Kooxda Hobolada Geyiga oo Sir iyo Caadba ula Hadlay Siyaasiyiinta Qaranka Somaliland

0
236

 

Taranta Aayaha Danbiyo
Tagoogaha kuwaa ku jira
Tilmaansada yaan Idhaahdaa

Waa Tuduc ka mida Heesta laga hor qaaday Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Wadani ahna Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Tuducan oo tilmaamaya in kuwii hore iyo kuwa Maanta Joogaba aanay Taariikh iyo Tusaale midna uga Tegin Shacab weynaha Somaliland.

Kooxda Hobolada Geyigu waxay si Buuxda u Hageen Bulshada iyagoo Tusmo uga Dhigay Umadda Tuduc aad ii Qiira Geliyay oo ay ku Tilmaamayeen Dabinka Siyaasiga iyo Mooganaanta Shacabka bal ila Eeg.

Ma Adaa Tukayaal Korsada
Wax kale kama Taransatide
Dhawaaqooda uun Tirsada

Waxay Shacab weynaha Somaliland Maanta Dareensan yihiin inay Hanteen Koox Faneed ka Dhiidhida Dabinaday Maleegayaan Siyaasiyiintu kuwaasoo Si Cad Umadda ugu Tilmaamay Habacsanaanta Siyaasadeed iyo Hogaan La’aanta Baahsan ee la Deriska ah Dad Weynaha Hurdada Dheer ka Galay Aaya Ka Talinta Mustaqbalka Ubadkooda iyo Dalkooda.

Waxaan ku Gunaanadayaa Maqaalkaygan Maanta Tuduc ka Mida Tuducyada lagaga Hor Heesay Qaar ka Mida Siyaasiyiinta Somaliland Kuwaasoo u Arkayay inay Kooxda Hobolada Geyigu u Heesayeen Ololaha Dhagaraysan ee ay Shacabkooda la Gaadayaan oo si lama Filaana isugu Rogtay Iyaga.

Dadyow loo soo Tashaday
iyana sii kala Tashaday
intaad Tashataan Maruun
Xaqaad Weli Tabanaysaan
inaydun Tilmaansataan
Miyaad ka Talaalan tihiin
inaydun Tilmaansataan
Miyaad ka Tanaasusheen

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Heesta iyo Midho Is Macnaynaya Kana Akhriso Mudane Ciro Wejigiisa Wuxuu ka Dhex Fahmay Fariinta Fanaaniinta Hobolada Geyiga Mahadsanidiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here