Boqorada Dalka Sweden Oo Sheegtay Inay La Nooshahay Reer Aakhiraad.

Boqorada Sweden Silvia ayaa aaminsan in guriga oqortooyada ay joogaan reer aaqiraad, sida uu sheegaydekumantari laga sameeyay oo telefishinka laga sii daynayo maalinta oo khamiis ah.

Waxay sheegtay inay la degan tahay guriga boqortooyada ee Drottningholm “saxiibo reer aaqiraad ah.”

“Waa wax fiican. Laakiin cabsi ma jirto” ayay sheegtay.

Guriga oo u dhow Stockholm oo la dhisay qarnigii 17-aad, ayaa waxaa degan boqorada iyo ninkeeda boqorka Carl XVI Gustaf.

Dokumentariga Drottningholm, guriga boqortooyada, waxaa sameeyay telefishinka Sweden ee SVT.

“Mararka qaarkood waxaad dareemaysaa inaadan kaligaa ahayn” ayay boqorada u sheegtay filin qaadayaasha, iyadoo ku adkaysanaysa in reer aaqiraadka la nool ay yihiin “saaxiibo fiican”.

Image copyrightSVTImage captionDekumentariga ayaa ka hadlaya nolosha boqortooyada ee Guriga Drottningholm

Image copyrightSVTImage captionBoqorada Silvia iyo boqorka Carl ayaa is guursaday 1976

Boqorada Silvia, 73, ayaa guursatay Boqorka Carl 40 sano ka hor, waana boqoradii ugu waqtiga dheereed ee Sweden.

Waxaa dhalay aabe ganacsade Jarmal ah iyo hooyo reer Brazil ah

Wafti Uu Hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Guddaha S/Land Oo Gaadhay Magaalada Jigjiga Ee Dalka Ethopia+Sawirro.

(xog-Jig-jiga)- Wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland mudane Cali Maxamed Waran Cadde oo safar ugu baxay dalka itoobiya ayaa habeenimadii xalay ahayd gaadhay magaalada jigjiga ee dawlad deegaanka somalida itoobiya.

j5

Waxaana wasiirka iyo waftigani ay xalay ku hoyden magaalada jigjiga ee dawlada deegaanka somalida itoobiya.

j5

j6

j5j6j7j8

j8

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha ayaa kulamo la qaatay madaxda magaalada jigjiga.

Waxaana wararka na soo gaadhaya ayaa sheegaya in wasiirka iyo waftiga uu hogaaminayaa la filayo inay usii dhaafaan caasimada dalka itoobiya ee Addis-ababa.

Ilaa hada ma cadda ujeedada rasmiga ah ee wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland u tagay dalka itoobiya,balse warar xog ogaal ah oo ay helayso shabakada Ramaasnews ayaa sheegaya in uu wasiirku u tagay sidii uu ugala soo hadli lahaa madaxda dalka itoobiyaxuduuddii ay  dawlada itobiya la wadaagi jirtay somaliland ay dhawaan xidhatay.

Ciidamada Booliska Oo Gacanta Ku Dhigay Dablay Nin Saaka Ku Dilay Magaalada Burco.

(xog-Burco)-Ciidamada booliska gobolka Togdheer ayaa ku guulaystay inay gacanta ku soo dhigaan laba nin oo dablay hubaysan ah saaka subixii dil toogasho ugu gaystay suuqa Magaalada Burco Marxuun Yuusuf Muuse Duldul oo ka mid ahaa dirawaliinta gaadiidka waawayn ee u kala goosha Somaliland iyo Somalia.

Waxaana dableydani ay dileenka ninkan sida la sheegay isagoo ka shaahaynaya maherad ku taala gudaha suuqa magaalada Burco.

Jawigii Iyo Kulankii Madaxweynaha Somaliland La Yeeshay Jaaliyadda Ingiriiska (SAWIRO)

Hargeysa(xogmadhaafe)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo Waftigii u hoggaaminaayay ayaa xalay Kulan balaadhan oo aan loo kala hadhin wuxuu Magaalada London ee Caasimadda Dalka Ingiriiska kula qaatay Qurbajooga ku dhaqan dalka Uk.

Munaasibadan oo ka dhacday bariga Magaalada London, waxaa ka soo qayb galay badi Jaaliyada kala degan guud ahaan Gobolada dalka Uk, kuwaas oo isugu jiray Aqoonyahano, odayaal, dhalinyaro, caruur iyo haweenba.Madaxweynaha waxaa kulankaas uu jaaliyada la qaatay ku wehelinaayay, Wasiirada Madaxtooyada, Warfaafinta, Caafimaadka, Marwada Koobaad ee Qaranka, Safiirada dalka Somaliland iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglatoosiye) oo ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa ka waramay ahmiyada nabadu leedahay, isagoo ka sheekeeyay marxaladihii ay soo martay nabada Gobolada Bari iyo gogoshi uu Madaxweynuhu fidiyay, wuxuuna Wasiirka Caafimaadku waano u diray guud ahaan bulshada Somaliland gaar ahaan Gobolka Awdal.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa isna khudbad dheer ka jeediyay madashii Shirka Jaaliyada, Khudbada Wasiirka Warfaafintu wuxuu isku dultaagay arrimaha Doorashooyinka iyo khilaafka Xisbiga KULMIYE,wuxuuna Wasiirku tageerayaasha Xisbul Xaakimka ugu bushaareeyay in KULMIYE leeyahay Madaxweyne aasaasihii Xisbiga waxna aanay ka xumaanayn.

Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa isna ka hadlay Xafladii Madaxweynuhu la qaatay Jaaliyada UK, Wasiir Xirsi Cali Xaji Xasan wuxuu si mugleh uga waramay tariikhdii kala duwanayd ee loo soo maray dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo tilmaamay in halganadii kala duwana ee wadanka losoo galay ay ahayeen kuwo muwaadin kasta xaq loogu laha inuu nafta iyo maalkaba u huro ciidisa, geesta kale wuxuu Wasiirka Madaxtooyada ka dhawaajiyay in aanay halganadaasi noqonayn CV- lagu shaqo tago ama shaqo lagu raadsado, balse ay ahayeen wax ciida iyo dalka loo galay waddanku uu u qalmo intaas iyo in kabadan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo soo afmeeray Kulankii Jaaliyada ayaa khudbad qiimo badan oo nuxur balaadhan xanbaarsan wuxuu u jeediyay Qurbajooga rer Somaliland ee ku dhaqan dalka Uk. Madaxweynuhu wuxuu kula dar daarmay guud ahaan Shacbiga meel ay joogaanba gude iyo debad inay ku faro adaygaan nabad gelyada, sidoo kale wuxuu ka waaniyay in aanay ku qayb samin tartanada doorashooyinka.

Geesta kale wuxuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, khudbadiisa kaga dhawaajiyay in Xukuumaddiisu xooga saarayso sidii ay doorashooyinku uga qabsoomi lahayeen Gobolada Bari iyo degaanadii aan sanadihii hore laga codeyn jirin. Xaflada Madaxweynaha Somaliland uu kula kulmay Jaaliyada degan Gobolada dalka Ingiriiska ayaa ahayd mid siweyn uga duwanayd Munasibadihii hore, marka la eego dhinaca agaasinka iyo xamaasada ka muuqanaysay Qurbajooga. Waxaa iyaguna heeso dadkii goobta ku sugnaa qiiro galiyay ku soo bandhigay Fanaaniinta rer Somaliland oo ay kamid ahayeen, Nuur Jaamac Aadan (Nuur Daalacay) Maxamed Siciid BK, Canab Ismaciil, sidoo kale Faarax Murtiile iyo Hinda Maxamed Biixi ayaa iyana gabayo la jeclaystay soo bandhigay.

Guddoomiye Cirro Oo Si Kooban Uga Hadlay Xubnaha Iska Casilay

8f1dbb67d898ba8257e125569764c743_L

Hargeysa(xogmadhaafe.news)July-17-2015-Hogaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo golaha wakiillada, ayaa maanta dalka ku soo laabtay kadib markii uu soo dhammaystay safar uu ugu maqnaa dalka Jabuuti.

Guddoomiye Cirro oo saraakiil xisbigiisa ahi ku soo dhawaysay Madaarka Hargeysa ayaa safarkiisa ku sheegay mid shakhsi ah oo uu dalka Jabuuti ku tagay. Waxa uu shacbiga Somaliland iyo shucuubta Islaamka ku bogaadiyay munaasibadda Ciidal fidriga ee maanta loo damaashaadayo.

 

Guddoomiye Cirro waxa uu si kooban uga hadlay masuuliyiin xisbigiisa ka tirsan oo dhawaan iscasilay “Saaxiibadeydaas iska casilay xilkii ay hayeen  markii hore ikhtiyaarkooda ayey xisbiga ku yimaadeen  iminkana ikhtiyaarkooda ayey kaga baxeen xisbiguna waa xisbi dumuqraadi ah  jeel ma aha dadka lagu hayo  waana imanayaan dadku waana ka baxayaan  . Nimankaas wax xumaan ah oo aanu u heyno ma jirto saaxiibo nala soo shaqeeyey ayey ahaayeen “ ayuu yidhi Mr Cirro.

 

Maalmihii la soo dhaafay ayay xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iska casileen Xoghayihii Waddani ee qorshaynta Cabdirashiid Riyo-raac, Xoghayihii daakhiliga mustafe Qodax, guddoomiyihii heer qaran ee dhalinyarada Mr Gaab iyo guddoomiyihii wacyigalinta, kuwaasi oo sababtay xisbiga uga baxeen ku koobay is fahan la’aan iyaga hogaanka u dhexeysay.