“Ma Jiro Wax Hub Ah Oo Aanu Ku Qabanay Berbera” Booliska Saaxil

0
58

Ciidanka-Booliska   xogmadhaafe[XDH] Taliye ku xig gobalka Saaxil, Jaamac Ismaaciil Xuseen, ayaa beeniyay warar ay qoreen mareegaha internet-ka qaarkood oo sheegayay in Booliska Saaxil qabteen hub tiro badan oo sharci darro ah.

Taliye ku xigeenka qeybta Boolisku waxa uu warkaasi ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah.

“Warka mareegaha Internet-ka lagu baahiyay ee sheegaya in ciidamadda booliska Berbera hub ay qabteen, waa warar been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, cida baahisay wararkaasi amaanka lagu waxyeelaynayo waan ku daba jirnaa taallaabo sharciga waafaqsanna waanu ka qaadi doona,”ayuu yidhi Taliye ku xigeenka qaybta booliska ee Saaxil oo xalay wargeyska DAWAN khadka Telefoonka kula xiidhiidhay.

Waxaanu intaasi ku daray “Guud ahaan amniga gobolka aad ayuu u fiican yahay wax dhiba ahina kama jiraan. Waxaan ugu baaqayaa warbaahinta inay iska hubiyaan wararka waxba kama jiraanka ah ee ay baahinayaan.”

Ciidanka-Booliska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here