Maalinta Dhagax Tuurku,waa maalin ku suntan Qaranimada Somaliland, waa maalin mudan in la xuso , la xasuusto , taariikhdeeda la qoro, Iskuuladana lagu dhigto

0
48

 

Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan walaalayaal Allaha awo odda leh ka baryayaa ,inuu dhammaanteenba innaga  yeelo kuwii if iyo aakhiraba liibaana , na xariistiisa & Jannooyinkiisa qaaliga ahna ku abaal mariyo.

 

20 February, oo aynu sannad walbba xusnno sannad guuradii ka soo wareegtay maalintii arda yda Dugisyada Sare ee magaalada Hargeysa, ay dhagaxa kala hor tageen askartii hubaysnay d ee dhagar qabihii Siyaad Barre,waa maalin mudan in si weyn loo xuso,la xasuusto,taariikhd eeda la qoro , Iskuuladana lagu dhigto.

 

Haddii waqtigu ii saamaxo,Allaha awooda lihina Nafta igu simo, waxaan si kooban isku dul taagi doonaa maalintaasi halka aan ku sugnaa, jawiga magaalada Hargeysa iyo mashaqadii halkaa k a dhacday.

 

Waxaan ka mid ahaa ardaydii Dugsiyada Sare ee joogtay markii Maxakamadda la keenay Maca llimiintii,Dhakhaatiirtii,Aqoonayahanadii ee dhallinyaradii UFO,ee xaq darrada lagu soo xidh xidh ay,iyadoo sabab looga dhigay , maxaad uga damqateen dhibta iyo caddaalad da rrada lagu h ayey shacabka.Tusaale ahaan , waxaan u soo qaadan karnaa Cusbitaalka we yn ee magaalad a Hargeysa iyo xaaladda murugada leh ee uu ku sugnaa waqtigaa, xaqiiq adiina ahayd arrin a ad looga damqado,laga gil gisho,laga murugoodo.

 

Waxay ka mid ahayd sababaha keenay in dhalinyaradii UFO , ay u guntadaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen baahida muuqata ee aan indhaha laga qarsan karin,ee bulshada la ga cuna qabateeyey inay helaan adeegii aasaasiga ahaa ee nolosha Baniaadamku u baahnayd … Dawo aad u doonato daayoo,nadaafad darrada, tayo xumada,urta & dayactir la’aanta ka muuqatay ,ayaanay nafiba kuu qabateen, haddii aad waqtigaa Hargeysa ku noolaan lahayd.

 

Dhacdada Dhagax Tuurka ee 20 February,1982, maaha mid qoraal kaliya lagu soo koobi karo,w axaanay ahayd maalin hugunka iyo rasaasta dhawaaqeedu magaalada Hargeysa wada gaadh ay,qaacuna cirka isku shareeray,dhimashada iyo dhaawucuna tirada ka batay , talana far aha ka haadey . Jaha wareerkaa iyo niyad jabkii maalintaa ku dhacay Daalimiintii Ciidankii Siyaad B arre, waxay naf la caaridkii miciin moodeen in Bandoo (Curfew), lagu soo rogo magaalada Har geysa ,oon guryaha laga soo bixi karin…..Somalidaa waxay ku maah maahdaa,” Nimaan waran kaagu gelin , weedhaadu ma gasho,” waana maalintii Ciidamadii keligii Taliyihii Afweyne Barre , Umulo dooxii,Dhiigyo cabkii,Basaasiintiisii, iyo Damiir lawayaashiisiiba, ay yiqiin sadeen in aan a mar ku taaglayntoodii, hadda ka dib aanay socon doonin,shacabkuna u dul qaadan doonin Xun kii Xunku dhalay, dhagaxii xaq u dirirkuna , ka dhumuc roonaaday rasaastoodii !!!.

 

Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelkii ,qaraabadii iyo shacabka Somaliland,ee ardaydii iyo dhammaan shacabkii ku shahiiday maalintii Dhagax Tuurka,waxaanan ilahaay uga bary ayaa inuu naxariistii janoo Fardwasa ka waraabiyo.Waxaan kale oo aan tacsi gaar ah u dirayaa, qo yskii uu ka geeriyooday, Ilaahay naxariistii janno Fardawsa ha ka waraabiyee , marxuum Barre Xaaji Cilmi Axmed ( Badho),oo aanu aqoon badan isku lahayn ,kana mid ah aa ardaydii Dhagax Tuurka , ee u geeriyooday dhaawacii rasaastii askartii dhiigyo cabku sida arxan darrada ah ay ugu furayeen ardayda iyo shacabakaba.

