Tartankii Quraanka Kariimka Oo Ay Maal Galisay Shirkada Dahabshiil Oo Lagu Soo Gaba Gabeeyey Abaal- Marino La Guddoonsiiyay Ardaydii Guulaysatay

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, ayaa soo gaba gabeeyey tartanka Quraanka Kariimka ah ee ay sanad walba Bisha barakaysan ee Ramadaan maal galiso Shirkada Dahabshiil.

 

Munaasibad balaadhan oo lagu soo gunaanadayey xifdiga Qur’aanka oo la bilatay Bisha Ramadaan, labuna  qabtay masjidka Cali Mataan ee badhtamaha magaalada Hargeysa. ayaa abaal marino kala duwan oo qaali ah lagu gudoonsiyey Ardaydii kaalmaha hore ka gashay tartankaa.

Waxa Shirkadda Dahabshiil Group ku metelayey munaasabadda Maareeyaha Guud ee Xawaaladaha iyo isu-diridda lacagaha ee Shirkadaha Dahabshiil Group, mudane CAbdirashiid Faarax Axmed.

Cbdirashiid waxa uu xusay in Dahabshiil tartankan soo 2wadey ilaa iyo sannadkii 1998, iyada oo la joogteeyey in sannad walba lagu beego bisha barakaysan ee Ramadaan, taasina ay horseeday in xukuumadda, shirkado iyo shakhsiyaad kaleba ku soo biiraan khayrka oo tartanno la mid ah ama kaabaya u qabtaan dhallinyarada xufaadda ah – rag iyo dumarba.

 

“Shirkaddu laba ujeeddo ayay ka lahayd ebtidda tartankan Qur’aanka Kariimka ah: inay dhiirrigeliso dhallinyarada Ilaahay u dhib yareeyey xifdiga Kelmadda Eebbe iyo dhaqanka iyo axkaamta suubban eek u duugan iyo in Weynaha Kariimka loogu dhowaado oo bishaa barakaysan waxii ugu khayrka badnaa lagu nooleeyo,” ayuu yidhi mudane Cabdirashiid.

 

Waxa uu xusan inay sharaf iyo karaamo waxaan ahayn aanay shirkadugu ka dhaxlin sunnahan ku-dayashada mudan, uuna rajaynayo in Ilaahay ku abaalmariyo maskaxda iyo gacanta ka dambaysa barnaaijkan oo ah mulkiile Maxamed Siciid Ducaale.

 

Mudane Cabdirashiid waxa kale oo uu ka dalbaday culimadii iyo quraa’dii ku sugnayd madasha inay u duceeyaan dadka uu haleelay cudurka shuban-biyoodku oo meelo badan taataabtay.

Dhinaca culimada, waxa ugu horayn munaasibadan ka hadlay Sheekh Ciise Maxamuud Cabdullaahi kaas oo ka waramay abaal marinta laga helayo xifdiga quraanka kariimka ah waxaanu yidhi “Wuxuu alle ku tilmaamay ganacsiga aan khasaaraha lahayn, qofka ganacsadaha marka ay alaabtu bada u soo socoto ama diyaarad u soo saaran tahay ama dhulka uu soo marayo warwar ayaa saaran, alle waxa uu balan qaaday in qofka quraanka akhriya aanu ganacsigiisu khasaare lahayn.”

 

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir kaas oo ka waramay muhiimada ay leedahay in caruurta lagu tarbiyadeeyo xifdiga quraanka waxaanu yidhi “Ubadka aynu quraanka kula dedaalayno ee aynu barayno iyo rabayntooda lagu rabeeyo diinta ilaahay, cilmiga la yidhaa tarbiyadu waa mid la barto oo mudan in waalidka, macalinka iyo bulshadu ku dedaasho, wax wax lagu tarbiyadeeyana waxa ugu fiican kitaabkaas kariimka ah ee aynu hayno ee aynu cisaynayno ee ay dhalinyaradu ku tartamayaan, qofka bani aadamka ah markii uu ilaahay ifka keenay waxa uu soo raaciyey kitaabkaas quraanka ah, haddii laga maarmayana lama soo raaciyeen.” Ayuu yidhi Sheekh Dirir.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo gebagebadii munaasibada ka hadlay, ayaa abaal marino gudoonsiiyey Ardayda kaalmaha ugu horreeya galay.

