Madaxweyne Siilaanyo Oo Xadhiga ka Jaray Wajigii Koowaad Ee Jidka Ceerigaabo Oo Laami Laga Dhigay

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xadhiga ka jaray 10KM-kii ee u horeeyay oo laami ah jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo, halka uu sidoo kalena madaxweynuhu dhagax dhigay 20KM oo Carro Kaawo la dhigay.

10KM ee wadadda Ceerigaabo ee uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray oo ah halka ay ka bilaabanto wadadaasi gaar ahaanna meesha la yidhaahdo Ina-Af-madoobe oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Sidoo kale Weftiga uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo, oo weli ku gudo jira socdaalka ay ku marayaan dalka oo shalay galay maalintiisii 6aad ayaa xalay soo gaadhay xarunta gobolka Togdheer ee Burco, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa isla shalay waxay soo mareen oo lagu soo dhaweeyay Degmada Qoryaale oo ka tirsan gobolka Togdheer iyo magaalada Wadaame-goo iyo jiidaha dhow. Iyadoo madaxweynaha iyo weftiga la socdaa ay mashaariic horumarineed ka fuliyeen halka qaar kalena ka dhagax dhigeen degmada War-cimraan, Shanshan-cade iyo magaalada Caynaba, intii aanay soo gelin magaalada Burco.

Weftiganuu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii ay soo gaadheen degmada War-cimraan oo ka tirsan gobolka Togdheer ayaa waxa ay xadhiga ka jareen mashaariico kala duwan oo ay ka mid yihiin guriga martida maxkamada degmada rugta booliska, xafiiskii xanaanada xoolaha ee degmadaasi iyo xarunta Dawlada Hoose ee Degmadaasi. Madaxweyne Siilaanyo oo halkaasi kala hadlay dadweynaha ayaa waxa uu uga mahadnaqay shacbiga War-cimraan sida ay u soo dhaweeyeen, isagoo ka waramay u jeedadda socdaalkiisa, Waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan idinka mahadnaqayaa dadweynaha halkan iskugu yimi ee War-cimraan ee sida sharafta leh iyo qiimaha leh noo soo dhaweeyay. Safarkayagani waa mid aanu doonayno in dadka aanu madaxda u nahay aanu xogogaal u noqono oo gobolo iyo degmooyin badan ayaan u soo marnay meelo denbana waanu mari doonaa.
jidka ceerigaabo

DSC_0022 (2)

DSC_0655

DSC_0584 (1)

DSC_0455

sa

Inta xilku na saaran yahayna waa waajibka na saaran in aanu ogaano oo u kuurgalno baahida dadka iyo waxa uu qabo iyo waxa uu qabsaday aanu ogaano, wuxuu qabsadayna ku gacan qabano, wixii baahidiisa ee aanu wax ka qaban karnana aanu ka taakulayno, taasaa safarkayagu yahay, waana waajib iyo xil na saaran, waxaana idiin rajaynayaa in aynu horumarno oo waxqabsano oo dunida ka mid noqono oo ictiraaf helno ayaan idiin rajaynayaa.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade oo isna la hadlay dadweynihii soo dhaweeyay ayaa waxa uu ku tilmaamay socdaalkan uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo mid qiimo leh. “Haddii aan wax yar idiin ka waramo socdaalka Madaxweynaha waa socdaal runtii aad u qiimo badan oo intii aan la socday wax badan ka faa’iidaystay oo ah in mar uun aaanu aragno umadda reer Somaliland oo ka baxday qabyaalad oo u fikiray sida caalamka u horumaray.” Ayuu yidhi Waran Cade.

Cabdi Aw Daahir Cali Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in gaadhi dawa u siday degmada Warcimraan, waxaanu yidhi “Waxa aan balanqaadayaa in aan u keeno gaadhi aanu u iibino degmada oo uu ku xidhan yahay talaajodii si dhakhsa ah ayaan u keenayaa imikana dawo ayaan idiin sidaa, maamulka degmada Warcimraan salaadiinta iyo cuqaasha oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay xukuumada ku ma jeerteen waxqabadka ay dalka ka fulisay, waxaanay ka mahad celiyeen mashaariicahan ay xukuumadu hirgaliay wxaanay Madaxweynaha ku maamuuseen maamulka degmadaasi shahaado sharaf ay ku tilmaameen waxqabadka xukuumada.

Weftigan Madaxweyne Siilaanyo waxa kale oo ay soo mareen tuulada Shansho-cade oo ka tirsan degmada Warcimraan, waxaana duleedka magaaladaasi ku soo dhaweeyay dadweynaha tuuladaas.

Madaxweyne Siilaanyo oo la hadlay dadweynaha tuuladaasi, waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Socdaalkayagu waxa uu yahay in aan xogogaal u noqono dalka oo aanu ogaano waxa dadkayagu qabaan, wixii itaalkayaga ahna waxba kama hagran doono, wixii la sheegay” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

WordPress Resources at SiteGround

WordPress is an award-winning web software, used by millions of webmasters worldwide for building their website or blog. SiteGround is proud to host this particular WordPress installation and provide users with multiple resources to facilitate the management of their WP websites:

Expert WordPress Hosting

SiteGround provides superior WordPress hosting focused on speed, security and customer service. We take care of WordPress sites security with unique server-level customizations, WP auto-updates, and daily backups. We make them faster by regularly upgrading our hardware, offering free CDN with Railgun and developing our SuperCacher that speeds sites up to 100 times! And last but not least, we provide real WordPress help 24/7! Learn more about SiteGround WordPress hosting

WordPress tutorial and knowledgebase articles

WordPress is considered an easy to work with software. Yet, if you are a beginner you might need some help, or you might be looking for tweaks that do not come naturally even to more advanced users. SiteGround WordPress tutorial includes installation and theme change instructions, management of WordPress plugins, manual upgrade and backup creation, and more. If you are looking for a more rare setup or modification, you may visit SiteGround Knowledgebase.

Free WordPress themes

SiteGround experts not only develop various solutions for WordPress sites, but also create unique designs that you could download for free. SiteGround WordPress themes are easy to customize for the particular use of the webmaster.