeenka Ka Yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa Sidookale Ku Guul Daraysatay Qodobka Sagaalaad Farqadiisa B, Waana Kan Hoos Ku Xusan.
9) FULINTA GO,AAMADA IYO DHAQANGALKOODA
B- Hadii la jebiyo dhaarta labada Beelood iyo qodob kamid ah qodobada go,aankan waxa reerka ay ku cadaataa mutaysanayaa xadhig loo maray sifaha sharciga iyo bixinta ganaax lacageed oo ah $20,000 oo lagu qiimaynayo hadba dhumucda dhacdadu inta ay leegtahay.
Hadabe Waxaanu Muran Ka Taagnayn In Si Badheedh Ah Beelahaasi U Jebiyeen Dhaartii La Kala Dhex Dhigay Iyo Go,aamadii La Hordhigay, Mana Jiraan Wax Talaabo Ah Oo Ay iLaa Hada Ka Qaaday Xukuumaddu Iyadoo Hore U Shaacisay In Qolada Dhaarta Jebisa Ay Mutaysanayso Xadhig Loo Maray Sifaha Sharciga Iyo Ganaax Lacageed Oo Xadigeedu Yahay $20,000 Oo Lagu Qiimaynayo Dhumucda Dhacdadu Leegtahay.Go,aankaasina Wuxuu Noqday Mid Dhicisoobey Fashil Iyo Fadeexad Weyna Usoo Jiidey Xukuumadda Talada Haysa.

Gabagabadii Iyo Gunaanadkii Hadaynu Isku Dayno Su,aasha Ah:- “Ma Dawladdaa Diciif Ah Misa Dagaal Beeleedyadaa Daran” Waxay Noqonaysaa Jawaabtu Maadaama Oo Dawladdu Tahli Kariweydey Dabar-Goynta Dagaalkaasi, Dhawr Jeerna Ay Yihiin Colaaduhu Qaar Soo Noqnoqday, Go,aamada Xukuumaduna Dhiciisoobeen Oo Aanay Badankoodu Hirgelin, Waxaan Muran Ka Taagnayn In Dawladdu Aanay Awood Buuxda U Lahayn Dabar Goynta Dagaal Beeleedyada Iyo La Tiigsiga Sharciga Somaliland.
Somaliland-na Waa Dawlad Ku Dhisan Beelo Iyo Qabaa,il Xiliyada Dirirta Iyo Dagaaladu Ay Ka Dhex Dilaacaana Waxa Lagu Sabaa Maslaxaad Iyo Madax Salaax Mana Jirto Awood Ay Dawladu Ku Muquuriso Iyo Xukun Adag Oo Ay Ku Rido, Waana Ta Sabab U Ah In Go,aamada Laga Gaadho Dhibaatooyinkaasi Ay Dhicisoobaan.

DHAMMAAD.

MAXAMUUD MAXAMED TAAJIR (JEESTO)
EMAIL:-suxufujeesto12@gmail.com

Dahabshiil CEO seeks support for drought stricken African states

Dahabshiil Chief Executive Officer Abdirashid Duale wants the international community to continue assisting the poor in Africa who have been hit hard by the ongoing devastating drought.

Duale said this Monday night while attending the Muslim News Awards for Excellence 2017 to celebrate the very best of Muslim contribution to British society and recognise leading examples of good practice, excellence and future role models.

Britain’s longest standing Muslim awards event, hosted at London’s Grosvenor House, was also attended by leading names including Sajid Javid MP, Secretary of State for Communities and Local Government, Dominic Grieve QC MP, Chairman, Intelligence and Security Committee, Baroness Shami Chakrabarti, Shadow Attorney General, Tasmina Ahmed-Sheikh MP, SNP Westminster Spokesperson, International Trade and Rt Hon Tom Brake MP, Liberal Democrat Spokesperson for Foreign Affairs & Chief Whip.

Dahabshiil handles the majority of UK money transfers to the Horn of Africa. Duale met with Sajid Javid at the event to discuss the importance of remittances not only to communities in poorer regions but also to the Diaspora communities who send money back to them. Diaspora-remitted funding to Somalia, for example, much of which is invested, has been key to maintaining social and family ties across long distances.

Dahabshiil has supported the event for over five years and Duale said he was proud to present the Al-Biruni Award for Excellence in Community Relations to winner Emdad Rahman, a dedicated community activist, involved in raising money for many charities, most notably the White Chapel Missions.