“Quraanku waa hogaamiyaheenii,waa hanuunkeenii,waana hogaankeenii, ilaahay ayaa inoo soo dajiyey oo inooga dhigay hanuun iyo caafimaad aynu ku caafimaadno, markaa inaynu ku dedaalno oo aynu sanad walba qiimayno waxa ku jira qiimaheena iyo in ilaahay ina soo dhaweeyo waayo nabiga ayaa inoo sheegay in dadka ehlu quraanka ah ilaahay soo dhaweeyo, waxaanan u mahad celinayaa culimadii tartankaas soo qaban qaabisay iyo shirkada maal galisay ee Dahabshiil.”

Tartanka quraanka kariimka ah oo sannad walba la qabto xiligan oo kale, waxa y Ardayda ku tartantaa ka kala yimaadaan dhamaan gobolada Somaliland, waxaana sanadkana uu kaalinta koowaad galay Cabdilaahi Ismaaciil Jaamac oo ka socday gobolka Maroodijeex.

 

Marwadda Kowaad ee Somaliland oo Daah Furtay Adeega Dahabo ee Baanka Caalamiga ah ee Dahabshiil oo Gaar u ah Haweenka.

Daahfurka adeega cusub ee baanka dahabshiil soo kordhiyey ee Dahabo oo munaasibad balaadhan loogu qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay marwada madaxweynaha somaliland Aamina Maxamuud Jirde, Dr. Edna Aadan Ismaaciil, masuuliyiin ka socday shirkada Dahabshiil, haween tiro badan iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxa halkaasi hadal dheer oo taabanaya siday muhiimka u tahay inay haweenku noqdaan shaqo-bixiyayaal iyo sida himiladdaas loo xaqiijin karo ka jeedisay Marwadda Qaranka,iyadda oo tusaale usoo qaatay sidii ay waayaddii hore ay Haweenka wax-u-kaydsan jireen iyo fursaddaha maanta banaanka yaalla ee loo baahan-yahay inay haweenku ka faa’iidaysataan.waxaanay Dahabshiil uga mahad-celisay fursaddan ay haweenka siiyeen “”Shirkada Dahabshiil waxaan uga mahad naqayaa inay soo samayso talaabo ay ku ogaatay cududa haweenka iyo waxa ay qabsan karaan dabadeedna ay u samaysay adeegyo u gaar ah oo ay ka faa,iidaystaan.” Ayay tidhi Marwaddu.

Sidoo kale Dr.Edna Aadan Ismaaciil oo ka hadashay munaasibadan ayaa Baanka Dahabshiil uga mahad celisay adeegan gaarka u ah dumarka “Farxad weyn iyo sharaf ayey ii tahay ka soo qayb galka munaasibadan qaaliga ah ee ay inagu marti qaaday shirkada Wey nee Dahabshiil, mudo badan ayaanu sugaynay wax dhiiri gelinaya in haweenku wax dhigto, wax dhaqdo waxna xisaabsado, waana soo dhawaynaynaa adeegyada dumarka u gaarka ah ee Baanka Dahabshiil soo kordhiyey, haweenkana waxaan leeyahay ka faa,iidaysta adeegan.”

Khadiija Cabdilaahi Walaaleeye oo ka mid ah maamulka Shirkada Dahabshiil oo ka hadashay munaasibadan ayaa ka war bixisay adeegan cusub ee Dahabo waxaanay tidhi “Anaga oo ah maamulka Dahabshiil Bank International markii aanu baadhnay caqabadaha badan ee haweenka ka hor taagan inay isticmaalaan adeegyada baanka waxaanu go,aansanay inaanu wax ka badalno anaga oo waliba ka duulayna jihaynta iyo dhiiri gelinta maamulaha guud ee shirkada Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid oo ah qof jecel inuu taageero haweenka, halkaas ayaanu ka yimid adeega Dahabo, Dahabo waa magac soomaaliyeed oo macnihiisu u Dahab, dahabkuna waa qiimaha aanu u aragno inay noogu fadhiyaan macaamiisha baanka ee haweenka ahi.”

