Kooxda PSG Oo Lacagtii Ugu Badneyd Ee Ciyaariyaha Lagu Iibsado Adduunka Ku Iibsanaysa Xiddiga Neymar

Weeraryahanka kooxda Barcelona iyo xulka Qaranka dalka Brazil Neymar Junior ayaa dhammaadka todobaadkan loo soo bandhiga karaa qiimaha ugu qaalisan adduunka ee ciyaariyahan lagu qaato, kaas oo noqonaya $263 million.

 

Laacibkan ayaa ku biiraya kooxda Paris-Saint-Germain ee dalka Faransiiska, waxaana dhawaan uu macsalaameeyay xiddigaha ay kawa tirsanyihiin naadiga Barcelona.

Neymar, ayaa diyaarad gaar ah ay kasoo qaaday magaalladda Barcelona, waxaana uu hadda joogaa magaalladda Port, halkaas oo uu ku suganyahay agaasimaha ciyaaraha ee kooxda PSG Antero Henrique.

Qiimaha lagu qaatay Neymar, ayaa laba jibaar ka badan lacagtii kooxda Machester United sanadkii hore ay ku qaadatay laacibka Poul Pogba kaas oo dhan $111 million.

“Neymar JR, oo uu la socdo Aabihiis iyo wakiilkiisa, ayaa todobaadkan lasoo xiriiray kooxa Barcelona waxaana ay nagala hadleen katagida kooxda”, sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay kooxda Barcelona.

Neymar wuxuu qalinka ku duugi doonaa heshiis dhan shan (5) sanadood isagoo todobaadkii jeebka ku shuban doona aduun dhan 596,000 kun oo Pound kadib canshuurta, halka 45 Malyan oo Pound uu ka heli doono nafsad ahaantiisa iibkiisa.

July 20-keedii ayey Mail Online ogaatay in Paris Saint Germain ay kalsooni ku qabto saxiixa xidiga reer Brazil ee Neymar Junior inkastoo ay Barcelona beenisay wadahadal dhexmaray wakiilka xidigaan ahna aabahiis iyo madaxweynaha PSG Nasser Al-Khelaifi.

Mo Farah Oo Ka Mid Noqday Muwaadiniinta Ingiriiska Ee La Sharfo.

(xogmadhaafe)-Mo farah oo haysta dhalashada dalka Britain balse dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa ka mid noqay muwaadiniinta Britain oo la sharfay.

Mo Farax ayaa ku guuleystay bilado badan oo dahab ah kuwaas ayaana sabab u ah in lagu daro diiwaanka boqoradda UK ee dadka la sharfay. Waa riyo u rumowday Mo Farax oo uu doonayay muddo, sida ay sheegayaan dadka ku dhow.

Mo Farax oo 33 sanno jir ah, wuxuu helay laba billadood oo dahab ah oo isku xiga tartankii Rio, taas oo ahayd guushiisii afaraad ee dahabka. Wuxuu noqday qofka labaad ee keli ah ee dahab ka qaata tartamada Olimbikada ee 5,000m iyo 10,000m.

In la sharfo waxay uga dhigan tahay inuu safarkii dheeraa ee uu u maray uu soo afjaray Mor Farax. Orod yahankan ayaa isagoo sideed sanno jir ah galay dalka Britain, wuxuuna ka tagay Somaliland oo uu ku dhashay.

Liiska Kala Saraynta Horyaalka Premier Leaque-ga Ee Sanadkan 2016 Iyo Koox Kastaaba Dhibcihii Ay Ka Heshay.

(xogmadhafe)-Sanadkastaaba waxa uu kulmiyaa laba xili ciyaareed laakiin haddii si gaar ah loo xisaabiyo kulamadii la ciyaaray sanadkan 2016 oo kaliya ee horyaalka Premier Leaque-ga iyo dhibcihii ay kooxuhu ka heleen ayuu soo baxayaa miis kala sarayneed oo ka duwan kan hadda ee Premier Leaque-ga iyo waliba miiskii kala saraynta ee xili cyaareedkii h–e.

