Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Been Sheegay Kiiska Siyaasi Muniir Axmed Cigaal.

0
36

(xog news)-Afhayeenka Ciidanka booliska Somaliland Faysal Xiis ayaa mar uu maanta Warbaahinta Hargeysa kula hadlay waxa uu been Ka sheegay kiiska uu u Xidhay Muniir Axmed Cigaal, isagoo maseeyey kiiskiisa iyo kan Cali Mahdi Jibriil Xasan.

Faysal Xiis ayaa sheegay inuu Muniir Axmed Cigaal u xidhan yahay dhaawac uu u gaystay Jaamac Cilmi Jiir,balse waxaad xusid mudan inay maxkamaddu sheegtay inaan La hayn cadaymo muujinaya inuu Muniir Axmed Cigaal wax dhaawac ah u gaystay Jaamac jiir, Faysal Xiis oo wanjalaya Muniir ayaa waxa uu yidhi: “Labadaas nin (Muniir iyo Cali Mahdi) waxay u xidhan yihiin dhaawac ay u gaysteen nin la yidhaahdo Jaamac Cilmi Siciid sharciga ayaanu cid kasta Ka sareeya”.

Muniir Axmed Cigaal ayaa hore u Beeniyey inuu wax lug ah Ku lahaa kiiskaasi lagu soo eedeeyey waxaana uu arrinkaasi hore ugaga hadlay qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay. Sidoo kale Maxkamadda gobolka ayaa maanta sheegtay inaanu Muniir Axmed Cigaal qayb Ka ahayn kiiskaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here