Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer Oo 19 Nin U Qabtay Dil Ka Dhacay Gumbur-libaax.

0
40

(xogmadhaafe)-Ciidanka Booliska gobolka Togdheer oo kaashanaya ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa gacanta ku soo dhigay 19 maxbuus  iyo saddex gaadhi oo ay wateen, kuwaasi oo ku eedaysan dil ka dhacay habeen saddexaadkii degaanka Gumbur-libaax oo dhanka koonfur bari ka xigtay Magaalada Burco, sida uu caddeeyay Taliyaha qeybta booliska Togdheer, gaashaanle dhexe Axmed Maxamed Guutaalle.

“Hawl-galka waxaannu ku soo qabanay saddex gaadhi iyo 19 maxbuus oo ay ku jiraan raggii hoggaaminayey shaqaaqadaa ka dhacday degaanka Gumbur-libaax. Rag bar tilmaameed noo ah ayaa jira oo aan hadda gacanta noogu jirin. laakiin boqolkiiba todobaatan gacanta ayaannu ku haynaa, Waxa aanu sii wadaynaa badhitaanada annaga oo gacanta ku soo dhigi doono cid kasta oo baadhitaanku nala galo, Insha allaah,”ayuu yidhi Taliye Guutaalle oo shalay saxaafadda ugu waramayay magaaladda Burco.

Maayirka Magaalada Burco, Maxamed Yuusuf Muraad, ayaa waxay ammaan u soo jeediyeen saraakiishii iyo ciidankii hawl-galkaas ku guulaystay, iyaga oo ku boogaadiyey siday mar walba gacantooda adag ugu soo dhigaan ciddii waxyeelaynaysa nabadgelyada gobolka “Ilaa iyo xalay waxa ay ciidanka booliska iyo ka Milatarigu, waxa ay ku jireen sidii loo soo qaban lahaa ciddii ka dambaysay shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Gumbur-libaax , intii badnayd waa ay soo qabteen, inta hadhayna waa lagu raad jooga, aad iyo aad ayey u Mahadsan yihiin ciidammada ammaanku,”ayuu yidhi Maayarka Burco.

Maayarku waxa kale oo uu sheegay in ay dhammaatay wakhtigii uu gacan ku dhiigluhu baxsan jiray ama reerkiisu dulmiga ku difaaci jireen, waxaanu xusay in dadkani ay ku eedaysan yihiin inay  ku lug lahaayeen oo ay abaabulayeen dil ka dhacay gobolka Togdheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here