Daawo: Khudbadii Madaxweynaha Somaliland, Xuska Sannad Guurada 21aad ee Aasaaska Ciidanka Qaranka

10413403_714585468655309_6298017347530350399_nMadaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta ka qayb-galay sanad-guuraddii 21-aad ee aasaaska Ciidanka qaranka Somaliland oo lagu qabtay Kuliyadda tababarka saraakiisha ee deegaanka Dararweyne. Continue reading Daawo: Khudbadii Madaxweynaha Somaliland, Xuska Sannad Guurada 21aad ee Aasaaska Ciidanka Qaranka

Daawo:Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Wajigii Koobaad Ee Dhismaha Wadada Ceerigaabo

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xadhiga ka jaray 10KM-kii ee u horeeyay oo laami ah jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo, halka uu sidoo kalena madaxweynuhu dhagax dhigay 20KM oo Carro Kaawo la dhigay

Somaliland iyo Hay’adda WFP oo Heshiish gaadhay

Dawladda Somaliland iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ee Magaceeda loo soo gaabiyo WFP, ayaa markii ugu horaysay kala saxeexday Heshiis wada-shaqayneed oo qeexaya qaabka ay Hay’addaas u bixinayso Mashaariicda dhanka Cuntada ee ka fuliso Somaliland.

Munaasibada ay Heshiiskan ku kala saxeexdeen labada dhinac oo dhacday xafiiska Hay’addaha Xidhiidhka Mucaawimooyinka WFP ee Dawladda, ayaa dhanka kalena waxa ay Hay’addu ku wareejisay Gaadiid ay ugu talo-gashay Xafiiska Dawladda u qaabilsan Xidhiidhinta Raashinka ee FCA, ka kooban laba gaadhi oo cusub.

Xafladan oo ay ka qayb-galeen Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha Qorsheynta Qaranka iyo Beeraha, ayaa waxa ugu horayn hadal ka jeediyay Maareeyaha Xafiiska FCA, Yuusuf Cismaan Garas, waxaanu ka waramay muhiimada Heshiiskan ay Hay’addaha kala saxeexdeen u leeyahay wada shaqaynta Dawlladda iyo WFP.

Maareeye Garas, ayaa daboolka ka qaaday in heshiiskani meesha ka saari doono mad-madowgii mudada dheer ragaadiyey wada-shaqaynta Xafiiskiisa iyo Hay’adda oo gabi ahaanba meesha ka baxay sida uu sheegay, isagoo dhinaca kalena talaabada hore loo qaaday ku bogaadiyey Wakiilka cusub ee Xafiiska Hay’adaas dhawaan loo soo magacaabay Ajila Akaa .
Maareeyaha ayaa sidoo kale Heshiiskan ku tilmaamay mid Taariikhi ah.

“Maanta waxaa halkan ka dhacay heshiis Taarikhi ah, wuxuu taariikhi u yahay wada-shaqaynta Dawlladda Somaliland oo Xafiiskani wakiil ka yahay iyo Hay’adda WFP oo Mashaariic badan ka fulisa dalka, oo meelo badan wax ka tarta bulshadeena, haday tahay Dugsiyada Waxbarashada Raashinka la siiyo, haday tahay goobaha Caafimaadka raashinka la siiyo, iyo hadiiba ay tahay Raashiinka lagaga shaqeeyo Beeraha Baliyada, Waddooyinka iyo wixii kale ee baahiyaha Bulshadeena ka mid ah”ayuu yidhi Mr. Garas.

Geesta kale waxa Xafladdaas ka hadlay Wakiilka Hay’addaha Ajila Akaa, oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay wada shaqayn dhow la yeellan doonaan Dawladda, isla markaana ku shaqeyn doonaan Siyaasadda Xafiiskan cusub ee loo xil-saaray xidhiidhkooda, si ka duwan Sarkaalkii uu shaqada kala wareegay.

Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Qorsheynta Qaranka iyo Beeraha oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Heshiiskan laba geesoodka ah ee dhex maray dawladda iyo Hay’adda WFP.

Heshiiskan cusub ayaa sida ay sheegeen labada dhinacba wuxuu meesha ka saarayaa Khilaafkii muddada dhowrka sanno ah u dhexeeyay Dawladda Somaliland iyo WFP, kaasoo curyaamiyey Mashaariicdii kaabeyaasha adeega lagu taageeri jiray ee ay Hay’addu waddanka ka fulin jirtay, kaddib markii laysku maan-dhaafay dalab ka yimi Xafiiska FCA oo Saraakiisha WFP codsaday inay wada galaan heshiis farsamo oo qeexaya qaabka ay u wada fulinayaan mashriicda iyo wixii howlo ah ee ay qabanayaan.

Khilaafkaasoo muddo soo jiitamaya, ayaa aakhirkii wuxuu galaaftay Madaxii hay’adda ee Somaliland, oo sanadkii 2014-ka badhtamihiisii shaqada laga caydhiyey, kaddibna lagu bedelay sarkaalkan iminka dawladda Heshiiska la galay.