Xisbiga UPD oo qoraal xasaasi ah kasoo saaray shirka shidaalka Soomaaliya ee London

0
144

Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa soo saaray war-saxaafadeed xasaasi ah oo dhowr qodob ka kooban, kaasi oo lagu caddeeyey mowqifka xisbiga ee shirka shidaallka Soomaaliya, oo 7-da Febraayo ka furmaya London.

War-saxaafadeedka, oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyey Caasimada Online, hoos ka aqriso.

WARMURTIYEED

Kulan lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya ayaa 7da Febraayo 2019 qorshaysan in lagu qabto magaalada London. Kulanka waxa ka soo qaybgelaya shirkado u tartami doona shatiga qodista shidaalka ee loo yaqaanno (Bid Rounds ama Licensing). Haddaba waxa u baahan in la isweydiiyo xaraashkani munaasab ma yahay waqtigan iyada oo ay maqan yihiin hay’adihii iyo sharciyadii hagi lahaa maamulka iyo maareynta dheefta iyo dhibka shidaalka. Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka (UPD) wuxuu la wadaagayaa ummada Soomaaliyeed gol-daloolooyinka ka muuqda xaraashkan.

  1. Bishii September 2017 waxa Golaha Wasiiraddu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Shidaalka Soomaaliyeed 2017 (Somali Petroleum Bill 2017) isagoo badalay Sharcigii Shidaalka 2008 (Somali Petroleum Law 2008). Hindise Sharciyeedkani hadda waxa uu horyaallaa Golaha Shacabka kaasoo sidoo kale u sii baahan ansixinta Aqalka Sare iyo saxiixa Madaxweynaha. Si loo dedejiyo xaraashkan, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta waxay isticmaalaysaa sharci Golihii ay ka tirsanayd uu ansixyey in mid kale lagu bedelo. Lama garan karo sababta loo sugi kari la’yahay inta sharciga cusub meel mar ka noqonayo.
  2. Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Dakhliga Kheyraadka Dabiiciga ah (Shidaalka Iyo Macdanta) ee lagu saxiixay Baydhabo waxa uu dhigayaa in la sameeyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed (Somali Petroleum Authority) taas oo hagi doonta wixii wada-xaajood iyo diyaarin heshiisyo shidaal ah. Iyada oo aan la sameyn hay’addan lagu heshiiyay ayay Wasaaradda Batroolka iyo Macdantu qabanaysaa madal lagu xaraashayo laguna bixinayo shatiga shidaal qodista.
  3. Isla Heshiiskani waxuu tilmaamayaa in la sameeyo Shirkadda Shidaalka Qaranka Soomaaliyeed (Somali National Oil Company) taas oo la shaqeynaysa shirkadaha caalamiga ah. Mar kale, iyada oo aan la sameyn hay’addan lagu heshiiyay ayay Wasaaradda Batroolka iyo Macdantu heshiisyo caalami ah la galaysaa shirkado shisheeye.
  4. Heshiis Wax Soo-Saar Wadaag (Production Sharing Agreement) oo sheegaya xuquuqda iyo waajibaadka ay kala leeyihiin Soomaaliya iyo shirkadaha shidaalka ayaan weli Golaha Wasiiradda iyo Golaha Shacabka midkoodna la hor keenin. Heshiiskan waxa uu sheegayaa xuquuqda saxiixa heshiiska (signature bonus), awood-dhiska (capacity building), canshuuraha, sida dadka degaanka ugu faa’idayaan qodista shidaalka (local content) iwm.
  5. Heshiisyada shidaal ee la galo waxaa ku jira qodob muhiim ah oo la yiraahdo ‘xasilinta’ (stabilization clause) oo qeexa arimaha dib looga wada hadli karo iyo kuwa aan dib looga wada hadli karin marka uu heshiis dhaco. Maadama Soomaaliya aaney u dhamaystirnayn sharciyyada Bii’ada, Canshuuraha iyo Ganacsiga, waxaa adkaan doonta in heshiiska hadda la galo wax laga bedelo marka aan sameysanno sharuucda inaga dhiman.
  6. Waxa aan weli la sameyn Hay’adda Bii’ada Soomaaliyeed oo wax weyn ka taraysa in shirkadaha shidaalka aanay Soomaaliya ka dhigin meel ay adagtay in dadka iyo duurjoogtuba si caadi ah ugu noolaadaan maadaama shidaalka qodostiisa ay weheliso sun badan oo haddii aan loo samayn sharciyo lagu maareeyo iyo hay’ado haga khasaare weyn gaarsiin kara deegaanka.
  1. Soomaaliya heshiis shidaal ma gelin muddo ka badan 30 sanno, sidaa daraadeedna Wasaaradda Batroolka iyo Macdantu hadda ma haysato khubaro ku filan oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh sida loo galo heshiisyo noocan oo kale ah halka shirkadaha shidaalka ee xaraashkan ka qayb galayaa ay leeyihiin khubaro ku takhasusay heshiisyada caalamiga ah ee ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah.

