Halyeygu Waa Ninka Magiciisa, Hantidiisa, iyo Sumcadiisaba Ilaashada

0
47

rayiga dadweynahAsc
Waxaan aad u salaamayaa Saxaafada Madaxa Banaan ee ka Shaqaysa isu Gudbinta Afkaarta Bulshada Kuweeda Caafimaadka Qaba ee aan ka sheekaynayn Xiqdiga iyo Xasadka Diinteenuna Diiday Dhaqankeenana aan Raadka ku Lahayn.

Mar labaadka waxaa salaam Gacaltooyo Hawada u marinayaa Bulsha weynta soomaaliyeed Gaar ahaan Somaliland.

Waxaan doonayaa maanta inaan kaga hadlo Qoraalkaygan Hambalyo iyo Bogaadin Ku Socota Halyeyga Qarnigan Mr. Abdirashiid Mahamed Sa’eed Maamulaha guud ee shirkadaha Dahabshiil Group oo tiraba laba jeer Sharciga la tiigsaday Laba Duufaan oo lagu kiciyay Ganacsiga Caafimaadka Qaba ee shirkadaha Dahabshiil Group oo uu labadiiba ku muquuniyay Khibrad iyo Daacadnimo.

  1. Duufaantii Barclays Bank ee aan loo miidaanka deyin ee la doonayay reer galbeedku inay Danahooda ku meel marsadaan Xidhitaanka Accounts-ka Xawaaladaha kaas oo loogu tala galay in lagu cuna qabateeyo shacabka soomaaliyeed Arrintaas Halyeygii ka Diiray ee Heer Maxkamadeed oo Caalamiya la galay ee kaga guulaystay kuna  khasbay in Accounts-kiisu Si Sharciya uga Furnaadaan Barclays Bank  Wuxuu Ahaa Cabdirashiid Dahabshiil
  2. Duufaantii aan sal iyo raadka toona lahayn ee Dahir Abdulle Alasow uu kaga been abuurtay shirkada Dahabshiil kaasoo ku eedeeyay inay shirkadu xidhiidh la leedahay Kooxaha Xag jirka ah ee Al-shabaab iyo inay shirkadu ku dhex qasantahay Siyaasad taasoo uu Gudoomiyaha shirkadaha Dahabshiil uu Maxkamad la tiigsaday Saxaafad ku sheega Isbaarooyinka aan loo miidaanka dayin ka samaystay Internet-ka ee uu kow ka yahay Dahir Cabdulle Calasow kaasoo uu kaga guulaystay 16 Dec 2014 Dalka Netherland.

Haddaba waxaan leeyahay Hambalyo Mudane Abdirashid Duale oo ah nin u guntaday badbaadada shacabka soomaaliyeed oo 80% ku nool Lacagaha ay soo diraan Dadka Qurba jooga ah taasoo labadan Programme  ee ka dhanka ahaa shirkada Dahabshiil ay Halis ku Ahayd Shacabka Soomaaliyeed Gudo iyo Qurbeba Shirkadaha Dahabshiil Group waa shirkad ay leeyihiin dad soomaali ah oo wadaniya Ganacsiga sheyga la yidhaahdana ma leh Xad ama Dal Dee Hadii dadkii uu dhalasho ahaan ka soo jeeday mabda’ qaateen maaha in lala xidhiidhiyo Mabda’a Dadkiisa Ganacsiga Dalka iyo dadka waayo Somaliland-ba waxaa ka shaqeeya Shirkado laga leeyahay Somalia Laakiin dadka Somaliland waa gobta soomaalida Waana Dadka Gartay 24 sano ka hor badbaadada dadkooda iyo dalkooda.

Degelada Budhcadnimada loo samaystay ee Solja iyo Suna times ayaa Noqonaya Goobo laga Weeraro Ganacsiga Shakhsiyaadka ka soo Jeeda Somaliland iyo Shirkadaha wadaniga ah ee Somaliland Tiraba waa Weerarkii Saddexaad ee ay u Geysteen Shirkado laga leeyahay Somaliland.

  1. Qaran Express
  2. Daalo Airline
  3. Dahabshiil Money Transfer

Budhcadnimadu waa shay ay Diiday Diinteena Suuban iyo Dhaqankeena Haboon Bal ila eega Ceebta ka ka raacday Dahir Calasow Budhcad Internet-kii

hhhhj

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here