Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Ka Jawaabay Eedaymo Uga Yimi Wasiir Cali Mareexaan Iyo Musharax Tarsan Oo Ka Sharaxan Somaliya

0
34

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaardka ah ee WADDANI Ex wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Gordhaweeyd Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa  ayaa ka jawaabay eedo uga yimid Wasiirka Hawlaha Guud iyo guryaynta Somaliland Cali Mareexan kaasi oo uu Cali Mareexaan sheegay inuu la wareegay dayn dhan 5 milyan oo Dollar ah markii uu la wareegayay Hayada Wadooyinka Somaliland,Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay inaanay jirin deyn iyo xil uu ku wareejiyaay Cali Mareexan balse uu xilka ku warejiyaay wasiir Maxamuud Xaashi oo ah wasiirka madaxtooyada somaliland waxaanu meesha ka saray inay jirto dayn uu kaga tagay Hayda wadooyinka Somaliland.

Waxaanu sidoo kalena sheegay Ex Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadda ah hogaamiyaha xisbiga WADDANI  inay jirto lacago ay lahaayeen Shirkadiihi qandaraska la siiyay oo marba qayb loo sii dayn jiray taasi oo uu sheegay inaan ilaa hada la bixinin lacagtaasi, waxanu carabka ku dhuftay inuu  diyaar u yahayn in baadhitaan Madaxbanaan lagu sameeyo hadii lagu helana uu xabsiga isagu is-gaynayo

Geesta kale Xirsi Cali Xaji Xasan waxa uu ka jawaabay Hadal ka soo yeedhay dhawaan musharax Tarsan oo wakhtigan u sharaxan madaxtinimada Dalka Somaliya waxaanu sheegay inaanay jirin meel ay isaga iyo Tarsan ku kulmeen oo ay kaga wada hadaleen Midnimada Somaliya waxa uu gudiga uu ka midka ahaa ee wada hadaladan ka qayb galayay uu sheegay inay ku adkaayeen Madaxbanaanida Somaliland.

Dhanka kalena hogaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa waxa uu ka warbixiyay ujeedada safar uu dhawaan ku tagay isaga iyo wafti uu hogaaminayaa deegaanada gobolada bariga Somaliland iyo waxyaalaha ugu yaabka badnaa ee uu kusoo arkay inta uu kormeerka ku jirey,waxaana uu xusay isla markaana xisbiga KULMIYE ugu baaqay inaan wakhtigan loo baahnayn olole balse loo bahaan yahay in loo gurmado dadkaasi.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here