 

Anigoo fursaddan ka faaiideysanaya, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan dh alinyarada Somaliland,waxaanan leeyahay mustaqbalka dalkeenu gacantiinna ayuu ku jiraa, u guntada ,u shaqeeya , difaaca , ilaaliya , kuna dadaala inaad adkaysaan Nabad gelyada  iyo Qaranimada Somaliland ee aynu naf iyo maalbba ku bixinnay.20 February, oo ay nu xusnno sannad walbba sannad guuradii ka soo wareegtay maalintii ardayda Dugisyada Sare ee magaalada Hargeysa, ay dhagaxa kala hor tageen askartii hubaysnayd ee dhagar qabihii Siyaad Barre,w aa maalin mudan in si weyn loo xuso , la xasuusto , taariikhdeeda la qoro , Iskuuladana lagu dhigto.

 

Waxaan idinku dhaafayaa Maansadii Taarikhiga ahayd ee magaceedu ahaa Hambabber ama H argeysi ma toostay, ee 1982 uu tiriyey Abwaanka weyn ee Maxamed Ibrahim Warsame (Hadr aawi), kuna sahabsanayd dhacdada Dhagax Tuurka:

 

 

 

 

Habeenada weysha

Dhurwaa habarteeda

Dorraad ku hiraabtay

Haan-haabadka naaska

Haaneed ka deyeysa

 

*****

Nirgaa hugun yuuska

Halkii lagu ooday

Hammuunta ka yaw leh

Riyaa hoganaaya

Idaa tuban heelka

Cadceedda hagoogtey

Haleelada weydda

Dhaqaaq hidin waaga

Hareeriga taagan

Dantaa ku habsiisey

Inay hakadaane

 

*****

Dhulkoo hanad joogo

Intaan gadadh heerin

Ka sii degin heerka

Hadeer la yaqaano

 

*****

Intaan habqan beeshu

Huluulaha oodan

Ku saan go’in hawdka

Intaan habac jiitan

Badhkeed ku hallaabin

Markay habaq baahdo

Dugaaggu hilbaysan

Intaan hawa boodka

Fardaa higil raacay

Kuwii higsanaayey

Hummaaggu ka reebin

Xayeeshku habaabin

Intaan halladaadka

Hayaanku is waayin

Habeenku dhex qaadin

Hadhow la shallaayin

Hadaadunka naaftay

Sidii habas daalka

Hawaarsadey ciidda

Anaa hiddiddiida

Hobey hobe hooda

Durbaankiyo heesta

Ku soo hoga geyne

Adaa hal abuurka

Tixraaca ha’leyda

Ujeeddada hoose

Hawaala yaqaane

Haruu orod Faarax

Horweynta jiciirtay

Hadhaaga u jooji

 

*****

Haydaartiyo doogta

Hantaaqada ciilka

Dareenka huqdiisa

Qamuunyada haarta

Caloosha hugmaysa

Hiirtaanyada raagtey

Dhinbiisha hulaaqday

Dabkaan hurin doono

Colkaan humin doono

 

*****

Hargaa igu laalan

Dhowaan henggel baasta

Ninkaan huwin doono

Sabaanka hagaagey

Barwaaqada hoortay

Daruur iyo heego

Waxaa hogol gaaxsan

Hadhaysay dushayda

Harooyinka buuxa

Hoobaanta bislaatay

Haraaciga daadka

Caleenta hiraysa

Indhaa halacdooda

Hibaaqiyo laaca

Naftayda hankeeda

Waxay hibanayso

Haddii wedku daayo

Inay heli doonto

Anaa huba taase

 

*****

Hambaaber dhowaanta

Dareen ma hurdaana

Dagaal wata heeso

Hidday u lahayde

Hargeysi ma toostay

Hogaanka ma diiday

Harqoodka ma tuurtay

Inaanay hummaaga

Hadoodilan yeelin

Sidii hebel geel ah

Heshii Nebi Saalax

Horaadada dhiibin

Hankeedu ma siiyey.

Waxay hibanayso

Ninkay la hadlayso

Hagaag ma u sheegtay

Hadday sama weydo

Inay hantideeda

Nafteeda hurayso

Hubaal ma caddaysay

 

*****

Allaylehe waa hog

Shax aan la hilmaanin

Malaa Hugur tiisa

Waxaabu u haystey

Inaan hayal toosan

Harraatii aqoonne

Maskii Hilqadaale

Ma soo hardaf boodey

 

