Deg Deg:-Gudoomiye Cirro Oo Ciidanka Booliska Saldhiga Dhexe Ka Hor Istaageen Inuu saldhiga Ku Booqdo Siyaasi Ka Tirsan Xisbiga Oo Xidhan

0
72

(xog news)Ciidamada booliska saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa ayaa goordhawayd  si badheedha u hor istaagay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI wakhti uu booqasho ugu tageyey Siyaasi  ka tirsan xisbiga WADDANI  Iyo saxafi ka hawl gala magaalada Hargeysa kuwaasi oo labadooduba ku xidhan saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa

Waxaana gudoomiye Cirro markii uu gaadhay saldhiga dhexe ee magaalada hargeysa ay ciidamadu ku wargeliyeen inaanu gudaha gali Karin uuna iska noqdo Amarna aanay u haysan booqashadiisa,waxaana uu gudoomiye Cirro u sheegay ciidanka in waxa uu u socdaa ay tahay booqasho balse ciidanka ayaa diiday.

Intaasi kadib ciidanka booliska saldhiga dhexe waxay bilaabeen hanjabaado iyo cago juglayn iyaga oo gudoomiye Cirro ugu hanjabay inaanu kidinka cagta soo saari Karin,

Dhanka kalena Ciidanka booliska saldhiga dhexe waxay  xabsiga u taxaabeen gaadhigii uu watey xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Maxamed Cabdilaahi “Uur-cade” iyo saxafi ka tirsan waaxda warfaafinta xisbiga WADDANI.

Ilaa hadda lama garanayo sababta ay saraakiisha saldhiga dhexe gudoomiye Cirro ugu diideen inuu saldhiga dhexe ku booqdo siyaasigan  ka tirsan xisbigaa WADDANI iyo wariyaha ka hawl gala magaalada hargeysa oo shalay lagu xidhay saldhiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here