Xili ciyaareedkan Premier Leaque-ga ayaa bilawda Bisha August ee sanad kasta taas oo la micno ah in xili ciyaareed kastaaba uu isku keeno labada sano ee isku xiga. Tusaale ahaan sanadkan 2016 ayay kooxaha Premier Leaque-gu ka ciyaareen 36 kulan iyada oo 17 kulan oo ka mid ahi ay xili ciyaareedkan yihiin isla markaana ay 19 kulan oo kale yihiin xili ciyaareedkii h–e. Haddaba kooxahee dhibcaha ugu badan ka helayhoryaalka Premier Leaque-ga marka si gaar ah loo xisaabiyo kulamadii ilaa hadda laga soo ciyaaray sanadkan?.

Haddii uu maanta horyaalka Premier Leaque-gu dhamaan lahaa isla markaana uu soo bilaami lahaa January 2016, waxaa koobka horyaalka ku guulaysan lahayd Chelsea. Chelsea ayaa dhamaadkii xili ciyaareedkii h–e iyo bilawga xilli ciyaareedkan oo wada ah sanadkan 2016 soo ciyaartay 36 kulan waxayna ka soo heshay 73 dhibcood. 21 kulan ayay soo guulaysteen, 10 barbaro ah iyo 5 guuldaro.

Tottenham ayaa kaalinta labaad ku jirta waxayna haysataaa 68 dhibcood, 19 guulood, 11 kulan oo barbaro ah iyo waliba lix kulan oo ay soo guuldaraysatay.Liverpool ayaa ah kooxda saddexaad ee sanadkan 2016 dhibcaha ugu badan soo heshay waxayna Reds 36 kulan ka soo heshay 67 dhibcood iyada oo 19 guulood, 10 barbaro iyo 7 guuldaro soo heshay.

Arsenal ayaa kalinta afraad ku dhamaysan lahayd haddii horyaalka Premier Leauque soo bilaami lahaa January 2016 isla markaana uu maanta dhamaan lahaa,w axayna Gunners 36 kulan ka soo heshay 18 guulood, 12 barbaro ah iyo lix guuldaro waxayna soo urursatay 66 dhibcood, waxayna isku mid yihiin Manchester City laakiin Gunners ayaa kaalinta afraad ugu jirta farqiga goolsha oo ay haysato 33 gool halka Man City ay farqiga goolasha kaalinta shanaad ugu jirto 29 gool. Sidoo kale Man United ayaa la dhibco ah Arsenal iyo Man City waxayna kaalinta lixaad ugu jirtaa farqiga goolasha oo ah 15.

MIISKA KALA SARAYNTA PREMIER LEAQUE-GA EE 2016:

Crystal Palace, Watfrod iyo Swansea City ayaa heerka labaad u laaban lahaa  waxayna min 36 kulan ka soo heleen 26,37 iyo 40 dhibcood sida ay u kala horeeyaan.

Cristiano Ronaldo Oo Markii Afraad Ku Guuleystey Kubadda Dahabka Ah.

(xog news)-Cristiano Ronaldo waxa uu sanadkan ku guuleystey Koobka Naadiyada Yurub oo ay qaadey kooxdiisa Real Madrid, sidoo kale waxaa dalkiisu noqdey Horyaalka Qaaradda Yurub 2016 ciyaarihii dalka Faransiiska lagu qabtey. Taasi waxay waddada u baneysey in uu noqdo xiddiga kubadda cagta ee sanadkan 2016 ee ku guuleystey kubadda dahabka ah.

Waa markii afaraad ee xiddiga reer Burtiqiis una ciyaara naadiga Real Madrid uu noqdo ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunidda 2008, 2013, 2014 iyo 2016.

Tan iyo sanadkii 2007 laba nin oo keliya ayaa midba mar noqonaayey xiddiga kubadda cagta waana Messi iyo Ronaldo, waxaana ugu danbeysey sanadkii 2007 markaas oo Kaka ku guuleystey.

Messi ayaa kaalinta labaad galay, ciyaaryahanka reer France Griezmannayaa kaalinta saddexaad ku guuleystey.

Ciyaaryahanka Sannadka Ee Qaarada Afrika Oo Maanta Lagu Dhawaaqayo

(xogmadhaafe soprts)-Pierre-Emerick Aubameyang, Andre Ayew, Riyad Mahrez, Sadio Mane ama Yaya Toure ayaa loo caleemo saari doonaa jaa’isadda cayaartoyga sannadka ee Afrika ee BBC galinka dambe ee Isniinta.

