Fidel Castro 14 Jirkiisii Ayuu Madaxweynihii 32 Ee Maraykanka Weydiistay $10, Madaxweynihii 35-Na Waxa Uu La Galay Dagaal. Kamaal A. Cali

0
39
** FILE ** In a file photo Fidel Castro exhales cigar smoke during a March 1985 interview at his presidential palace in Havana. Ailing leader Fidel Castro resigned as Cuba's president early Tuesday Feb . 19, 2008, saying in a letter published in official online media that he would not accept a new term when the newly elected parliament meets on Sunday. (AP Photo/ Charles Tasnadi/file)

Maalintii jimce ee 25kii Noofambar waxaa lagu dhawaaqay geerida madaxweynihii hore ee dalka Kuubba oo ahaa nin shakhsiyaddiisu muran badan dunida oo dhan ka abuurtay muddadii uu xilka dalkiisa hayey iyo intii ka dambaysayba. Fidel Castro waxa aanay geeridiisu timid 53 sano iyo 3 Maalmood kadib geerida madaxweynihii ay sida aadka ah isu hayeen ee dalka Maraykanka John F. Kennedy.

 

Kennedy 9 sano ayaa uu da’ ahaan ka weynaa Castro waxa aanu madaxweynaha 35 ee dalkiisa noqday sannadkii 1961 kii oo uu Fidel Castro laba sano ka hor qabtay xilka raysalwasaaraha ee dalkiisa, isaga oo weli xilkii haya oo aan loo magacaabin madaxweynaha dalka Cuba ayaanay dhacday khaarajintii madaxweyne Kennedy.

Castro iyo Kennedy in kasta oo ay colaad ba’ani ka dhexeysay waxa ay iskaga mid ahaayeen meelo badan; waxa ay ahaayeen laba barwaaqo ku kor oo ka dhashay qoysas aad u hanti badan, aabayaashoodna lagu tilmaamo rag himilo fogaa oo riyadooda dhabeeyey. Labada hoggaamiyeba waxa ay jeclaayeen ciyaaraha, waxa aana lagu tilmaamaa laba nin oo u nuglaa caashaqa haweenka. Sida ay ku warrantay majaladda Forbes.

Kennedy in kasta oo mar ay la’taliyeyaashiisu u soo bandhigeen in dagaal lagu qaado dalkaas uu diiday, haddana marar badan ayaa uu ka fikiray sidii uu kursiga uga tuuri lahaa Castro qorshayaal uu arrintaas u galayna fashilmeen, si kastaba ha ahaato ee Castro ma’ uu dhicin ee inta uu xilkii uu Kennedy ku ogaa ka sii dallacay oo dalkii hoggaamiyey ayaa uu weliba muddo dheer sii noolaaday oo talinayey intii ay dalka Maraykanka Kennedy dabadii is beddelayeen 11 Madaxweyne.

Fidel Castro oo dalkiisa xukumayey 47 sano waxa uu ku noolaa nolol gebi ahaanteedba sir ahayd, sababo la xidhiidha ammaankiisa awgeed, waxa aanu ka badbaaday isku-dayo dil oo tiradooda lagu qiyaaso 600 oo jeer, sidaa awgeed xitaa muwaadiniinta caadiga ah ee reer Kuubba muddadaas iyo xitaa intii ka dambaysay markii uu xilka ka degey sannadkii 2008dii ma’yaqaannaan halka uu ku nool yahay iyo sida ay noloshiisu tahay midna.

Qormadan oo uu Geeska Afrika wakaalado wareed oo kala duwan ka soo qaatay waxa aynu ku eegaynaa 6 arrimood oo majaladda Forbes ka qortay noloshii gaarka ahayd ee Castro.

1. Castro waxa uu ku dhashay xarun ganacsi oo aad u weyn oo ahayd beer weyn oo lagu beero qasabka (Aalaha) laga sameeyo sonkorta laguna warshadeeyo. Waxaa lahaa aabihii Alejandro (Alekhadaro) Castro. Beertan oo cabbirkeedu dhamaa 5 Kiiloomitir oo isku-wareeg ah waxaa ka shaqayn jiray 400 oo qof.

