Deg-Deg:Faah faahin ka soo baxday khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay ilinka hore ee Dekeda Muqdisho +SAWIRRO

0
97

(xogmadhaafe news)Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay qaraxa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay afaafka hore ee Dekeda Muqdisho, gaar ahaan laanta Canshuuraha Dekeda.

Khasaaraha dhimashada ayaa la sheegayaa inu u ka badan 10 ruux, maadaama goobta qaraxa uu ka dhacay ay ka agdhaweyd goobo maqaayado ah oo shaaha lagu cabo, ayna fadhiyen dad rayid ah.

Suxufiyiinta oo goobta tagey waxa ay soo sheegayaan dhimashada inay kor u dhaafeyso 10 ruux, dhaawacana uu intaasi ka badan, dadka waxyeelada soo gaartay ayaa u badan shacab.

Sawirro laga soo qaaday goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa muujinaayay goobta maqaayada ah ee dadka ay fadhiyeen oo aad u bur burtay, sidoo kalena ay soo daateen geedaha dhaadheer ee dekeda ka soo horjeeda.

Bartilmaameedka qaraxa rasmi ahaan wuxuu ahaa Laanta Canshuuraha Dekeda, halkaasi oo ah goobta gaadiidka looga qaado canshuurta. Ciidamo Booliska ka tirsan ayaa sugga ammaanka goobtaasi.

Saraakiisha ammaanka Gobolka Banaadir oo goobta gaaray weli Saxaafadda ugama aysan waramin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi gaariga loo adeegsaday.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya iyadoo shalay la sheegay in duleedka Muqdisho lagu fashiliyay qarax Ismiidaamin ahaa, oo ciidamada NISA ay ka hortaggeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here