Seddex ayaa lagu soo uruurin doonaa shanta cayaartoy ayadoo aysan jirin hanaan loo raacayo, waxaana toos loogala socon doonaa Barnaamijka Sport Today ee idaacadda BBC qaybta dunida la hadasha iyo barta internetka marka ay saacadu tahay 15:40 GMT (18:40 Afrikada bari).

Guulaystaha ayaa shaaca laga qaadi doonaa 17:45 GMT (20:45 Afrikada bari).

Weeraryahanka reer Gabon iyo kooxda Borussia Dortmund Aubameyang ayaa sannadkii 4aad soo galay liiska, halka Andre Aye woo u safta Gaana iyo Wst Ham, horena ugu guulaystay jaa’isadda 2011 isna sannadkii 4aad uu liiska ku jiro.

Weeraryahanka Aljeeriya iyo kooxda Leicester Mahrez ayaa ah cayaartoyga kaliya ee aan hore loo magacaabin. Sidoo kale waxaa isna cusub weeraryahanka Liverpool iyo Senegal Sadio Mane, ayadoo laacibka khadka dhexe ee Manchester city iyo Ivory Coast Yaya Toure uu 8 goor liiska soo galay, isagoo laba goorna jaa’isadda ku guulaystay. Aubameyang, oo 27 jir ah ayaa gool dhalinta horyaalka Jarmalka kaalin hore kaga jira, isagoo 2016 kooxdiisa u dhaliyey 30. Wuxuu noqday cayaartoygii ugu horreeyey ee Afrikaan ah ee loo magacaabo inuu noqdo cayaartoyga sannadka ee horyaalka Bundesliga. Sidoo kale waa cayaartoygii ugu horreeyey ee noqda cayaartoyga sannadka ee CAF, waxaana loo magacaabay in lagu daro liiska cayaartoyda loo rashaxay jaa’isadda Ballon d’Or.

Bishii Agoosto ayaa kooxda West Ham ayaa Andre Ayew 20.5 Malyan oo Gini kagala soo wareegtay Swansea. 26 jirkaas ayaa 35 kulan ka dhaliyey 12 gool.

Riyad Mahrez oo 25 jir ah ayaa isna kooxda Leicester horyaalkii ugu horreeyey la qaaday.

Sadio Mane ayaa wuxuu noqday cayaartoygii ugu qaalisanaa ee taariikhda cayaartoyda Afrikaanka, kaasoo ay Liverpool ku soo iibsatay xagaagii hore 34 Malyan ii Gini.

Anfield ayaa durba laga dareemay wuxuu sameeyey, isagoo kooxda u dhaliyey 7 gool 15 cayaarood oo ay yeesheen. Intii uusan ka soo wareegin Southampton, 8 gool ayuu sannadkan gudihiisa u dhaliyey, waxaana ku jira seddexley uu ka dhaliyey Manchester city.

Yaya Toure ayaa isna 2016 koob kale kor u qaaday isagoo u caayaraya kooxdiisa Manchester city, waana kiisii 17aad intii uu cayaarayey. Kooxdiisa ayuu la qaaday koobka League Cup, wuxuuna dhaliyey gool-ku-laadkii ugu dambeeyey ee kooxdiisa ay uga badisay cayaartii kama dambaysta ahayd. Taasi waxay ahayd cayaartii uu 33 jirkaas ku tilmaamay tii ugu fiicnayd intii uu cayaarayey.

Falaqaynta Kulanka Caawa Dhexmari Doona Kooxaha Real Madrid iyo Borussia Dortmund.

Real Madrid iyo Borussia Dortmund mar sii horeysay ayay u soo gudbeen wareega 16ka Champions League, laakiin waxa ay caawa ku tartamayaan booska kaalinta 1aad iyadoo Dortmund ay marti ku tahay garoonka Santiago Bernabeu.

Barbaro ay galaan caawa waxa ay ka saacidi doontaa kooxda Jarmalka inay ku soo baxdo kaalinta 1aad ee groupka.

5

Booska Europa League ee Group F ayaa iyadana tartan loogu jiraa, iyadoo Legia Warsaw ay u baahnaan doonto inay garaacdo Sporting Lisbon si ay kaalinta 3aad uga gasho kooxda reer Portugal.

