Dawlada Somaliland Oo Ka Digtay In Lagu Xidhiidhiyo Doorashooyinka Somaliya Iyo Nuxurka Qoraal Loo Kala Direy Safaaradaha Iyo Hay’adaha Dalka Ku Sugan

0
99

(xog news)-Dawlada Somaliland ayaa si adag u beenisay inay qayb ka tahay nidaamka doorashooyinka Somaliaya oo uu maalmahan baahinayay xafiiska wakiilka xoghayaha qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo somaliya mr Micheal Keating,waxaana ay ka digtay dawlada Somaliland inaan la abuurin colaado iyo qalalaase gaadha gobolka Geeka Africa iyo caalamka.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo soo saaray qoraal diginin ah oo uu ku socodsiinayayxafiisyada safaaradaha iyo hay’adaha dalka jooga dhamantood ayuu ku sheegay in warbixinaha lagu faafiyay baraha ay bulshadu ku kulanto aanay badali Karin xaqaa’iqa gudaha Somaliland ku jira.

Qoraalka wasiir Sacad oo soo baxay kadib markii labadii maalmood ee u danbeeyey xafiiska wakiilka xoghayaha qaramada Midoobey u qaabilsan Somaliya iyo Somaliland Mr Keating faafinayeen warbixin ay ku dhiirigalinayeen hanaanka doorashooyinka somaliya iyo abuuritaanka baarlamaanka aqalka saree e fedaraalka ku socdaan isla markaana ku sheegeen in Somaliland qayb ka tahya ayuu wasiirku ku sheegay sidan

“Waxa maalmahan lagu baahiyay warbaahinta gaar ahaana baraha bulshadu ku kulmaan in Somaliland qayb ka tahay nidaamka lagu samaynayo balamaan faderal iyo aqal sare oo somaliya yeelato.taasi xaqiiqdii waa mid runta ka fog,Somaliland waa dal madaxbanaan oo dunida laga aqoonsan yahay ama ku socda oo aan qayb ka ahayn geedi socodka siyaasadeed ee somaliya waayo? Somaliland waxay ka baxday midnimadii 25 sanadood horteed”.

Dr Sacad Cali Shire ayaa ugu baaqay bulshada caalamka inay aqbasho xaqiiqada dhabta ah oo ay qiraan inaan Somaliland qayb ka ahayn qaab dhismeedka faderaalka somaliya,waxaana uu yidhi

“Xaqiiqada iyo dadka kasoo jeeda Somaliland jagooyinka ka qabteen dawlada faderaalka ah macnaheedu maaha inay matalaan Somaliland,taageerida iyo buunbuuninta fikirkaasi ma caawin doono somaliya Somaliland ama gobolka.Sheegashadaasi waxa laga yaabaa inay u wanaagsan tahay dhamaystirka warbixinada shaqsiyaad ama waajibaad hay’adeed,laakiin waxay abuuraysaa colaado iyo masiibooyin gaadha gobolka iyo meelo ka baxsan”

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire waxa kale oo uu qoraalkiisa uu u gudbiyey  safaaradaha iyo qaramada midoobey ee Somaliland ku sugan waxaaana uu yidhi

“Waxa caawin kara Somaliland,somaliya iyo guud ahaanba gobolka waa in bulshada caalamku aqbasho xaqiiqada dhabta ah ee dhulka oo ay qiraan inaan Somaliland qayb ka ahayn qaab dhismaadka faderaalka,taageeraana doorashooyinka dimuqraadiga dhabta ah ee Somaliland,kaalina ku yeeshaan wada hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo somaliya”sidaas ayuu ku yidhi qoraalka uu soo saaray wasiir Sacad  Cali Shire

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here