Fadeexad Culus:-Muuse Biixi Oo La Sheegay Inuu Waji Gabax Kala Kulmay Cuqaasha Iyo Waxgaradka Berbera Iyo Kulan Ay Wada Yeesheen Oo Natiijo La’aan Kusoo Dhamaaday

0
60

(xogmadhaafe news)Warar xog ogaal ah oo ay helayso shabakada wararkaXogmadhaafe neews helayso ilo waredyo madax-banaan ayaa sheegaya in Muuse Biixi Cabdi uu waji gabax kala kulmay odayaasha,cuqaasha iyo waxgaradka gobolka saaxil.

Waxaana xogahani ay noo sheegeen in Muuse Biixi uu  kulan shalay galinkii danbe  kula yeeshay hotel Maansoor ee magaalada Berbera odayaasha,cuqaasha iyo waxgaradka beesha Ciise Muuse isaga oo kulankaasina uu ku bilowmay garnaqsi.

Waxaana ugu horeyn Muuse Biixi odayaashan iyo waxgaradkan usoo bandhigey qorshe ah inay taageeraan isla markaaan sanadkan uu marti uga yahay inay codkooda siiyaan.

Intaasi kadib ayaa waxaana naloo sheegay in uu codsigaasi ku gacan saydhay oday lagu magacaabo Daahir Cismaan oo kamid ahaa odayasha uu Muuse Bixi kulanka la qaatay waxaana uu muuse Biixi u sheegay in uu sheego sababta uu inankoodiii murashaxa ahaa ee Jamaal Cali Xuseen uu uga hiiliyay Faysal Cali Waraabe wakhtigii muranku ka taagnaa xisbiga UCID iyo sababaha uu gadobta uga galay,su’aashaasi oo la sheegay inuu Muuse Biixi jawaab u waayay.

Waxaana kulankaasi ka dhashay buuq iyo sawaxan iyada oo wararka qaarna sheegayaan in odayaasha qaar kamid ahi ay kasoo dareereen shirka isla markaana ay ku gacan saydheen qorshihii uu ula yimi Muuse Biixi ee ahaa inay taageeraan.

Waxaana kulankan aakhirkii ay xoguhu noo sheegeen inuu kusoo dhamaaday natiijo la’aan iyo is afgaran waa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here