IMG_15FED1-4E88E9-20C7C2-9AB4D3-0FD41A-F7B4F2

Khadiija Walaaleeye oo si gaar ah u sharaxaysa adeega Dahabo ayaa intaas raacisay “Dahabo waa xidhmo dhamaystiran oo aad ka helayso dhamaan adeegyada aad u baahan tahay, Waxaanu soo kordhinay sanduuqa amaanada oo ah adeeg aan hore dalka looga aqoon waana mid aamin ah oo aad dhigan karto wax kasta oo aad u baahan tahay in laguu xafido, maanta laga bilaabo marka aad ka mid noqoto macaamiisha Dahabo waxaad helaysaa qiime dhimis balaadhan iyo waliba tix galin gaar ah marka aad timaado baanka caalamiga ah ee Dahabshiil.”

IMG_23EEB3-91F983-AD809A-E62F3C-1602B1-737BBD

Sidoo kale Cabdiraxmaan Awr Liqe oo ka mid ah masuuliyiinta shirkada Dahabshiil oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa ka war bixiyey qaabka ay dumarku ugu xidhan yihiin adeegyada Baanka Dahabshiil, waxaanu yidhi “Waxaan haynaa Micro Finance ay ka faa,iidaystaan dad ku u dhaw ilaa 6000 oo macmiil ah iyo in ka badan, macaamishaas 60% waa dumar, mudadaas aanu ka shaqaynaynay adeega Micro Finance waxa aanu ogaanay dadka ganacsiyada abuurayey ee fikradaha ganacsiga keenayey inay ahaayeen dumar, laga bilaabo ganacsiyada yar yar ilaa ganacsiyada waa weyn waxa nala soo xidhiidhiyey dumar, xafiiskana waxa si weyn ugu xidhan oo ku soo noqonaya dumar iyaga oo kooxo ah ayey imanayaan, waxaana la qiyaasaa in dumarka somaliland 39% ay leeyihiin akoono xisaabeed laakiin intaas 3% ka mid ah ayaa leh Saving Acount.”

Marwada madaxweynaha somaliland Aamina Maxamuud Jirde oo iyaduna ka hadashay munaasibadan ayaa soo dhawaysay adeega cusub ee baanka Dahabshiil ugu tala galay dumarka waxaanay tidhi “Shirkada Dahabshiil waxaan uga mahad naqayaa inay soo samayso talaabo ay ku ogaatay cududa haweenka iyo waxa ay qabsan karaan dabadeedna ay u samaysay adeegyo u gaar ah oo ay ka faa,iidaystaan.”

IMG_780A99-71D82D-3A8E59-EBF4AA-C8CC4C-E3D612

Fanaanada Sahra Axmed Maxamuud(Sahra Halgan) oo iyaduna ka hadashay munaasibadan ayaa haweenka somaliland ugu baaqday inay ka faa,iidaystaan adeega gaarka u ah dumarka ee Baanka Dahabshiil u soo kordhiyey waxaanu yidhi “Adeegan Dahabo ayaaba loo bixiyey waa Dahab waana wax inoo qaali ah, waxaana layna tusay inaynu kaligeen wax noqon karno mar haday shirkadii iyadu shaqadeedii qabatay, waxa dumarka somaliland looga baahan yahay in qof waliba xataa ta tamaandhada iibinaysa inay Dahabshiil tagto oo ay Acount ka furato kuna xidhnaato.”

Adeegyadda uu DAHABO BANKING u samaynayo Haween-weynaha Somaliland, waxa ka mid ah:

  • Kaadhka Fududaunta Lacag la bixista ee loo yaqaanno (ATM/DEPIT CARD.

  • Akoonka dhigashadda ee DAHABO (Dahabo Saving Account).

  • Akoonka socda ee DAHABO ( Dahabo Current Account).

  • Akoonka dhigashadda ee Xidhan (Dahabo Fixed Deposit).