“Attending the event to celebrate the greatest achievements of the British Muslim community was a great honour. The award winners are fantastic examples of the contribution Muslims across the UK make to everyday society and it was an honour to present the community relations award,” Duale said.

“As we reflect on the fantastic achievements, we must not forget the situation currently affecting the communities in the Horn of Africa. The effects of a devastating drought mean that millions of people require aid.

“A united effort from the international community, together with Muslims at home and abroad, to bring aid to vulnerable communities and build stability in the country is what’s needed to ensure this new chapter in Somali history is a prosperous one.”

Dahabshiil recently committed to providing USD $300,000 to drought response activities in the acutely affected regions of Hiiraan, Bay, Bakool and Gedo. This is in addition to USD $1million of support provided by the company over the last six months, largely to Somali-led drought relief committees on the ground.

Maamulaha Shirkadda [DAHAB­SHIIL GROUP] Oo Waraysigii Ugu Qiimaha Badnaa Lala Yeeshay Iyo Qodobada Diiradda Lagu Saaray…

Maxaa Ka Mid ah? [ Ka Eeg Gudaha] London (Karin) Waraysi gaar ah oo idaacadda VOA qaybteeda afka soomaaliga ee dalka ingiriiska la yeelatay maamulaha shirkadda dahabshiil cabdirashiid maxamed siciid waxaa wax lagaga waydiiyay sida ay abaaraha iyo aafooyinka ka dhaca dhulka soomaalida iyo geeska afrikaba uga qayb qaataan, waraysigan oo inta badan diiradda lagu saaray muhiimadda shirkadda dahabsiil u leeda

S. Dhawaan waxaad la kulantay qaybaha kala duwan ee bulshooyinka ku nool dalka ingiriiska iyo madax ka tirsan dawladda dalka ingiriiska waxyaabaha aad ka wada hadasheen ma noo faah faahin kartaa?

