France: Raysal Wasaaraha Dalkaas Oo Ku Dhawaaqay Inuu U Taagan Yahay Murashax Madaxwayne.

0
74

Manuel Valls ayaa iska casiley xilkii Raysalwasaaraha Faransiiska, waxaana uu ku dhawaaqey in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha ee doorashada 2017.
Xisbiga Socialist ee uu ka tirsan yahay isla markaana talada dalka haya ayaa bisha Janaayo 2017 dooranaya musharaxa uga qaybgeli lahaa doorashada bisha Abril ee 2017.

y5

Manuel Vallas oo maanta oo Isniin ah gelinkii danbe qabtey shir saxaafadeed ayaa ku dhawaaqey Musharaxnimadiisa iyo in uu iska casiley xilka Rayslawasaaraha.
Waxaan doonayaa in aan waxkasta siiyo dalkayga France, kaas oo aniga wax badan ii qabtey ayuu yidhi Valls mar uu kaga dhawaaqey musharaxnimadiisa magaalada Evry, halkaas oo uu mar ka ahaan jirey Mayor.
Musharaxnmida Vallas ayaa ahayd mid la sugaayey, kadib markii xogtiisa laga heley ilo ku dhaw, waxaana sii xaqiijiyey kadib markii Madaxweynaha talada haya François Hollande uu ku dhawaaqey in uu ka harayo tartanka Madaxweynaha oo aanu mar labaad isa sharaxeyn.
Vallas ayaa waxaa ka horeeya ninka hadda haysta shacbiyadda badan ee ka socda Xisbiga midigta ee Jamhuuriga François Fillon, iyo haweeyenyda hoggaamisa xibsiga midigta fog ee cunsuriga ah National Front, Marine Le Pen.
Doorashada Faransiiska ayaa inta badan marta laba wareeg waxaana wareega u danbeeya ee doorashada lagu wadaa in la qabto 7 May 2017.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here