  • Habka maalgalinta Islaamka ee DAHABO (Dahabo Islamic Investment).

  • Tabobaro sannad-la-yaal ah.

  • La-talin Maaliyaddeed/Hagayaal ganacsi.

 

Dahabshiil Donates towards Developmental Projects in Gabiley Region

 

 

Dahabshiil group of companies this week made cash donations towards several ongoing developmental projects in Gabiley region.

Mr. Mahmoud Haji Osman Abdillahi and Mr. Farhan Mohamed Ismail, representing Dahabshil group handed US 5, 000 dollars in cash towards the construction of the Mo Farah sports stadium in Gabiley.

Dahabshiil group also donated US 2,500 dollars towards the construction of retaining walls meant prevent water run-off from the Gabax river and soil erosion which threatens the Gabax secondary school.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Maanta Magacaabay Xilal Cusub.

 (xog news)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)  wuxu maanta magacaabay laba xil oo kala ah.

1.Hoggaanka Maaliyadda ee Garabka Dhallinyarada Heer-Qaran ee Xisbiga WADDANI.
2.Xoghayaha Guud ee Bariga Africa ee Xisbiga WADDANI.

110 26

Madaxtooyadda oo Soo Afjartay Murankii Murashaxnimadda Kulmiye, Muuse Biixi na u Dooratay Murashaxa Kulmiye.

Ilo Xogo ogaal ah oo Naga soo gaadhaya Madaxtooyadda Somaliland ayaa Sheegaya in Shir albaabadu u xidhanyihiin oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, lagu go’aamiyay in 1-da November ilaa 6-da November uu dhacayo Shirka Golaha Dhaxe ee Xisbiga Taladda haya ee Kulmiye iyo soo afjaridda loolanka Musharaxnimadda xibiga Kulmiye.

Shirka oo ay Goobjoog ka ahaayeen qaar ka mid ah hogaanka sarre ee Kulmiye, Wasiiro, Marwadda iyo Madaxweynehuba waxa la isla qaatay in Musharaxa kulmiye uu Noqdo Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

Wararka Nasoo Gaadhayaa intaa waxay ku dareen in wasiiradda qaar ka mid ahi ku doodeen in Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Mud. Maxamed Biixi Yoonis Loo doorto Murashaxa Madaxweyne iyagoo ku sababaynaya inuu mudane Maxamed Biixi ka Waayo’aragnimo Badan yahay Isla markaana la soo Shaqeeyay Hay’ado caalami ah sidoo kale Aqoon badan u leeyahay Siyaasadda Caalamka wax badana ka tari ka Ictiraaf raadinta Somaliland.

Madasha oo laba qaybood u kala jabtay ayaa Koox uu Madaxweyne Silaanyo horkcayey ku qancisay wasiiradii kale  in mudane Muuse Biixi Dalka u soo halgamay ugana xaq badan yahay musharaxiinta kale oo dhan, Hasa yeeshii Hadii Beesha Sacad Muuse Go’aansato, iskuna Raacdo musharax kale isla markaa ay Madaxweyne Silaanyo u Soo gubiyaan, in la badali doono, Hadana uu ahaan doono musharaxa Xisbigu mudana Muuse Biixi.

geesta kale waxa Shalay Madaarka Hargeisa kasoo dagay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Mud. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo mudooyinkanba Safarro Dalka dibadiisa ah ugu maqanaa hawlo u gaar ah, isla markaana  ka Tirsan murashaxiinta Jagadda Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, ayaan la hadlin saxaafadda.

Warka waxa ku soo kordha dib ayaan idin kala socodsiin doonaa

Hambalyo ku Socota Qalin Jebinta Faadumo Jaamac Cawil

Waxaan aad Halkan uga salaamayaa Salaan aan la Koobi karin Bahda Saxaafada ee Xogmadhaafe News oo  Bulshada u Sahasha inay isu Marin karaan Dareenkooda Farxadeed iyo Hambalyada Dareenka Xambaarsan Mar labaadka waxaan si Diiran u Salaamayaa walaashay Faadumo Jaamac Cawil oo ah Gabasha aan Darteed Dhambaalkan u Marinayo Media-ha Waan kula Qabaa walaal Farxada.

