Daawo: Dareenka Dadweynaha Ku Dhaqan Gobolka Awdal Ee ku Wajahan Waxqabadka Badhasaabkii Hore

0
90

boorame

Hargeysa (Xogmadhaafe[XDH):- Dareenka Dadweynaha Ku Dhaqan Gobolka Awdal Ee Ku Wajahan Waxqabadkii Badhasaabkii Hore, iyo Soo Dhaweynta Badhasaabka Cusub,

“Mushahar la’aan laga cabanayaa ma jirto haba yaraatee, Anigu intii aan wasaarada joogay wax mushahar ah marnaba may waayin…”
“Ganacsatadu waxyaabihii ay heshiiska ku galeen ayay ka mid ahayd in Imtixaan Laga Qaado Shaqaalahan oo aanka diiwaangashanayn hay’ada shaqaalaha”
shaqaalaha laydhka

Hargaysa (Xogmadhaafe): Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta C/risaaq Khaliif Axmed, ayaa dhinac iskaga leexiyay eedaymo ay ujeediyeen shaqaalaha wershadda Korontada Hargeysa, kuwaasi oo shalay sameeyay mudaharaad ay kaga cabanayeen mushaharooyin ka maqan, halka qaar kalena ay sheeganayeenin loo diiday xuquuqdoodii iyo kuwo ka cabanayay in shaqadda laga eryay sabab la’aan.

Shaqaalahan cabanayay oo warbaahintu wax ka waydiisay sababta keentay cabashadooda ayaa sidoo kale waxay wasiirka hwlaha guud ku eedeeyeen in uu kaga baxay balamo uu hore ula glay oo ahaa in aanay jiri doonin shaqaale la eryi doono iyo in kuwo xuquudoodu ka maqan tahay la siin doono.
Hase yeeshee wasiirka oo xalay khadka telefoonka ugu waramay DAWAN, ayaa eedaymahaasi ku tilmaamay kuwo aanay waxba ka jrin, isla markaana aanay waxba iska bedelin balamihii ay hore u wada galeen shaqaalaha wershadda korontada, iyadoo dhawaan ay wershadaasi iibsadeen ganacsato madaxbanaan.

Wasiirka Hawlaha guud oo ka hadlayay cabashadda shaqaalahaasi, waxaanu yidhi “Shaqaalaha u shaqayn jiray wershadda korontada hargeysa waxay ahaayeen shaqaale aad u badan, waxaa ku qoran heshiiska aanu la galnay shirkaddaha iibsaday wershadda in shaqaalahani ay noqon doonaan shaqaalaha wershadda u shaqayn doona laakiin maadaama oo ay shirkadu tahay mid gaar loo leeyahay xaq u leedahay inay imtixaan ka qaado shaqaalaha, wixii awoodi waaya inay shaqeeyaana, ama aqoontii shaqadda looga baahnaa buuxin waayana inay dawladu xuquuqdooda siiso.

Waxa kale oo heshiiska aanu shirkadaha la galnay ka mid ahaa in aanu shaqaalaha u bandhigno in kuwa iyagu doonaya inay iskood uga tagaan ama hawlgab ahaa in dawladu ay iyagana xuquuqdooda siiso, wax iska bedelayna ma jiraan”.

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in markii uu isagu wasaaradda yimid ay jireen shaqaale uu ka maqnaa mushahar laba bilood ah, isla markaana uu shaqaalahaasi lacagtoodii siiyay todobaad ka ah. Waxaanu wasiir Khaliif meesha ka saaray in uu jiro wax mushahar ah oo ka maqan shaqaalaha.

“Waxaa jirtay intii aanan anigu iman wasaaraddan shaqaaluhu waxay sheeganayeen mushaharooyin ka maqnaa oo laba bilood ahaa, lacagtaasina todobaadkii dhawaa ayaan siiyay dhamaan, lacg ilaa 2 boqol oo milyan oo shillin ah oo ka maqnayd waan siiyay, heshiiskuna sidaas ayuu ahaa, wax iska bedelayna a jiraan. Shaqaalahanina waa shaqaale dawlada u shaqaynayay, duruuf kasta ha ku yimaadaan, tiradoodu si kasta ha u badnaato, marxalado ayay noqonaysaa, marka imtixaanka la qaado wixii shaqaale ah ee aqoontooda ama awoodoodu wadi waydo, xuquuqdooda ayaa la siinayaa, oo waa la dirayaa. Wejiga labaadna shaqaalaha laftooda maadaama ay shirkad gaar loo leeyahay (private) ku wareegayaan, wixii xuquuq ah ee ay hore dawlada ugu lahaayeen waa la siinayaa”.

