Dacwad Ay Garabka Axmed Muumin Hogaaminayo U Gudbiyeen Gudida Diiwaangalinta Ururada Siyaasadda Oo La Filayo In Dhagaysigeedu Bilaabmato Iyo Wakhtiga La Filayo Inay Bilaabmato

0
57

Dacwad ay dhawaan garabka Axmed Muumin Seed hogaaminayo ay u gudbiyeen gudida diiwaangalinta ururada siyaasadda ayaa la filayaa inay dhagaysigeedu balaabmato maalinta axadda ee inagu soo food leh.

Dhagaysiga dacwadan ayaa noqonaya mid ay kasoo qayb galayaan labada dhinac ee ay dacwadu u dhaxayso iyo qareenada u doodaya iyaga oo maalintaasi-na ay noqon doonto sida la filayo wajigii koowaad ee dhagaysiga dacwada.

Waxaana wararku sheegayaan in gudida ururada siyaasaddu ay maanta u yeedheen qareenada u kala doodaya garabka Axmed Muumin Seed ee dacwada gudbiyay iyo gudoomiyaha xisbiga WADDANI ahna murashaxa xisbiga WADDANI  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro”,waxaana qareenadan sida naloo sheegay ay gudidu kala hadli doonaa wakhti ay bilaabmayso dacwadu oo muddo la sugayay iyo qaabka ay u bilaabmayso.

Gabagabadiinada bulshada Somaliland ayaa iyagu u dhag taagaya wakhtiga ay bilaabmayso dhagaysiga dacwadan u dhaxaysa labada dhinac iyo waliba maxsuulka kasoo baxaya,waxaana siyaabo kala duwan ay bulshada iyo dadka siyaasadda odorosaa ay u falanqaynayaan dacwadan ay garnaqeeda guda galeen gudida diiwaangalinta ururada siyaasaddu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here