C/raxmaan Farole oo ka soo horjeestay hadal ka soo yeeray Guddiga Doorashada 

0
91

Xildhibaan C/raxmaan Sheekh Maxamed “Faroole” oo ka tirsan Xubnaha Aqalka sare ee dalka, ayaa ka soo horjeestay hadal ka soo yeeray Guddiga Doorashada dalka.

Senator Faroole ayaa iska diiday hadalkii ahaa in Xildhibaanada cusub ay yimaadaan Magaalada Muqdisho si ay u qaataan kaararka Aqoonsiga Xubinimada Baarlamaanka Somaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka, ayaa horay u sheegay in Shahaadooyinka ay ku siinayaan Xildhibaanada cusub Magaalada Muqdisho.

“Ninka hadda madaxda looga dhigay guddiga doorashada, qaraabo dhowna ay yihiin Xasan Sheikh wuxuu ku dhawaaqayay Xamar ha yimaadaan xildhibaanadu oo ha qaataan kaararka aqoonsiga, arrintaas waxaan u aragnaa inay tahay sheeko carruureed,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Faroole

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in sharci ay tahay in Guddiyada qaabilsan doorashooyinka heer Federal loo soo dhiibo Shahaadooyinka Aqoonsiga Xildhibaanimada.

Maamulka Puntland ayaa inta badan looga bartay inay ka soo horjeestaan wax kasta oo hanaan u ah geedi socodka Isbedelka Siyaasadeed ee dalka, iyaga oo hada ka biyo diidan Dooarashooyinka socda.

Maamulka Baarlamaanka ayaa shaaciyay in 6-da December kulanka ugu horeeya ee Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya uu ka qabsoomayo Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here