Dawlada Somaliland Oo Siideysay Markab Hub Kuraran yahay Iyo Shaqaalihiisa Oo Ay Gacanta ku dhigeen.

0
90

6654(Xogmadhaafe)-Maamulka Soomaaliland ayaa fasaxay markab siday hub oo ay dhawaan ku qabteen xeebta magaalada Berbera,Waxaana hubka la xaqiijiyay inay leedahay dowlada Sudan,sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland.

Hubka Soomaaliland ku qabatay markabka waxaa ku jira madaafiic, Beebayaal iyo gadiidka dagaalka.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland,Maxamed Yoonis Biixi oo saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in markabka ay ku fasaxeen xiriir uu la soo sameeyay Soomaaliland,madaxweynaha dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir.
Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu sheegay in dowladda Sudan ay la soo xiriirtay Somaliland oo iyadu sheegtay inay hubkan iska leedahay.
“Madaxweynaha Sudan ayaa la soo xiriiray Madaxweyne Siilaan, wuxuu ka codsaday in hubkaas la sii daayo, warqad buu noo soo qoray, waxaa goosanay inaan fasaxno Markabkan, markii aan ku qanacnay warka nala soo siisay, Sudan waa dal aan saaxibo nahay oo cilaaqaad badan uu naga dhaxeeyo”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland.
Waxuu sheegay inaysan jirin wax sharuud ah oo ay ku xireen markabka,maadaama uu yiri xiriir baa naga dhaxeeya dowlada Suudaan.
Warar kale oo an wali la xaqiijin ayaa sheegay in magaalada Hargaysa ay gaaren wafdi ka socda dowladda Suudaan kuwasao geeyay madaxtooyada Soomaaliland lacag dhan 500$,taas oo qayb ka ahayd sii deynta markabka,balse wasiirka arrimaha dibadda ma usan sheegin hadalka.
“Ma jiro wax ganax ah oo an ka qadeyno markabka,maadaama dowlada an xiriir leenahay uu yahay,sida darteed waan cafinay,”ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda oo ka jawaabay su’aal ah inay wax magdhow ah ka qaaden markabka.
Markabka waxaa uu ka bixi doona dekedda Berbera markii dib loogu celiyo hubkii saarna oo ay Soomaaliland shalay ka dajisay.
Dowladda Sudan ayaa sheegtay in Markabkan hubka sida uu ku socday Imaaraadka Carabta, si uu uga qeyb galo Bandhig Hub ah oo ka dhici doona dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here