Deg Deg:-Xoghiyihii Guud Ee Xisbiga UCID Oo Goordhawayd Ku Dhawaaqay Inuu Iska Casilay Xisbiga UCID Iyo Sababta Uu Iskaga Casilay Oo Uu Sheegay

0
63

(xog news)Xoghayihii guud ee xisbiga UCID Yusuf Ibraahin Jaamac “Goo’gooye” oo uu dhawaan magacabay gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka dhawaajiyay in uu si rasmi ah xilkii iyo xubnimadii xisbiga UCID-ba iska casilay.

Waxaana xoghayuhu sheegay in sababaha uu iskaga casilay xisbiga ay tahay kadib markii uu ku qanci waayay habsami u socodka shaqo ee xisbiga iyo waliba  inaanu arkin in xisbigu ku socdo wadadii guusha ku gaadhi lahaa.

Sidoo kalena mudane Googooye waxa uu ka dhawaajiyay in gudoomiyaha xisbiga UCID eng Faysal Cali Waraabe uu ku guul daraystay inuu barbar istaago isla markaana wax u taro kaalmona gaadhsiiyo dadka ay abaaruhu ku halakeeyeen deegaanada gobolada bariga Somaliland,isaga oo hoosta ka xariiqay inuu gudoomiye Faysal aanu dadkaasi  gurmadka u baahan aanu wax naxariisa u muujin isla markaana dadkaasi ka doonayo inay siiyaan cod.

Mudane Googooye waxa uu sido kale ka dhawaajiyay in aanu sidaasi saaxadda siyaasadda kaga dhex baxayn balse uu ku biiri dono labada xisbi qaran ee kale ee WADDANI iyo KULMIYE hadba kii uu u arko inuu hayo guushii hanashada dalka isla markaana uu kasbaday quluubta shacabka reer Somaliland.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here