Waxaanu intaasi ku laga daray “Mushahar la’aan cabanayaa ma jirto haba yaraatee, mushaharkoodii wixii hore anigu intii aan wasaarada joogay oo ah sanad iyo sided bilood, wax mushahar ah marnaba may yeelan, labada bilood ee ay sheeganayaana waa 2011 ee cabashadoodii u cadaatayna waanu siinay, markaa wax mushahar ah oo ka maqani ma jiro, laakiin xuquuqda intaa hada hawlgabka gashay ee 15 qof ah waxa la wadaa nidaamkii oo gudi ayaanu u saarnay, iyo xuquuqda waxa ay yeelanayaan iyo mid waliba inta uu shaqaynayay. Sidoo kale marka imtixaanka la qaado cidii imtixaanka ku guulaysan wayda sidaasi si la mid ah ayay gudidaasi u eegayaan waxa ay yeelanayaan” ayuu yidhi wasiirka Hawlaha guud.

Wasiirka oo aanu waydiinay maadaama oo uu jiray heshiiskaasi hore ee ay shaqaalaha isku ogaayeen, waxa sababay in ay mudaharaadka sameeyaan, waxa uu ku jawaabay “Shaqaalaha cabanayay wasaaradana may iman, anigana iimay iman, anagaa wada hadalnay oo waxaan sameeyay guddi shan qof ka kooban, gudidiina waxay ii keeneen cabashadan ah laba bilood oo hore mushaharkaoodii ayaa naga maqan, waan baadhay, ka dib isla toddobaadkii dhamaaday ayaan u siidaayay lacagtii, Salaasadii, Arbacadii iyo Khamiistii ayaanay kala qaateen lacagahoodii oo ay u dhamaatay. Waxaa ii yimid shalay (doraad) qolo hawlgab ah oo 10 qof ah iyo shan qof oo iyagu codsaday inay tegayaan waxaanan u balanqaaday in marka lacaguhu noo soo xeroodaan in aan dhamaantoodba xuquuqdooda oo dhamaystiran siinayo. Arrinta kalena waxay tahay imtixaankii in la qaado, dabadeedna cidii imtixaanka ku guulaysan waydaa ay raacaan qoladaasi 15-ka ah, oo xuquuqdoodii la siiyo.

Cidii imtixaanka ku guulaysata ee shaqaalaha dawladda ama wershadda noqonaysaana, dawladu kama ay wada bixin wershadda qayb ayay ku leedahay laba xubnood ayaanay gudida ku leedahay, iyagana in markaa ka dib hawshooda la galo, oo xuquuqdoo loo diyaariyo” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka oo ka hadlayay in wershada korontada Hargeysa ay la wareegeen ganacsato, waxa uu yidhi “Saddex shirkadood ayaanu heshiis la galnay oo la wareegay wershadda korontada Hargeysa, shirkada MSG iyo shirkad aloog la yidhaahdo, 80% ayay isku leeyihiin 20% dawladda ayaa leh, waxaana la sameeyey guddi ka kooban 7 xubnood oo 2 ay dawladu leedahay, 5 kalena ganacsatadda kala duwani ay leeyihiin, gudidaasi ayaa waxa ay magacaabeen maamulka ku meel gaadh ah, waanay la wareegeen, iyagana hada hawsha maamulkeedii gacant aku haya.”

Waxa kale oo uu sheegay wasiir C/risaaq in heshiiskii ay shiradaha la galeen ay ka mid ahayd in imtixaan laga qaado shaqaalaha wershadda korontada ee Hargeysa.

“Ganacsatadu waxyaabihii ay heshiiska ku galeen ayay ka mid ahayd in imtixaan laga qaado shaqaalaha, runtii shaqaalahanina way ka duwan yihiin habka shaqaalaha dawladu ku yimaadaan, ma aha shaqaale ka diiwaangashan hay’ada shaqaalaha dawladda, mana aha dad laga qaaday imtixaankii ay hay’ada shaqaaluhu ka qaado shaqaalaha dawlada, waa shaqaale dadkii maamulka wershada so maray ay siyaabo kala duwan u keeneen, waxaana laga yaabaa in ay ku jiraan dad aan aqoon fiican u lahayn shaqadda, qofkuna xaq ayuu u leeyahay in uu imtixaanka qaado, waayo waa baayac-mushtar, oo waa faa’iido doon, wax shuruud ah oo aanu ku xidhnayna ma jirin, shuruuda keliya ee aanu ku xidhnayna waxay ahayd in aanay qofna eryi Karin, kuwii imtixaanka ku dhaca maahee”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here