Hadaad Ilaahay Baryeyso Baryadaada Hagaajiso wax wanaagsana Ilaahay waydiiso Waayo Wakhtiyo ay Maqbuula tahay ducadu baa Jira

0
81


Qisada ugu Horaysa waxay ka waramaysa Nin Si aada u Sakaraaday Ka Dib Rasuulkaa Weydiiyay N.N.K.H.A Maxaad ilaahay ka bariday ama aad ku ducaysatay wuxuu yidhi ninkii ilaahay waxaan weydiistay Haday Ciqaabi igaga horayso aakhiro ilaahow aduunka iigu soo dedeji Nabi arrinkaa wuu uga Digay ummadiisa waxaanuu nabigu yidhi Ilaahay waxaad weydiisanaysaan wanaajiya waayo ilaahay waxaad ka dalbato wuu ku siinayaa sidoo kale Nabi Yuusuf ayaa ilaahay uga cawday inuu jeelkii lagu xidhay ku dheeraaday ilaahayna wuxuu ku yidhi SWT adigaa naga dalbaday wixii aad dalbatay baanu ku siinay hadii aad cafis dalbatana waa lagu siinayaa Ogow adoonkii/adoontii allow in Samirka uu ka danbeeyo shay adiga khayr kuu leh waayo yuusuf waxaa jeelkiisii uga Danbeeyay inuu Hantiyo Nidaamkii iyo Saldaladii iyo Boqortooyadii meeshii lagu xidhay aakhirkii ilaahayow risiqa u waasici cid walba oo dhegaysata fariintan Cida Fidisa ee adoomahaaga gaadhsiisana allahayow Janadaada Gee Walahu Aclam Wabilaahi Tawfiiq

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here