Dhulgariir Ka Dhacay Gobol Ka Tirsan Dalka Indonesia

0
88

Waxaa subaxnimadii hore ee shalay oo Arbaca ahayd uu dhulgariir xoogleh ku dhuftay gobalka Aceh ee Waqooyiga wadanka Indonesia.
Dhulgariirkan ayaa awoodiisa lagu qiyaasay 6.4 wuxuuna deegaankaasi ku dhuftay wax yar kahor intaan la tukan Salaada subax.

1

Waxaa weli socda gurmadka loogu jiro dadka ku jiray daaraha burburay, waxaana lagu soo waramayaa in guryaha burburay ay aad u badan yihiin.
Illaa iyo hada dowlada Indonesia waxay sheegtay in dhimashada ay gaadheyso 26 qof balse waxaa la filayaa in tirada intaasi ka badato maadaama uu weli socdo gurmadka.
Gobalka Aceh ayaa ah halkii khasaaraha ugu badan soo gaadhay dhulgariirkii dhacay isla bishii December ee sanadkii 2004, kadib markii hirarka bada ee Tsunami ka dhashay dhulgariirka ku fataheen gobalkaasi oo ay ku dhinteen xiligaasi dad ka badan 80 kun oo qof

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here