Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Oo La Sheegay Inuu Khilaaf Ka Dhex Qarxay+Sababta Dhalisay Khilaafka Iyo Xildhibaano Wada Mooshin Ka Dhan Ah Maayarka Degmada

0
71

(xogmadhafe)Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley ayaa sheegaya in xildhibaanada golaha deegaanada degmada Gabiley uu ka dhex qarxay khilaaf hor leh kaasi oo sababay in xildhibaanadu u kala jabaan laba dhinac.

Xildhibaanada ayaa waxay u kala jabeen laba dhinac oo qolona taabacsan tahay maayarka qoloda kalena kasoo horjeedo.

Xildhibaanada kasoo horjeeda maayarka degmada Gabiley ayaa ku eedeeyey maayarka inaanu wax wada shaqayna la lahayn isla markaana uu shaqadii golaha deegaanka uu isku madax duubay kaligii,sidoo kalena waxay ku eedeyeen in maayarku uu sameeyey kala xigtaysi dhanka xildhibaanada ah.

Waxaana wararku sheegayaan in xildhibaanada kasoo horjeeda maayarka degmada Gabiley ay wadaan mooshi ka dhan ah maayarka isla markaana ay damacsan yihiin inay xilka ka xayuubiyaan

Gabagabadiina khilaafka ka dhex qarxay golaha deegaanka degmada gabiley Ayaan la garanayn halka uu sal dhigan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here