Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad Ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo u Jawaabay Guddoomiye Cirro FEBRUARY 22, 2015

0
46

Gudoomiye-Baashe

Hargeysa (xogmadhaafe) Guddoomiye xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka jawaabay Qorshaha Gudoomiye Cirro iyo guud ahaan Asxaabta Mucaaradka ahi ku dalbatay in Golaha wakiilada iyo Xukumadda la kala diro wixii ka dambeeya 26-ka June.

Waxa uu ku dooday inaan meelna loo dhaafayn Dastuurka Somaliland haddii doorashadu dib u dhacdo, islamarkaana waxa lagu kala baxayaa yahay Sharciga dalka “Dalka Somaliland waxaa u yaala dastuur lagu xukumo, waxa ina kala wadaana waa Dastuurka”. Ayuu yidhi Gudoomiye xigeenku.

Guddoomiye xigeenku waxa uu sheegay in kala diriska Wakiilada ee Wakhtigan aanu Dastuurku saamaxayn “Golaha wakiilada sida loo kala dirayo waxaa fasiraya Dastuurka. Qodobka 56-aad Farqaddiisa 7-aad waxay sheegaysaa Golaha wakiilada sanadka ugu horeeya Muddo xileedkiisa lama kala diri karo. Waxa kale oo ay sheegaysaa inaan Madaxweynuhu kala diri karayn Golaha wakiilada sanadka ugu dambeeya Muddo xileedkiisa” ayuu yidhi Gudoomiye xigeenku.

Baashe Maxamed Faarax, waxa uu sheegay inuu jiro Qodob Sharci ah oo caqabad ku ah doorashada “Xukumaddu Muddo xileed bay leedahay, wakhtigeeduna wuxuu ku dhan yahay June. Haddii doorashada la qaban kari waayo si kasta ha ku timaadee, iyadoo dhul gariirna inagu iman, inagaa waxaynu dhiganay inaan doorashada lagu gali Karin Diwaangalin la’aan. Xisbiyada Mucaaradka ahi haddii ay doonayaan in doorashada la qabto June, ha soo jeediyeen in diwaangalin la’aan lagu galo doorashada, waana sidaas sida kaliya ee ay ku qabsoomi karto June”.

Gudoomiye xigeenku waxa uu ka marag kacay Eed Xukumaddu Golaha u jeedisay oo ahayd inaanay wali diyaarin xeerkii lagu dooran lahaa wakiilada “Waa Run oo Xeerkii maanu diyaarin oo diyaar maaha laakiin, xeerka waa la diyaarinayaa marka Golaha wakhtigiisa ayaa la diyaarinayaa,markaa dhibaatadu taas maaha ee waa Diwaangalinta Codbixiyeyaasha. Markaas Komishanka ayaa laga rabaa Jadwalka doorashada, golahanna diyaar ayuu u yahay doorashada mar alle markii la muddeeyo doorashada”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here