Waxaan aad uga Xumahay inaanan meel wada Joogin Qalin jabinta walaashay Faadumo Jaamac Cawil oo runtii iga mudan xushmad iyo ixtiraam waxay ahayd goob aad u munaasiba in aan ku sugnaado waxaanay ii ahayd Farxad aan la koobi karin laakiin anigoo dareenkayga cabiraya waxaan Hambalyada u Marinayaa Media-ha waxaanan Leeyahay Faadumo aad ayay u qurux badnaan lahayd inaan kuugu keeno madashaa ubixii Hambalyada waxay ii ahaan lahayd Taariikh ma guuraana waxaanan Filayaa inaadan ka Daali Doonin Barashada iyo Dalabka Cilmiga Hambalyo walaal Faadumo Ilaahay Cilmiga aad Baratay Ha kugu Anfaco if iyo aakhiraba Dalkaaga iyo dadkaagana mid aad ugu faa’idayso alle ha kaaga yeelo.

Waxaa laga yaabaa inaad in badan aad is weydiin jirtay Kaalintan goorma ayaad Gaadhi Doontaa, Goorma ayaad Qalin Jabin Doontaa, Laakiin iminka waad Guulaysatay, Ogow Jaranjaradii Koowaad ayaad fuushay, iminka ayuu Bilaabmay Macaanka Cilmigu iminka ayaad guusha rasmiga ah Tiigsan karaysaa Ha ka daalin abid Tacliin Waan ku Jeclahay Walaashay Faadumo Jaamac Cawil.

By Khaddar Hassan Olad

Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Shaaciyay Inuu Ka Tanaasulay Mawqifkiisa Soomaaliweyn, Kuna Taliyay Iyo Somalia Aqoonsato Somaliland

Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre [Buubaa] oo kamid ah siyaasiyiinta dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeda balse aaminsan wixii laysku odhan jiray Soomaaliya ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday in hadda wixii ka dembeeya uu aaminsan yahay qaddiyada gooni isu taagga Somaliland, kadib markii ay waxba kama jiraan noqotay fikradii uu inta badan u ololaynayay.

 

Ismaaciil Buubaa, waxa uu sheegay in uu dhawaan dalkiisa hooyo ee Somaliland ku guryo noqon doono isaga oo ka qayb qaadan doona ka midho dhalinta dawladnimada Somaliland oo uu carrabka ku adkeeyey inay tahay mid gaamurtay oo ku dayasho mudan.

 

Mr. Buubaa, waxa uu sidan ka sheegay Waraysi gaar ah oo uu Magaalada Dubai ee isu taga imaaraadka Carabta ku siiyey telefishanka Horn Cable. Waraysiga Ismaaciil Buubaa oo nuxurkiisu daarnaa isbedelka siyaasadeed ee ku yimi mawqifkiisii hore iyo xaqiiqada aan indhaha laga qarsan karin ee Somaliland ka jirta ayuu sunne wanaagsan oo Soomaali oo dhammi intifaacsan karto ku tilmaamay, waxaanu ku baaqay in hadda wixii ka dembeeya la iska ilaawo riyadii midnimada soomaalida, taas bedelkeedana haddii la danaynayo dhismaha qaran Soomaaliyeed oo taam noqdo ay marka hore shuruuda hortaalla tahay in la aqbalo dawladnimada Somaliland ka jirta.

 

Waraysigaas oo dheeraa, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qayb ka mid ah, waana kan isaga oo Ismaaciil ugu horeyn ka jawaabaya su’aal ahayd in uu dalka hooyo u soo xamaam urursanayo iyo asbaabta keentay. Waxaanu yidhi “In muddo ah su’aashaas dhawr sannadoodba waa lay waydiinayay aniguna Somaliland waan tegeyaa baan lahaa , sideedabana mawqifka siyaasadeed ee aan aaminsanahay qof Soomaaliya ayaan ahay oo Soomaalinimada jecel laakiin maanta siyaasadda ka socota geyiga Soomaaliyeed waa mid ay lagama maarmaan tahay in cid waliba halka ay ka soo jeedo ay ka dhaadhiciso mawqifkooda siyaasiga ahi sida uu yahay, sidaas aawadeed waxaan tegayaa Somaliland,.

