Falaqaynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Caawa Dhexmari Doona Kooxaha Buyer Munich vs Atletico Madrid.

0
89

Kulanka Bayern Munich iyo Atletico Madrid waxa uu noqon lahaa kulan weyn oo lagu soo xidho Group D taasoo ka dhigi laheyd inay labada kooxood u tartamaan kaalinta 1aad ee group-ka laakiin waxaa taasi meesha ka saartay guuldaradii Bayern Munich ka soo gaadhay Rostov labo isbuuc ka hor.

Shanta guul ee isku xigta ee ay Atletico gaadhay ayaa la micno ah inay ku soo bixi doonaan kaalinta koowaad ee group-ka, halka Bayern Munich ay ku dhameysan doonto kaalinta labaad wax kasta oo ay noqoto natiijadooda kulanka ay la ciyaarayaan kooxda La Liga ka dhisan.

ys

Kooxda Bayern Munich ayaase u ciyaari doonta inay ka aargutaan kooxda Atletico kuwaasoo 1-0 ku badiyay kulankoodii Vicente Calderon ee dhacay 29kii September iyadoo gool uu dhaliyay Yannick Ferreira-Carrasco lagu quusiyay kooxda Carlo Ancelotti.

Kooxda Rostov ayaa u soo bixi doonta Europa League haddii ay ka fogaadaan inay guuldarro ka soo gaarto kooxda aan weli badinin ee PSV Eindhoven kuwaasoo ku dhibco noqon kara kooxda Ruushka haddii ay badiyaan kulanka caawa waxaana ay kaga soo bixi karaan rikoorka kulamada fool ka foolka ah.

Group D

Kooxda martida loo yahay ee Bayern Munich waxaa dhaawac kaga maqan Boateng oo dhaawac muruqa ah qaba, iyadoo Lahm uu halis ugu jiro inuu seego kulanka soo socda ee Champions League haddii uu jaale qaato caawa.

Dhanka kooxda Atletico Madrid tababare Diego Simeone ayaa nasasiiyay Tiago iyo Felipe Luis halka Augusto iyo Cerci ay dhaawacyo jilibka ah ku maqan yihiin.

Shaxda Macquulk Ah Ee Bayern München v Atlético Madrid

Bayern: Neuer; Rafinha, Martínez, Hummels, Bernat; Lahm, Sanches; Costa, Müller, Robben; Lewandowski.

Atlético: Oblak; Vrsaljko, Giménez, Savić, Lucas Hernández; Gaitán, Saúl, Koke, Carrasco; Correa, Torres.

Dhanka kale kooxda PSV oo weli rajo leh ayaa waxaa kulanka ay caawa soo dhaweynayaan kooxda Ruushka ee Rostov waxaa ka maqan Willems, Guardado  Hendrix iyo Locadia oo dhamaantood dhaawacyo kala duwan qaba.

Halka kooxda Rostov aysan jirin ciyaartoy si rasmi ah uga maqan inkastoo shaki la gelinayo taam ahaanshahooda xiddigaha kala ah Dzhanaev iyo Erokhin.

Shaxda Macquulka Ah Ee PSV Eindhoven v Rostov

PSV: Zoet; Arias, Moreno, Isimat-Mirin, Brenet; Pröpper, Siem de Jong, Ramselaar; Pereiro, Luuk de Jong, Zinchenko.

Rostov: Dzhanaev; Kalachev, Mevlja, Navas, Granat, Kudryashov; Gatskan, Noboa, Erokhin; Poloz, Azmoun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here