Beertani ma’ay ahayn uun beer sonkorta laga beero oo keliya balse waxa ay ahayd xarun weyn oo leh qaybo kala duwan, waxaa ku yaallay dugsi waxbarasho, hudheel hurdo, baar cunto oo lagu caweeyo, suuq wax laga iibsado, boos (Rug) waraaqaha laga dirto iyo fagaare lagu qabto dagaallansiinta diigagga, (Waa dhaqan ka jira dalkaas in diigagga loo qabto tartan dhinaca dagaalka ah). Markii dambe beertaas waxaa laga dhigay Matxaf weyn oo lagu magacaabo Castro.

2. Sannadkii 1954 ayaa uu dab baabi’iyey beertan oo la sheegay in uu Alejandro ugu talogalay in ay ka dhaxlaan labadiisa wiil ee Fidel iyo Raul, laakiin beer isla tan oo kale ah oo dhammaan hawlihii ay qabanaysay ee beerista iyo warshadaynta sonkorta ahayd qabanaysa ayaa sannadkii 1974kii uu Castro ka sameeyey isla goobtii ay beertu ka gubatay.

3. Fidel Castro markii uu xilka qabtay waxa uu qariyey gebi ahaanba taariikhdaas ladnaanta iyo barwaaqada ahayd ee uu ku soo koray iyo in waalidkii uu ahaa maalqabeen, waxa aanu meel kasta ka sheegi jiray oo keliya, in awoowyadii ay ahaayeen beeraley uu ku shaqaysan jiray gumaystihii Isbaanishka (Spain) ee dalkaas haysan jiray.

4. Castro sida madaxweynihii Maraykanka ee John F. Kennedy ayaa uu aabihii ku daray dugsi uu ka helay waxbarasho aad u heer sarraysa, laakiin kaalmaha dhexe ayaa ay kaga jiray heerka waxbarashada iyo dhibcaha imtixaannada. Waxa aanu aad u jeclaa ciyaarta kubadda Laliska (Baseball), wax-akhriska iyo siyaasadda.

Castro isaga oo 14 jir ah ayaa uu warqad u diray madaxweynihii xilligaas ee Maraykanka Franklin Roosevelt oo ahaa madaxweynihii 32-naad, xilligaas oo markii saddexaad loo doortay madaxweynaha Maraykanka maadaama oo xilligaas aanay sharci ahaan xaddidnay muddada madaxweynuhu, waxa aanu u hambalyeeyey dib-u-doorashadii madaxweynenimada ee uu marka saddexaad ku guulaystay, waxa se’ xiise gaar ah lahayd codsi uu Fidel Castro qoraalka hambalyada raaciyey oo ahaa dalab uu madaxweynaha ka codsanayo in uu 10 Doolar ku caawiyo. Qoraalka warqaddaas oo uu Castro ku qoray Afka Ingiriisiga oo aad u jajaban, ayaa nuqul ka mid ah oo uu Geeska Afrika helay, Afsoomaalina u rogay uu u dhignaa sidan, “Mudane Franklin Roosevelt, Madaxweynaha Maraykanka.

Saaxiibkaygii fiicnaa ee Roosevelt:

Ingiriisi badan ma’aqaan, laakiin intaa aan kuu soo qorayo waa aan garanayaa. Idaacadda in aan dhegeysto ayaa aan aad u jecelahay, aadna waa aan u faraxsanahay, waayo waxa aan Raadyaha ka maqlay in aad madaxweynaha cusub noqon doonto mar kale.

Anigu 12 jir ayaa aan ahay, wiil baan ahay, laakiin waxa aan aad ugu malaynayaa, laakiin ila ma’aha in warqaddan aan u qorayo madaxweynihii Maraykan. (Waa sida ay warqaddu u qoran tahay).

Haddii aad jeceshay, waxa aad i siisaa Toban doolar oo ah warqadda cagaaran ee Maraykanka ah, waayo weligay ma’aan arkin toban doolar oo warqad ah, waxa aanan jeclaan lahaa in aan mid haysto.

Waxaa la iga helaa:

Mudane Fidel Castro”

5. Castro waxa uu dalka Cuba u talinayey muddo 49 sano ah oo uu 2 sano oo ka mid ah ahaa raysalwasaare, muddaasna dalku horumar badan ayaa uu sameeyey in kasta oo halkii uu gaadhi karayey aanu gaadhin. Laakiin Castro maadaama oo muddadaasba uu dagaal adag kula jiray dalka Maraykanka, boqollaal jeerna lagu sigay isku-dayo dil oo sirdoonka Maraykanka ee CIA du soo maleegay, waxa uu noloshiisa ku dhammaystay dhuumasho.

