Congo: Muran Dhexmaray Wiil Iyo Adeerkii Oo Sababay Dhimashada 30 Ruux.

0
101

Ugu yaraan 31 qof ayaa ku dhintay dagaal ku dhex maray miliishiyo-beeleed iyo ciidanka amaanka, Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga ee Koongo, horraantii todobaadkan.
Saraakiil ayaa sheegaysa in dagaalku uu ka dhacay gobolka badhtamaha ee Kasai, kaasoo ka dhashay muran dhex maray nin iyo wiil uu adeer u ahaa oo ku murmay darajada hogaanka dhaqanka.

7
Badhasaab-ku-xigeenka gobolka, Hubert Mbingho N’Vula, ayaa sheegay in 13 askari oo ka mid ah askar loo diray inay xiisadda dejiyaan ay ka mid yihiin dadka dhintay. Wuxuu kaloo sheegay in 18 miliishiyo-beeleed ay iyagana dhinteen.
Mr N’Vula wuxuu sheegay in kala dambayntii lagu soo celiyey gudaha iyo hareeraha magaalada Tshikapa ee ku taalla gobolkaas durugsan. Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga ee Koongo ayaa waxaa ku soo noqnoqda dagaallo dhex mara maleeshiyo-beeleedyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here