Donal Trump Oo Bartiisa Tweeter-ka Ku Weeraray Dawladda Shiinaha

0
53

(xog news)-Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa qoraalo dhowr ah oo uu soo dhigay bartiisa Tweeter-ka waxa uu ku weeraray siyaasadda Shiinaha.
Trump ayaa xukuumada Beijing ku edeeyay in ay khakhal galineyso lacagta Mareykanka, oo ay la wareegayaan shaqooyinkii Mareykanka misana ay sii xoojinayso awoodeeda milateri iyadoo saldhigyo milateri ka dhisaysa Koonfurta Badda Shiinaha.

Mareykanka ayaa horay u dhaleceeyay hoos u dhaca ku yimid qiimaha lacagta dollarka , waxaan uu sheegay in ay si cadaalad darro ah ugu eexaneeyso ganacsatada Shiinaha . Trump ayaa ka cadhooday wada hadal dhexmaray Shiinaha iyo Taiwan .
Mareykanka ayaa sidokale horay u sheegay in xukuumada Beijing ay joojiso sheegashada jaziirada koonfurta shiinaha oo dalal badani ay sheegtan , halkaasi oo ay ku suganyihiin Ciidamo Mareykan ah .
Goor sii horeesay na xoghaya arimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry waxaa uu kula taliyay kooxda Trump ee ku howlan la wareegida xukunka in la tashi ay la sameeyaan wazaarada arimaha dibada ee Mareykanka kahor inta aysan xdhiidh la sameyn hogaamiyeyaasha shisheeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here