Maxaa Ka Cusub?

Kooxda difaacaneysa koobkaan Real Madrid waxaa ka maqan seddex xiddig oo muhim ah kulanka caawa iyadoo Toni Kroos, Gareth Bale iyo Alvaro Morata ay dhaawacyo kala duwan ku maqan yihiin.

Dhanka kooxda Borussia Dortmund waxaa iyagana dhaawacyo kaga maqan xiddigaha kala ah Mario Gotze, Burki, Guerreiro, Subotic, Kagawa, Bender iyo Nuri Sahin.

Shaxda Macquulka Ah:

Real Madrid: Navas; Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo; Kovačić, Casemiro, Modrić; Vázquez, Benzema, Ronaldo.

Dortmund: Weidenfeller; Ginter, Papastathopoulos, Bartra; Piszczek, Schmelzer; Weigl, Castro; Dembélé, Reus; Aubameyang.

Falaqaynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Caawa Dhexmari Doona Kooxaha Buyer Munich vs Atletico Madrid.

Kulanka Bayern Munich iyo Atletico Madrid waxa uu noqon lahaa kulan weyn oo lagu soo xidho Group D taasoo ka dhigi laheyd inay labada kooxood u tartamaan kaalinta 1aad ee group-ka laakiin waxaa taasi meesha ka saartay guuldaradii Bayern Munich ka soo gaadhay Rostov labo isbuuc ka hor.

Shanta guul ee isku xigta ee ay Atletico gaadhay ayaa la micno ah inay ku soo bixi doonaan kaalinta koowaad ee group-ka, halka Bayern Munich ay ku dhameysan doonto kaalinta labaad wax kasta oo ay noqoto natiijadooda kulanka ay la ciyaarayaan kooxda La Liga ka dhisan.

ys

Kooxda Bayern Munich ayaase u ciyaari doonta inay ka aargutaan kooxda Atletico kuwaasoo 1-0 ku badiyay kulankoodii Vicente Calderon ee dhacay 29kii September iyadoo gool uu dhaliyay Yannick Ferreira-Carrasco lagu quusiyay kooxda Carlo Ancelotti.

Kooxda Rostov ayaa u soo bixi doonta Europa League haddii ay ka fogaadaan inay guuldarro ka soo gaarto kooxda aan weli badinin ee PSV Eindhoven kuwaasoo ku dhibco noqon kara kooxda Ruushka haddii ay badiyaan kulanka caawa waxaana ay kaga soo bixi karaan rikoorka kulamada fool ka foolka ah.

Group D

Kooxda martida loo yahay ee Bayern Munich waxaa dhaawac kaga maqan Boateng oo dhaawac muruqa ah qaba, iyadoo Lahm uu halis ugu jiro inuu seego kulanka soo socda ee Champions League haddii uu jaale qaato caawa.

Dhanka kooxda Atletico Madrid tababare Diego Simeone ayaa nasasiiyay Tiago iyo Felipe Luis halka Augusto iyo Cerci ay dhaawacyo jilibka ah ku maqan yihiin.

Shaxda Macquulk Ah Ee Bayern München v Atlético Madrid

Bayern: Neuer; Rafinha, Martínez, Hummels, Bernat; Lahm, Sanches; Costa, Müller, Robben; Lewandowski.

Atlético: Oblak; Vrsaljko, Giménez, Savić, Lucas Hernández; Gaitán, Saúl, Koke, Carrasco; Correa, Torres.

Dhanka kale kooxda PSV oo weli rajo leh ayaa waxaa kulanka ay caawa soo dhaweynayaan kooxda Ruushka ee Rostov waxaa ka maqan Willems, Guardado  Hendrix iyo Locadia oo dhamaantood dhaawacyo kala duwan qaba.

Halka kooxda Rostov aysan jirin ciyaartoy si rasmi ah uga maqan inkastoo shaki la gelinayo taam ahaanshahooda xiddigaha kala ah Dzhanaev iyo Erokhin.

Shaxda Macquulka Ah Ee PSV Eindhoven v Rostov

PSV: Zoet; Arias, Moreno, Isimat-Mirin, Brenet; Pröpper, Siem de Jong, Ramselaar; Pereiro, Luuk de Jong, Zinchenko.

