Kooxdii Af-duubatay Laba Gaadhi Oo Raashin U Siday Ciidamada Qaranka Somaliland Oo La Aqoosaday+Sababta Ay U Afduubeen Iyo Deegaanka Ay Hadda Ku Sugan Yihiin

0
32

Laba baabuur oo raashin u siday ciidamada qaranka Somaliland isla markaana todobaadkii hore lagu afduubay meel labaatan  kilometer  u jirta tuulada Samokaab ee gobolka togdheer ayaa la sheegay inay labadii baabuur ee raashinka  u siday ciidamada qaranka Somaliland lagu hayo degmada lagu magacaabo Geed-dheer oo koonfur galbeed ka xigta magaalada Widh-widh ee gobolka Buuhoodle.

Wararka aanu ka helayno labadaasi baabuur ee la afduubay 4-tii bishan aynu ku guda jirno lagana afduubay tuulada Samokaab ee gobolka Togdheer ayaa waxa la sheegay in kooxda dableyda ah ee gawaadhidan af-duubatay ay ku andacoodeen inay u haystaan gaadiid lagu qabtay dagaalo ka dhacay degmada Xudun ee gobolka Sanag muddo laga joogo saddex iyo ilaa afar sanadood.

Saraakiisha ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan deegaanadaasi ayaa la sheegay inay wada hadal la fureen kooxdan afduubka u gaysatay labadan baabuur ee raashinka u siday ciidamada qaranka Somaliland isla markaana ay ka wada hadlayaan sidii loo soo dayn lahaa labadan baabuur oo ay leeyihiin dad shacab ah balse raashin u siday ciidamada qaranka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here