anigoo maanta arka in mawqifkii hore ee aanu aaminsanayn ee aanu lahayn midnimadu dusha ha ka timaado immika aanu odhanayno wax aan hoosta laga heshiin inaanay dhacayn midnimaduna ay ku iman karto iyado wax walba raalli layska yahay, sidaas darteed waxaan goostay inaan ku noqdo  dadka aan ka dhashay iyo Somaliland oo maanta halka ay taagan tahay oo ah in la noqdo laba qaybood, qayb uu ingiriisku xukumi jiray [Somaliland] iyo qayb talyaanigu xukumi jiray [Soomaaliya] oo mid kastaaba uu gooni u taagan yahay, taasna maanta waxa aan arkaa inay tahay mid xagga Koonfurta iyo xagga waqooyigaba ay dantoodu ku jirto oo ay noqdaan laba dal oo walaalo ah oo wada shaqayn kara oo is difaaci kara, maantana arrintaasi waa mid ay dani ugu jirto xaalada ka taagan Koonfur iyo dib u gurashada ku dhacday dawladdii dhexe iyo maamulladan badan ee la samaynayo.

Sidaas darteed [xalku waxa uu noqonayaa] in qaabkaas cusub ay labada State [qaran] mid federaal u shaqaynaya iyo Somaliland oo goonideeda u taagani ay wada shaqeeyaan”. Sidaa ayuu yidhi Md. Ismaaciil Buubaa,

waxaanu intaa ku daray isaga oo ka jawaabay su’aal nuxurkeedu ahaa asbaabta xilligan keentay in uu garawshiiyo ka muujiyo gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hore indhaha uga lalin jiray, waxaanu yidhi “Waxaan arrimahaas u garawsaday markaad eegto xaallada maanta ka taagan koonfur iyada oo dawladdii dhexe ay qiiro-qiiroba ku jirto in sida ugu haboon ee Soomaali ku hagaagi kartaa ay tahay dawladda Somaliland oo leh Experience [khibrad] iyo maamul si wanaagsan u gaamuray uu yahay ka maanta dhibaatada koonfur iyo soomaali oo idil haysta ka saari karta isla markaana dawlad wanaagsan oo jaar ah oo walaal la yahay u iman lahayd, waayo waqtigan waxa aad moodaa inuu yahay mid ay Siyaasaddii Hoos u daadegayso sidaas darteed waxay ila tahay in Somaliland noqon karto dawlad shaqaysa oo tusta qaybaha Soomaaliyeed qaab dhismeedka dawladeed ee qaranku leeyahay. Dawlad soomaaliyeedna waxaan qabaa inaanay iman karin haddii aan la aqbalin Somaliland oo iyadu gooni u taagan oo leh awoodihii ay dawladi lahaan jirtay”. Sidaa ayuu yidhi Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre [Buubaa}

Sida laga warqabo siyaasigan oo labaatankii sanno ee u dembeeyey aaminsanaa Somaliweyn oo uu kamid ahaa shakhsiyaadkii dhidibada u taagay nidaamka federaalka, waxa dhinaca kale uu kamid ahaa siyaasiyiintii ururkii SNM ee dalkan Somaliland xoreeyey, isaga oo markii Somaliland gooni isu taageeda lagu dhawaaqay 18-kii MAY 1991-kii ka mid noqday dawladdii SNM Hoggaaminaysay ee uu Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali Madaxweynaha ka ahaa, isla markaana noqday wasiirkii u horeeyey ee wasaaradda Maalliyadu yeelato. Dhinaca Somaliweyn muddadii uu ku sugnaa waxa uu xukuumadihii kala dembeeyey ee Soomaaliya loo dhisay kasoo qabtay xilal wasiirnimo oo kala duwan isaga oo markii u dembeysay ahaa wasiirka wasaaradda arrimaha dibeda dawladdii Cabdillaahi Yuusuf Axmed.

Ramaas News