*****

Horaanse u sheegay

Inaan hadda beeshu

Hadhiimo ahayne

Haddeer waxa jooga

Hadmaan ka afeeftay

Hasaasaha muuqda

Wallee hagar daamo

Falkaagu habeensay

Higlooy gabbalkaa dhac

Hangaalli hungaalli

Hegaan hega gaalli

Hunjaalli hantoolli

Bidhaan had-hadowga

Hiwaali hahoodka

Jibaanjib hunnuunnu

Huraalka hiraalka

Hambaaber mardaali

Hadeedab mardaadi

Kallaal himbiriirsi

Hawaawir hayaayir

Sadaad herimooya

Hunnnuushle hannaashle

Sareedo hamboori

Hankooble hayooshe

Falaad habbabbaale

Hanquusle halowle

Garaad himhimowle

Hayaayub xumaanta

Humbaalle dhaqaaqa

Hallaallimo soofka

Hallaasiga sheelka

Harawsiga qaawan

Hiliiliqa jeexa

Higiishis boqoolka

Galbeed hiyi raaca

Maraykan ku hiilka

Shirqool la hadaafka

Habheeb alalaaska

Hinraag qayayaabka

Haraaryada neefta

Hantaatac ergeynta

Hagaas caga jiidka

 

*****

Walaaac haghagoodka

Tawaawac higgoodka

Hamuun taltalawga

Calaacal hungowga

Heshiis macaluulka

Hunfey salsalaaxa

Hinfaal wax u sheegga

Wasiiro habaynta

Hoggaanno samaynta

 

*****

Hadhuubada daatay

Hareero ka leefka

Jalbeebta hal leyda

Rogaal halalleyda

Hamaal shaqalkeeda

Higgaadda shanlleyda

Halkaan ka abbaaray

Hadhauudhku Carraale

Huftoo hufmi waaye

Maxaad kala haadin?

Intaas haqab beelka

Hadhoodho horteed dheh

Hal baase xasuus ah

Nin tiisa u heellan

Haddaan taladayda

Hayaankiyo beesha

Hoggaami idhaahdo

In taydi haallawday

Annaa huba taase

Hadhow iyo fullan

Waxaanan huraynin

Inaan hadda yeelo

Ayaa ka hagaagsan

Qabiil ku hadaaqa

Hobsheyntiyo faanka

Masayrkiyo haybta

Hinaase la boodka

Holayntiyo maagga

Hirrooda qab dhaafka

Tollaay hebel meeyey

Sidii horror waalan

Hilbaa igu yaalla

Halgaad kula duulka

Colaad hurgumootey

U sii hangagaarka

Heleysada dhiiggu

 

*****

 

Markuu heleleyda

Sidii harawaati

Hamuun tiro ciidda

Dagaal lagu hoobtay

Halyey ku idlaaday

Ka soo hindiwaaska

Tabaalada huursan

Hangoollada qaybta

Fulaa halistiisa

U sii gacan haadsho

Halkay godobtaydu

Ka soo hullanayso

Ninkay huntutuulka

Ku soo hullaanayso

Inaan dib u haybsho

Hillaabta ka qaado

Ayaa ka hagaagsan

 

*****

Shirqool hadiwaaga

Hiqlaynta riyaaqa

Hubsiino la’aanta

Haloosiga luuqda

Hawaawi la boodka

Hanuun la jibboodka

Dhurwaa halab saarka

Waraabe u heeska

Hufnaanta kashayda

Nin aan hibo saaray

Xariir ku habsiiyey

Markuu hal haleelka

Sidii hurin yey ah

U soo hal haliilo

Anoo hadhsan waayey

I soo hungureeyo

Inaan hanqalkayga

Sidii habla weynta

U soo rogo hoosta

Inaan af-lahaarka

Harraati ku diido

Ayaa ka hagaagsan

 

*****

Hanraawe I boobay

Markuu iga haago

Inuu hadhadaydu

Hafeefta xanuunka

 

*****

Markay hurgumooto

Hoosaaso afuufo

Halbawlaha kayga

Sidaas kula hoydo

Nin haad I cunsiiyey

Inaan horror siiyo

Ayaa ka hagaagsan

Hawraar iyo sheeko

Haween laga reebay

Beraa habar guurtey

Hayaan rarygeeda

Culaab iyo haamo

Waxay hilif saartay

Haldhaa kici waayey

Hiyeeda gadh jiidka

Markuu hollan waayey

Ayey hindiskeeda

Halaanhal ku keentay

Midaan kolkaa haabka

Markaa lagu haynin

 

*****

 

Waxay tidhi “Hoogey

Hayaay Cabdi-Qaadir

Hareer qabo awrka”

Markuu hayinkeedu

Hagaag isu taagey

Ayey tidhi ” haakah”

Hebloo gabanteed ah

Hilowna basteeda

Malaa u han weynna

Karaamadan hiirta

Ku soo hormanaysa

Hilmaanina weydey

Wadaadka hoggiisa

Ka soo hangallaystay

Siduu ugu hiishey

Ayaa tidhi “hooyo

Muxuu horta sheekhu

Inoo yahay haybta”?

