Deegaano Ka Tirsan Gobolada Daadmadheedh Iyo Saraar Oo Laga Soo Sheegayo In Roobab Ka Curtaeen Iyo Magacyadda Deegaanada La Sheegay Inuu Roobku Ka Da’ay

0
103

(xogmadhaafe news)-Wararka naga soo gaadhaya magaalooyinka Oodwayne iyo Caynaba ayaa sheegaya in roobab fican oo ay bulshada ku diirsadeen ay ka da’een deegaano hoos yimaada gobolada Daadmadheedh iyo Saraar.

Waxaana deegaanadan uu raxmaadku ka hoorey la sheegay inay qaarkood ka jirtay abaar baahsan.iyaga oo bulshada ku dhaqan deegaanadasi ay aad ugu farxeen raxmaadka Eebe ee u hoorey.

Deegaanada gobolka Daadmadheedh ee laga soo sheegayo in raxmaadka Eebe ka hoorey ayaa waxa kamid ah Xaaxi,Oodweyne ,Xidhxidh, Darin, Tuunyo, Galoolay  Iyo Qaloocato  kuwaasi oo sida naloo sheegay ahaa deegaanadii ay ka taagnayd abaarta baahsani.

Dhanka kalena deegaanada gobolka Saraar ee lagu soo waramayo in raxmaadku eebe ka da’ay ayaa waxa kamid ah Baaldhis, Buurdhaab , Waridaad iyo Ceegaag kuwaasi oo ay qaarkood ka taagnayd biyo la’aan iyo abaar baahsan.

Gabagabadiina deegaano badan oo ka tirsan gobolada bariga Somaliland ayaa waxa wali ka jirta abaar baahsan iyo biyo la’aan,taasi oo hadda maraysa meel xun isla markaana dadka reer guuraaga ah ee soo hayaamay isla markaana ay abaartu soo barakicisay ay u baahan yihiin gurmad iyo taakulo deg deg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here