8. Waxa aan weli la dhamays-tirin dib u eegista Dastuurka oo kala xadidi doona awoodaha dawladda dhexe, maamul goboleedyada iyo dawladda hoose ee dalka, sidoo kalena waxa aan la samayn Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa oo ah hay’ad dastuuri ah oo jiritaankeedu muhiim u yahay hubinta hufnaanta heeshiisyada iyo in aan kharashaadka ka soo xarooda loo adeegsan dano gaar ah.

Marka la eego gol-daloolooyinka (Loopholes) kor ku xusan, dedejinta ka muuqata xaraashkan waxa uu horseedi karaa in xaqqa soo saarista shidaalkeenu si dhib yar gacanta ugu galo shirkaddo dillaaliin ah oo carqalad ku noqda soo saarista shidaalkeena iskaba daa in ay iyagu soo saaraane. Sidaa daraadeed, Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarku wuxuu ku baaqayaa ka hor xaraashka shidaalka :

  1. in la dhamays-tiro sharciyada hagaaya iyo kuwa kaabaya ka faa’iideysiga soo saarista shidaalka si umadda Soomaaliyeed aanay marti uga noqon kheyraadkooda;
  2. in la dhiso hay’adaha muhiimka u ah maamulka iyo maareynta dheefta iyo dhibka shidaalka si loo hubiyo illaalinta degaanta iyo faa’iido cadaalad iyo xaqsoor ku salaysan;
  3. in la helo khubaro inaga caawisa kala hufka shirkadaha daneynaya shidaalkeena si aan meesha uga saarno dillaaliinta raba in ay ka faa’iideystaan duruufeheenna adag;
  4. in la helo garyaqaano calami ah oo inaga caawiya heshiisyada aan la geleyno shirkdaha daneynaya soo saarista kheyraadka dalkeena:
  5. In xogta iyo macluumaafka la xiriira kheyraadka dalka sida Batroolka loo soo bandhigo bulshada Soomaaliyeed si furan, oo aysan dadka Soomaaliyeed noqon kuwo shirkado ajnabi ah ka hela xogta ku saabsan khyeraadka dalkooda iyo waxa la xiriira.
  6. in shacabka Soomaaliyeed muujiyaan lana wadaagaan cidii ay khusayso u heeganaanta illaalinta kheyraadkooda dabiiciga ah.

Hadaba, Xisbiga UPD wuxuu soo jeedinayaa isla markaana adkaynayaa in shirka wasaaradda Batroolku ku qabanayso magaalada London taariikh 07 Febraayo 2019, uusan oofsan shuruudihii iyo tallaabooyinkii loo baahnaa in la qaado ka hor shir noocaas ahi inta aan la qaban, sidaas darteed waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo shirkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here