Doorashada Aqalka Hoose Ee Xildhibaanada Sheeganaya Inay Matalayaan Somaliland Oo Saaka La Filayo Inay Bilaamato Iyo Goobta Ay Ka Dhacayso Oo Lagu Muransan Yahay

0
52

Doorashada Xildhibaanada Sheeganaya inay matalayaan Somaliland ee aqalka Hoose ee Somaliya ayaa lagu wadaa inay goor dhaw ka bilaabmato Magaalada Muqdisho.

Guddiga doorashada heer federaal ee somaliya ayaa xaqiijiyay in doorashada xubnaha sheeganaya inay matalayaan saamiga Somaliland ay ka dhici doonto Xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada Cabdi-casiis ee magaalada Muqdisho.

Waxaana wararku sheegayaan in wali laysku maan dhaafsan yahay halka ay ka dhacayso doorashadu iyaga oo gudida doorashooyinka somaliya-na ay sheegeen inay doorashadu ka dhacayso xarunta gaadiidka booliska ee degmada Cabdi-casiis,halka odayaasha dhaqanka ee iyagu sheeganaya inay matalayaan Somaliland-na ay codsadeen in doorashada loo wareejiyo xarunta Xalane ee Taliska u ah AMISOM,balse waxa codsigaasi ku gacan saydhay gudida doorashooyinka faderaalka somaliya.

Si kasteba ha ahaatee doorashadan aqalka Hoose ee lagu kala saarayo xubnaha xildhibaanada ah ee sheeganaya inay matalayaan Somaliland ayaa waxa lagu wadaa inay maanta bilaabmato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here