 

*****

Waxay tidhi “heedhe

Hibooy ratigeennu

Markuu hingan waayo

Ayaan huriwaaga

Haleel cuskadaaye

Habeen ma wadaagno

Haddaan magaciisa

Dantaydu higgaadin

Ma soo hadal qaado”

Ujeediyo haatan

Nin tiisa u heegan

Halyeynimadiisa

Hashiisa ku dheelmay

Iddiisa ku hoystey

Inuu hantidayda

Habaynta xilkayga

Dhismaa hodankayga

Hiddaa sharafkayga

Waxaan nolol haysto

Horsed ka ahaado

Ka haayir idhaahdo

Ayaa ka hagaagsan

 

*****

Hashayda nin maalay

Markuu hordhaceeda

Habniin kaga daalo

Inaan hanbadiisa

Hafriinyaha beenta

Habeedda qalaysan

Ku hoorsado weelka

Gobaad ka hillaabto

Inaan ku hagoogto

Ayaa ka hagaagsan

Anoo qaba hawsha

Habeen iyo maalin

Intaas sida heeryo

Habaaska I fuushan

Inaan ku hungoobo

Hulleeka madhnaanta

Hamaansiga quusta

Hamuun la carrawga

Heshiis ku ahaado

Naftayda ka hiisho

Hugaas doqonniino

Hurrow nin I saaray

Inaanan u hoogin

Calaacal harraaddan

Xaqayga ku haybsho

Ayaa ka hagaagsan

 

*****

 

Habkii xidinxiidka

Dugaag huwantiisa

Horyaal ka ahaaye

Markii hankakoobka

La soo helay guusha

Libtii lala hoydey

Tukaa yidhi “hoy day

Hashaan qalay saami

Hagaagna u qaybi

Hadhowna I toosi”

Tukow hayedaadu

Waxbay huwanayde

Dantiisa ka haybi

Qorshii hiyigiisa

Halkay talo joogtay

Ka sii wadey hawsha

Ninkiina hilmaanyey

Saqdii dhexe hawda

Ninkii hurdey toosyey

Hareeraha eegyey

Raqdii ku hungowyey

Hanqaar warwareegga

Hankaag jaljaleeca

Haqdii samri waayey

Tukii hanfariirka

Waldeys kula haadyey

Gar laysu hankaabsey

Hamuun gorayaale

Ninkii Halac-dheere

Wuxuu yidhi “hoy war

Intaan hana qaaday

Hadeer iyo caawa

Haddee weligayba

Inaanan hanbaynin

Horaad u ogayde

Maxaad igu hiifi” ?

 

*****

Ninkayse ka hoostay

Mar bay hawireene

Ka soo kabey haarta

Bahaysiga haadda

Hilbaa cuniddooda

Habeen gama’iisa

Inaanu haweysan

Ayuu han fogaanta

Halkii kaga dhaartay

 

*****

Ujeeddiyo haatan

Rag waa hal adayge

Heddeyda wedkeyga

Inaan habalyeeyo

Tubaa halaq yaalka

Hog laygu qaniiney

Ku sii hiradkiisa

Ka haari agtiisa

Ayaa ka hagaagsan

Haddaanan haddaanan

Haddaanan dhawaaqa

Hireyda wireyda

Hayaay ka kacayda

Jahaadka Hargaysa

Barbaartu hagayso

Haweenka godoodey

Ka qayb gelin hawsha

 

*****

Haddaanan haddaanan

Intii isku hiila

Hargaysiyo Bayla

Intii la hal maasha

Bakool hilinkeeda

Heeraarta Kismaanyo

Ilaa Hobyo geynin

Hiiraan u tallaabin

Runtay la hudmeene

Haddaanan haddaanan

Sidii hanqar yeedha

Hillaac iyo maayad

Dhulkoo dhan hadhaynin

Banaadir ka heesin

Wixii hurda toosin

Halyeyada ciilka

Ka haajirey ciidda

Halkay talo joogto

U sii farin haadda

 

*****

Haddaanan haddaanan

Waxaan huro caawa

Dhammaan huga xaaska

Hayla maryahayga

Sariirta hanbaadha

Kuraasta hagoogan

Ashuunka hunbuuca

 

*****

Haraaq iyo haadyo

Waxaan jaqaf haysto

Haddaanan xaraashin

Waxay hanti goyso

Intaan hub u siiyo

Dadkayga habaynin

Dagaal u hormaynin

La soo hadhin guusha

Hawraartiyo luuqdu

Cabdow hadalkaygu

Hawaawi kac weeye

Ninkii hebel miihi.

 

Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)

20 February,2015

– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Ra-yiga-Dadweynaha/Maalinta-Dhagax-Tuurkuwaa-maalin-ku-suntan-Qaranimada-Somaliland-waa-maalin-mudan-in-la-xuso-la-xasuusto-taariikhdeeda-la-qoro-Iskuuladana-lagu-dhigto.html#sthash.MxLzHIWh.dpuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here