Rostov: Dzhanaev; Kalachev, Mevlja, Navas, Granat, Kudryashov; Gatskan, Noboa, Erokhin; Poloz, Azmoun.

Tababaraha Barcelona Oo Bar-barihii Xalay Ku Eedeeyey Laacibka Kooxdiisa Arda Turan.

(xog new)-Tababaraha kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa saxaafada la hadlay ka dib kulankii El Clasico ee barbaraha ku dhamaaday, waxaana uu u muuqday mid eedeynaya xiddiga khadka dhexe ee Turkiga Arda Turan.

Waxa uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id ee ka dib ciyaarta in Real Madrid ay halis ku yihiin kubada dhintay sida laadadka xorta ah iyo koornooyinka. Waxaana uu weerar ku qaaday Arda Turan kaasoo sabab u ahaa laadkii xorta ahaa ee keentay in Real Madrid ay barbareyso ciyaarta markii Sergio Ramos uu kubad madax ku dhaliyay.

“Ciyaar sidaan u weyn, waa ay adag tahay in la koontaroolo wax walba, laakiin mid ka mid ah astaamaha Madrid ayaa ah awooda ay u leeyihiin inay ciyaaraha barbareeyaan daqiiqadaha dhimashada. Maanta taasi waa ay sii socotay. Gurigeena ayaana ku qasaarnay, ma jirto wax intaas ka badan” ayuu yiri.

“Waxaan u sheegay inaysan qalad gelin, weliba haddii ciyaaryahan Madrid ah uu dhabarka xejiyo goolka. Awaamirtaas waa ay cadaayeen, awaamiirta tababarayaasha waa mid qeexan.”

Enrique ayaa markaas hadalkiisa qaboojiyay isagoo sheegay in kaliya Turan qaladkiisa aysan aheyn, islamarkaana loo baahnaa inay koox ahaan wax u difaacdaan.

Turan ayaa dhamaadkii ciyaarta waxa uu galay qalad taasoo keentay in Luka Modric uu kubad halis ah u soo qaado xerada goolka iyadoo Ramos uu madax ku dhaliyay goolka barbaraha.

Turan ayaa waqti adag ku qaadanaya Barcelona iyadoo dad badan ay soo jeedinayaan inuu bixi karo xagaaga.

Ciyaar Xiiso Badan Oo Caawa Dhex-mari Doonta Kooxaha Barcelona Iyo Real Madrid

(xog news)-Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa kulanka heerka kooxeed ee aduunka ugu xiiisaha badan iskaga hor iman doona Camp Nou iyada oo El-Clasico-da xili ciyaareedkan ugu horaysa ay Luis Enrique iyo Zinedine Zidane ay kulan muhiim ah iskaga hor iman doonaan. Real Madrid ayaa xili ciyaareedkan Camp Nou soo booqanaysa iyada oo aad uga duwan xili ciyaareedkii hore, waxayna Camp Nou iskeenaysaa iyada oo 6 dhibcood hogaanka kaga haysa Barcelona.

XOGTA KULANKAN:

Tartanka: La Liga Kulankiisa 14 aad

Kulanka: Barcelona Vs Real Madrid

Garoonka: Camp Nou

Waqtiga: 6:15 Galabnimo Ee Saacada Geeska Afrika

Garsooraha: Carlos Clos Gomez

Barcelona ayaa todoba ka mid ah sideedii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay ku dhamaysatay iyada oo ka saraysay Real Madrid laakiin waxay Balaugrana kulankan soo dhawaynaysaa Real Madrid iyada oo 6 dhibcood ka danbaysa kadib markii 13 kulan oo kaliya laga ciyaaray horyaalka ay koobkiisa difaacanayso ee La Ligaha.zidane-and-enrique

Laakiin Luis Enrique ayay dhibaato kale haysataa taas oo ah in Barca ay labadii kulan ee La Ligaha ugu danbeeyay soo gaashay barbaro  isla markaana ayna tan iyo October 15 guul ku gaadhin wax gool ka badan ee kulamada La Ligaha. Kooxda Lius Enrique ayaa maanka ku haysa in guul ay Real Madrid ku gaadho Camp Nou ay ka caawin doonto in ay 9 dhibcood hogaanka La Ligaha ku qaban karaan.el-clasico

