Danjireyaasha Loo Magacaabay Sweden Iyo Ingiriiska Oo Ka Hadlay Xilalka Loo Igmaday

0
73

Wakiiladda  cusub ee  uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo u  magacaabay  wadamada  Britain iyo  Sweden,  Ayaan Maxamuud Canshuur iyo Sekeriye Xasan Wacays,   ayaa   soo dhaweeyay  xilalka loo igmaday, isla markaana   madaxweynaha uga mahad celiyay   masuuliyadda loo dhiibay.

11

Ayaan Maxamuud Cashuur iyo Sekeriye Xasan Wacay,  oo siyaabo gooni gooni ah ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku qanacsan yihiin xilalkaasi.

Danjire, Ayaan Cashuur oo ka dareen celinaysay   xilka loo magacabay waxay tidhi “Waan ku faraxsanahay, madaxweynaha-na waan uga mahad celinayaa xilkaa uu ii igmaday. In aad qarankaaga u shaqayso waa hawsha ugu weyn ee laguu dirsan akro.  Sharaf ayaanay ii tahay in aan qaranka Somaliland u metelo dibadda”.

“Shacabka dalka UK waxaan ka codsanayaa in  ay si weyn ula shaqeeyaan  safaarada,   mucaarad iyo muxaafid-ba. Safiir  marka la yahay ee dibaba la jooga-na waa xil qaran ee ma aha xil uun xukuumad  loo hayo.  Markaa  waxaan jecelahay in safaaradu ay noqoto meel ay ku soo hirtaan shacabka iyo xukumadda Somaliland” ayay tidhi   danjire  Ayaan Cashuur.

Dhinaca  kale  Sakariye Xasan Wacays,  oo isna uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo u magacaabay safiirka Somalilad u fadhiyi doona dalka Sweden  ayaa madaxweynaha  ugu  mahad celiyey xilka uu u magacaabay.

Waxaanu   shacabka Somaliland  ee dalkaasi ugu baaqay in ay gacan ku siiyaan  xilka  culus ee  loo   igmaday. Waxaanu yidhi  “Waa xil qaran oo aan ugu mahad celinayo  madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, runtii waan aqbalay,  waxaanan jeclahay in la igu duceeyo.   Anagu  hore-ba waxaanu ugu shaqayn jirnay umadayda,  haddana  waxaan u shaqaynaynaa qarankayga”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here