Borama:-Beelaha Habar-cafaan Oo La Sheegay Inay Ku Xidheen Muuse Biixi Shuruud Adag Oo Laf Dhuun Gashay Ku Noqotay+Dalabka Beesha Iyo Diidmada Muuse

0
223

(xogmadhaafe news)Wararka naga soo gaadhaya magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal oo ay wakhti xaadirkan ku sugan yihiin madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” iyo gudoomiyaha ahna murashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi ayaa sheegaya in kulamo qarsoodi ah oo gooni gooni ah ay masuuliyiintani la yeesheen qaar kamida beelaha gobolka Awdal isla markaana qaar kamida beelahaasi shuruudo adag ku xidheen masuuliyiintan.

Waxaana wararku sheegayaan in madax-dhaqameedka beelaha Habar-cafaan oo ah beesha uu kasoo jeedo siyaasi Axmed Muumin Seed oo uu Muuse Biixi Kulan la yeeshay halkanna aan idinku soo gudbinay kulankooda ayaa xogo kasoo baxayaa waxay sheegayaan in shuruud muran badan dhalisay isla markaana la isku dhaafi la yahay ay ku xidheen Muuse Biixi Cabdi kadib codsi uu ula yimi madax-dhaqameedka oo ah inuu sanadkan marti uga yahay inay taageeraan codkoodana siiyaan.

Waxaana xoguhu noo sheegeen in madax-dhaqameedkani ay Muuse Biixi Cabdi ku xidheen shuruud ah in uu sanadkan beelaha Habar-cafaan (Samaroon) siiyo murashaxnimada madaxwayne ku xigeenka xisbiga KULMIYE oo uu hadda yahay madaxwayne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Saylici,waxaana  sida naloo sheegay ay Muuse Biixi ka dalbadeen  in uu Cabdiraxmaan Saylici uga tanaasulo shantan sanno ee soo socota Axmed Muumin Seed oo tartan usoo galay jagada madaxwayne ku xigeenka xisbiga WADDANI balse lagaga adkaaday isla markaana ka cadhooday xisbiga WADDANI lana filayo inuu ku biiro xisbiga KULMIYE.

Waxaana ay sidoo kale xoguhu noo sheegeen in Muuse Biixi Cabdi uu shuruudii iyo dalabkii ay usoo jeediyeen madax-dhaqameedka beelaha Habar-cafaan ee ahaa in sanadkan beesha Maxamed Case oo ah beesha uu kasoo jeedo madaxwayne ku xigeenka Somaliland  uga tanaasulaan jagada murashaxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga KULMIYE ay ku noqotay Muuse Biixi laf dhuun gashay isaga oo sidoo kalena saluugsan dalabkaasi uga yimi madax-dhaqameedka habar-cafaan,waxaana uu usoo gudbiyay dalabkan madax-dhaqameedka beesha  Maxamed Case .

Waxaana madax-dhaqameedkan beesha Maxamed Case  ay sheegeen in ay kasoo tashanayaan dalabkan ah in ay sanadkan ka tanaasulaan murashaxnimada madaxwayne ku xigeenka xisbiga KULMIYE oo uu hadda u sharaxan yahay madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici,waxaana ay xoguhu intaasi noo raaciyeen in maanta la filayo inuu Muuse Biixi kulan la qaato madax-dhaqameedka beesha Maxamed Case jawaab cadna ay ka siiyaan go’aanka ay ka qaateen dalabkaasi.

Gabagabadiina shuruudan la sheegay inay madax-dhaqameedka beelaha Habar-cafaan ku xidheen Muuse Biixi Cabdi ayaa wali la isku mari la yahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here