Laakiin taas badalkeeda Real Madrid ayaa ku jirta xaalad aad u fiican waxayna xili ciyaareedkan yihiin kooxda kaliya ee shanta horyaal ee yurub ugu waa wayn aan wali wax guuldaro ah la kulmin tartamada oo dhan. Real Madrid ayaa xili ciyaareedkan ilaa hadda ciyaartay 21 kulan waxayna Los Blancos ka dheeraatay wax guuldaro ah. Sidoo kale 13 kulan oo La Ligaha ay ciyaareen ayna wali wax guuldaro ah ku arkin.real11

Luis Enrique ayaa u baahan in uu xaliyo qaab ciyaareedka hoos udhacay ee kooxdiisa oo kulankii Real Sociedad muddo dheer bosishanka la gaadhsiiyay boqolkiiba 52% halka ay ka lahaayeen boqolkiiba 48%. Lionel Messi ayaa wali heer cajiib ah ku socda wuxuuna 11 kulan ku soo dhaliyay 16 gool laakiin Neymar JR ayaan wax gool ah dhalin todobadii kulan ee ugu danbeeyay halka Luis Suarez uu todobadii kulan ee ugu danbeeyay ku dhaliyay 2 gool oo kaliya. Haddi MSN ay qaab ciyaareedkoodii fiicnaa ku helaan Camp Nou ayuu Enrique ogyahay in ay guul gaadhi karaan.msn

Zinedine Zidane ayaa ku qasban in uu shaqeeyo la’aanta adeegii Gareth Bale wuxuuna inta badan ku tiirsanaan doonaa Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema si la mid ah xidigaha kooxdiisa oo xili ciyaareedkan goolal badan dhalinayay. Ronaldo ayaa kulankan iskeenaya isaga oo dib u helay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa isla markaana kulankii Madrid Derby saddexley ka soo dhaliyay.

bale

Barcelona ayaa kaliya saddex kulan soo guuldaraysatay 13 kii kulan El Calsico ee ay Camp Nou ku soo dhawaysay Real Madrid ee tartamada oo dhan. Todoba kulan ayaa ay Barcelona soo guulaysatay halka 3 kulan ay barbaro ku dhamaadeen iyada oo sida aan soo sheegnay Real Madrid ay saddexda kulan ee kale soo guulaysatay, waxaana ugu danbeeyay kulankii xili ciyaareedkii hore ee ay Madrid tartanka La Ligaha ugu soo laabtay.

XOG AAD U BAAHAN TAHAY IN AAD KULANKAN KA OGAATO:

  • Haddii ay Barcelona guulaysato kulanka Camp Nou waxay noqon doontaa guusheedii 50 aad ee ay Real Madrid kaga gaadhay Camp Nou ee kulamada horyaalka La Ligaha. 86 kulan oo La Ligaha ah ayay Barcelona ka soo guulaystay 49 ka mid ah halka 20 kulan ay ka soo guuldaraysatay waxaana barbaro ku dhamaaday 17 kulan waana kulamada La Ligaha ee Camp Nou.

El Clasico: Opta Stats Ahead of Barcelona vs. Real Madrid

  • Cristiano Ronaldo ayaa 10 gool oo ka mid ah 16 ka gool ee uu ka dhaliyay El-Clasico-da ku dhaliyay Camp Nou.Alfredo Di Stefano oo kaliya ayaa Ronaldo kaga goolal badan Barcelona kaas oo ka dhaliyay 18 gool.

El Clasico: Opta Stats Ahead of Barcelona vs. Real Madrid

  • Lionel Messi ayaa ah xidiga kulanka El-Clasico-da ugu goolal badan wuxuuna ku hogaaminayaa 21 gool laakiin Messi ayaan shantii kulan ee ugu danbeeyay wax gool ah ka dhalin Real Madrid waana rekoodhkiisii ugu xumaa ee Madrid ka soo maray.

El Clasico: Opta Stats Ahead of Barcelona vs. Real Madrid

  • Luis Suarez ayaa ah xidiga kaliya ee laba gool ka dhaliyay Claisco-da iyada oo MSN iyo BBC ay garoonka ku wada jiraan.Luis Suarez ayaa saamayn wayn ku yeeshay kulanka El Clasico-da.