J. Horta runtii sidaad la socotid waxyaabaha ugu waa wayni waa abaaraha dhulkii soomaalida saamaynta wayn ku yeelatay in kastoo meelaha qaar roob laga sheegayo hadda hadana runtii khatarka jirta wali meelo ama gobolo badan oo dhulkii soomaalida ku yaala aad bay u xun tahay dadka dibadda jooga ama soomaalida qurbaha joogta waddankooda inay mar walba caawiyaan diyaar bay u yihiin ha’ayado badan oo wakhti geliyay si ay lacago ugu ururin lahaayeen oo umaddii ugu diri lahaayeen ayaa jira markaa haddaanu nahay dahabshiil mar walba wixii umadda u dan ah ayaanu soo dhaweynaa dadkaa dhalinyarada ah ee waddankii caawinaya qaar badan oo aan la kulmay xubno kala duwan oo ma aragtaanay jaaliyadda waddanka degan waan la kulmay dad ajanabi ahna waan la kulmay . S. Markaa ma waxaad ula jeedaa waxyaabaha dhamaan dadka aad kala hadasheen waa inaad ugu baaqdaan inay qayb ka qaataan abaaraha xiligan ka jira geeska afrika? J. Abaaruhu waxay ahaayeen qodobada ugu waawayn ee aanu ka hadlayn maxaa yeelay abaaruhu dee waynu ognahayoo waxay hadda maraysa meel aad u xun gobolada qaar markaa in mar walba dadka laxasuusiyo oo la yidhaahdo maxaad qaban kartaan ama sidee uga qayb qaadan kartaan waa muhiim dadka qurbaha jooga waa dad waddankoodii jecel waa dad dadkoodii jecel laakin mararka qaarkood dad baa jira aan warkii oo dhan wada haynin oo noloshoodii caadiga ahayd ku mashquula ama hadii ay shaqo yihiin shaqo ku mashquul ah ama haddii ay faamil yihiin faamilnimadoodi ku mashquul ah markaa in mar walba la xasuusiyo oo la yidhaahdo wixii aad qaban kartaan ayaanu idinkula talinaynaa waxaan u arkaa inay muhiim tahay. S. Muddo badan ayaad ka shaqeynaysaan guud ahaan afrika gaar ahaana dhulka soomaalidu ay degto ilaa hadda wax gacan ah oo aad ka geysateen abaaraha ma jiraan, haddii se ay jiraan ma noo faah faahin kartaa? J. Runtii abaarahani muddo iminka dheer bay hadda socdeen lix bilood iyo dheeraad bay meelaha qaar ka socdeen siyaabo kala duwan ayaanu uga qayb qaadanay qaar aanu lacag iyo raashin kaga qayb qaadanay waa jiraan dhawaan gobolada abaaraha aadka looga soo sheegay dad ku dhinteen lacag baanu ugu deeqnay waxaan odhan karaa lacag ilaa milyan iyo badh gaadhaysa bay maraysaa 1.5 Milyan dolar bay maraysaa lacagaha samafalka iyo abaaraha aanu ku bixinay mar walbana diyaar baanu u nahay wixii aanu geysanayno sidaas awgeed baanu soomaalida qubaha joogta ama ha’ayadaha caalamiga ah ama dawladaha caalamiga ah aanu mar walba iyaga laftigooda aanu leenahay maxaanu idinla qabana si dadkaa gaajoonaya ama dhibaatoonaya ad u caawisaan ha’ayado bada runtii dahabshiil way isticmaalaan ma aragtay abaaraha ka shaqeeya markaa dadka qurbuhu waa muhiim ee tv ga ama idaacada inaga maqlaya ee iaga dhagaysanaya in qof walba wadada uu dadkiisii ku caawin karayay uu ku caawiyo waa muhiim . S. Gar­gaarka marka aad fidisaan yaad u gudbisaan ha’ayadaha idin la shaqeeya ama een hadii idinka laftarkiina aad goob joog u tihiin goobaha aad gar gaarka gaadhsiinaysaan sidee ku hubisaan gar­gaarka aad u fidisaan dadka soomaalida ah sidii loogu tala galay inuu u gaadho? J. Waa sax walaal sidaad u sheegtay goobaha qaar anaga ayaaba joogna haddii aanu nahay dahabshiil dee waad ogtahayoo dhowr boqol oo laamood baa dahabshiil ku leeyahay waddanka gudihiisa ama hadii somtel iyo EDAHAB iyo dahabsiil group laga hadlayo ka tirsan dhamaantood qayb bay ka yihiin arimaha samafalka ee aanu qabano waxaa kale oo aanu la shaqenaya guddiyada dawladuhu sameeyeen ama shacabka caadiga ah ay sameeyeen ee goboladaa kala duwan abaaraha culayska saaraya markaa runtii mid kasta culays baanu saarnay in dadka hawshaa qabanaya ay yihiin ciddii umadda wax u qabanaysay ee daacadda u ahaa ee dadkaa gaajoonaya ee dhibaataysan ee biyo la’aantu hayso gaadhsiinaya qasab marka dahabshiil ka goboladaa joogaa isaga ayaa la shaqeeya oo la hubiya in wadadii saxda ahayd ama dadkii baahnaa la gaadhsiiyay. S. Dalalka qurbaha dad fara badan oo soomaali ah ayaa gacan ka gaysanaya in abaaraha ka jira soomaaliya ay u gurmadaan marka ay idiin yimaadaan qiime dhimis miyaad u sameysaan mise sidii hore ayaad ula macaamishaan xiligan marka ay lacagaha u dirayaan soomaaliya ? J. Runtii waxaanu markasta sameynaa markay dhibaato dhacdo markii ugu horeysay ee abaaruhu dhaceen ama daadad fara badan runtii dhulkeena way soo maraane waxaanu isku daynaa guddiyadaa ay dadku sameysteen ee umaddii oo dhan u adeegaya inaanu kuwaas lacagtii loo dirayo ama khidmadda ka dhino ama free uga dhigno lacag la’aan. S. Inta badan markay abaaruhhu dhacaan waa la gurmadaa wixii la qaban karo in dadku qabtaan ayay aad iskugu taxalujiyaan qorshaha ma idinku jirtaa inaad gacan ka geystaan sidii lagu heli lahaa tusaale ahaan goobo lagu kaydiyo biyaha ama ceelal mararka qaarkood la dhihi karo waxa looga hortagi karaa biyo la’aanta baahnsan ee ku soo noq noqonaysa dadka soomaalida ah? J. Waa su’aal muhiim ah oo u baahan feker badan oo dawlaha iyo ganacsata ama ha’ayaduhu iska kaashadaan maxa looga hortagi karayaa ama looga diyaar garoobi karayaa abaarahan soo noqnoqonaya waa mid talo bada u baahan iminka anagu dahabshiil ahaan waxaanu culayska saaraynaa dhibaatada hadda jirta ee biyo la’aanta waayo iminka dhimshada xoolaha iyo dadka waa jiraan inaanu dadkaa caawino wee deg dega ah waa mid aanu u aragno inay sax tahay laakin waad u sax san tahay sidee looga hor tagi karaa abaaraha soo noqnoqonay

Source: Karinnews