Isku-dayadaas dilka kuwii ugu sumcadda xumaa waxa ay ahaayeen:

– Isku daygii CIA du ay u qarisay sigaarka qarxaya, maadaama oo uu sigaarka nooca waaweyn ee (Cigar) loo yaqaanno oo dalkiisu soo saaro aad u cabbi jiray, waxa ay CIA isku dayday in ay malaggiisa ka dhigto.

– Sidoo kale waxaa mar si qarsoodi ah loogu sumeeyey caano uu cabbayey. Labada jeerba waa uu ka badbaaday.

Fidel markii uu xaaladdiisa caafimaad oo muddo dheer ka sii daraysay garwaaqsaday waxa uu xilka dalka u dhiibay walaalkii Raul Castro sannadkii 2008dii, waxa aanu galay nolol sir ah. waxa la sheegaa in uu deggenaa xarun milateri oo sir ah, taas oo ku taalla duleedka magaalada caasimadda u ah dalka Kuubba ee Hafaana.

6. Fidel Castro in kasta oo uu hore u ahaan jiray Kiristaan aaminsan mad-habta Kaatoliga oo uu ku soo barbaaray, haddana waxaa marar badan la maqlay isaga oo dhalleecaynaya kitaabka Baybalka, oo uu ku eedeeyey in uu isagu jideeyey oo ogolaaday in la cadaadiyo dumarka iyo dadka Afrikaanka ah ee madow. Laakiin marar kale ayaa uu ammaanay diinta Kiristaanka, waxa se’ uu sheegay in isagu uu yahay Diin-laawe (Mulxid), isaga oo sheegay in marka keliya ee uu ogol yahay in Kiristaan lau sheegaa ay tahay marka laga eego dhinaca samofalka bulsho oo uu sheegay in uu ku fiican yahay sida diintaasiba ugu fiican tahay.

7. Madaxweynaha dalka Kuubba Raul Castro ayaa ku dhawaaqay in maydka walaalkii Fidel Castro oo 90 jir ku dhintay la gubi doono iyada oo la fulinaya dardaarankiisii ahaa in aan la aasin ee la gubo. Weliba sida ay warar dheeraad ahi sheegayaan dambaska maydkiisa inta la qaado ayaa lagu daadin doonaa meel sir ah oo aanay cidi ogaan karin, taas oo ka mid ahayd dardaarankiisa.

8. Bishii Oktoobar ee sannadkii 1962kii waxaa dunida khatar geliyey muran diblumaasiyadeed socday 13 maalmood oo u dhexeeyey Quwadihii Maraykanka iyo Midowga Soofiyati, waxa aanu la xidhiidhay gantaalo Midowga Soofiyat ku rakibay dalka Cuba oo ah dhuunta kaga jira dalka Maraykanka oo uu goballada Maraykan qaarkood uga dhow yahay Maraykanka qaybo ka mid ahba.

Midowga Soofiyati oo ka cadhaysan Gantaalaha Balaastikada ah ee uu Maraykanku ku rakibay dalalka Talyaaniga iyo Turkiga oo isagu u dhow xuduudkiisa ayaa isna gantaallo noocan ah ku rakibay dalka Kuubba xuduudkiisa xiga Maraykanka oo uu ku jiheeyey. Dagaal adag oo diblumaasiyadeed ayaa qarxay waxa aanay dhowr jeer labada dal ku sigteen in ay awood ciidan isu adeegsadaan, oo weliba ay isugu hanjabeen Nukliyeer. Sidaa awgeed waxaa murankan lagu tilmaamaa in uu ahaa markii ay dunidu ugu dhoweyd in uu ka qarxo dagaal weyne saddexaad oo welibe markan Nukliyeer la isu adeegsanayo.

Fidel Castro tiir muhiim ah ayaa uu u ahaa dagaalkan, maadaama isaga oo daba socda colaadda ka dhexeysay Maraykanka iyo dabcan mabda’a shuuciga ah ee ay Midowga Soofiyati wadaagayeen uu ogolaaday in dalkiisa uu soo dejiyo cadowgii abid ugu weynaa ee Maraykan lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here