El Clasico: Opta Stats Ahead of Barcelona vs. Real Madrid

  • Haddii ay Real Madrid guul ku soo gaadhay Camp Nou ayuu Zidane noqon doontaa tababarihii ugu horeeyay ee Real Madrid ah oo laba kulan oo xidhiidh ah oo uu Barcelona marti u yahay soo guulaystay tan iyo wixii ka danbeeyay Miguel Munoz oo rekoodhan dhigay 1965kii.

El Clasico: Opta Stats Ahead of Barcelona vs. Real Madrid

  • Real Madrid ayaa 11 kaadh casaan la siiyay 26 kii kulan ee ugu danbeeyay Clasico-da waxaana afar ka mid ah kaadhadhkan cas qaatay Sergio Ramos. Zidane ayaa markale ka walwali doona qaladaad uu Ramos casaan ku qadan karo inkasta oo ay lagama maar maan tahay in uu shaxdiisa ku soo bilaabo.

El Clasico: Opta Stats Ahead of Barcelona vs. Real Madrid

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KA HOR KULANKAN:

Tababare Luis Enrique ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in kabtanka kooxdiisa ee Andres Iniesta uu taam buuxa u yahay kulanka Real Madrid laakiin waxaa Barcelona ka maqnaan doona Jérémy Mathieu haka Jordi Alba uu wali shaki ku jiro taam ahaanshiisa kadib markii uu dhaawac soo gaadhay kulankii Real Sociedad.iniesta

Samuel Umtitti ayaa markale diyaar u ah in la soo doorto kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac uu la maqnaa wuxuuna qayb ka ciyaaray kulankii Copa Del Rey-ga ee ay Barcelona barbaraha la soo gashay kooxda Hércules.Gerard Pique ayaa kulan diyaar u ah in kasta oo ay jugi ka soo gaadhay kulankii Sociedad. Enrique ayaan qabin wax walwal dhaawacyo kale ah.

barca

Dhinaca Real Madrid tababare Zinedine Zidane ayaa kulankii ugu horeeyay ee La Ligaha ah ku soo dhaawayn doona xidiga kooxdiisa muhiimka ka noqday Casemiro kaas oo kulanki Cope Del Rey taam buuxa ku sii noqday. Laakiin Zidane ayaan heli doonin adeegii Gareth Bale, Toni Kroos iyo Alvaro Morata oo dhamaan kulankan dhaawacyo ku seegaya. Zidane ayaan wax kale oo dhawaac ah ka walwalsanayn.

Cristiano Ronaldo controls the ball as he's surrounded by his Real Madrid team-mates during Friday's training session

SHAXAHA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD:

SHAX MACQUULKA AH EE BARCELONA:bbb

Luis Enrique ayaa sii aamini doona shaxda 4-3-3 ee ay Barcelona sanadaha badan ku soo ciyaaraysay waxaana goolka sidii caadada ahayd ku jiri doona Ter Stegen halka Pique iyo Mascerano ay difaaca dhexe wadaagi doonaan inkasta oo ay suurtogal tahay in Umtitti uu ku soo bilaaban karo. Sergi Roberto iyo Lucas Digne ayaa difaacyada midig iyo bidix ku soo bilaaban kara haddii uu Alba taam noqon waayo. Iniesta, Busquets iyo Rakitic ayaa khadka dhexe qaybsan doona halka Messi, Suarez iyo Neymar ay weerarka hogaamin doonaan.

SHAXDA MACQUULKA AH EE REAL MADRID:bb

Zidane ayaa la filayaa in uu ku ciyaari doono shax4-2-3-1 ah , Keylor Navas ayaa goolka booska goolka sii xejisan doona wuxuuna Zidane difaaciisa ku soo wada  bilaabi doonaa Sergio Ramos, Raphael Varane, Dani Carvajal iyo Marcelo  waxaana la filayaa in dhexda danbe ay buuxin doonaan Luka Modric iyo Kovacic iyada oo la filayo in Casemiro aanu kulankan ku soo bilaaban doonin. Isco ayaa markale ka ciyaari doona caawiyaha weerarka halka Lucas Vazguez iyo Ronaldo ay baalaha weerarka kala buuxin doonaan, waxaana weerarka hogaamin doona Karim Benzema.