‘Khayraadka Dabiiciga Ah Ee Ugu Weyn Somaliland Waa Maskaxda Qalinjibiyeyaasha Dalkeena’ FEBRUARY 17, 2015

0
104

allawu

Gabilay (Xogmadhaafe.news)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa casho sharaf u sameeyay ardayda dufcaddii labaad ee ka qalin-jabisay jaamacada Timacadde University ee magaalada Gabilay, xafladaasi oo ka qabsoontay hoolka shirarka Jaamacada.

Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ardayda kala hadlay munaasibadaasi casho sharafta ah ayaa u rajeeyay dhalintaasi ku soo biirtay saaxadda aqoonyahanka reer Somaliland in ay noqdaan kuwo wax wayn ka tari doona dhinacyada horumarka iyo nabadgelyada dalka.

Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu arrintaasi kaga hadlay oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Internetka ee Guusha.com, qoraalkaasi oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:-

“Khayraadka Dabiiciga ah ee Uugu Weyn Somaliland waa Maskaxda Qalinjibiyeyaasha Dalkeena, “Our greatest Natural Resource is the Minds of our Graduates”

Waxay ahayd xalay kadib markaan kulan casho sharaf ah la qaatay dufcadii labaad ee ka qalinjabiya Jaamacada Timocade University ee Gabiley

Waxay ahayd madal sharfan oo aan helnay 64 “Afar iyo Lixdan” qalinjabiye oo ku soo biiray saaxada Somaliland oo dabcan wax badan ka tari doona dhinacyada horumarinta iyo nabadgelyada.
Waxaa run ah in noloshu halgan tahay aqoontuna hub, waan ku faraxsanahay in tiro intaas leeg oo ku hubaysan aqoon iyo waayo-aragnimo aynu maanta ka Somaliland ahaan inoo soo kordheen.

Uma cabsi iyo welwel qabo aqoonayahan kaashanaya ILLAAHII uurka hooyadii ku arzaaqi jiray oo maanta u soo baxay nolosha wajigeedii labaad kadib sanado badan oo uu ku jiray halgan waxbarasho.

Waxaan ku boorinayaa in ay noqdaan halyeeyo u heelan horumarinta dalkooda iyo dadkooda oo ay rumeeyaan hamigii laga lahaa.

Ogow, waxaad wax ku helaysaa hadba hamiga aad nolosha ka leedahay, oo waxaan xasuusnahay sheekadan.

“Laba wiil ayaa waxaa isa soo barbar taagay gaadhi qurux badan oo wiil dhalinyaro ah wato, kadib wiilashii ayaa waydiiyey halka uu gaadhigan ka keenay, wuxuuna uugu jawaabay “Walaalkay ayaa ii iibshay”

Labadii wiil waxaa ku soo kala dhacay labadan fikiradood

A. Waxaan jeclaan lahaa in aan yeesho walaal gaadhi ii iibsha

B. Waxaan jeclaan lahaa in aan noqdo walaal gaadhi walaalkii u iibsha

U fiirso, labadaas hami ee ay labadaas wiil kala lahayeen, waxaa dhab ah in labadaas hami noqon doonaan kuwa noloshooda is dhaafiya midna ka dhigi doona mid wax bixiya midna wax qaate!
Waan idiinku hambalyeynayaa in aad maanta yeelateen baalal aad ku duushaan si aad nolosha heersare uga gaadhaan waayo qof bilaa aqoon ah waa sida shimbir bilaa baalal ah “A person without Education is like a bird without wings” Wa Bilaahi Tawfiiq”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here