Madaxwaynaha Oo Istiqaaladii Ka Aqbalay Wasiir Kuxigeenka Kalluumaysiga Cabdiqaadir Maxamuud Warsame

0
111

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu ka aqbalay Istiqlaaladii uu u soo gudbiyey Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee uu Madaxweynuhu dhawaan xilkaa u magacaabay. Madaxweynuhu waxa uu (Insha Allah) dib ka soo magacaabi doonaa masuul ku haboon isla markaana hanan kara xilkaa Qaran.

Madaxweynuhu wuxuu Istiqlaalada masuulkaa kaga jawaabay sidan soo socota:-

1

Ku:           Mudane, Cabdi-qaadir Sheekh Maxamuud Warsame

                 Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka                         Badda

Og:          Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

Ujeeddo:  Aqbalaad Istiqlaalad Xilka Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

Mudane,

In muwaadinka loo magaacaabo xil qaran si uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu adeego waa sharaf iyo maamuus. Haddaba, aniga oo ka duulaya habsami u socodka hawlaha baaxadda leh ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda waxa soo dhaweynayaa cudurdaarka iyo go’aankaaga ah inaanad qaban karin xilkaa kor ku xusan. Sidaa darteed, mudane waan kaa aqbalay istiqlaaladda aad ii soo gudbisay waxaanan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.

ALLAA MAHAD LEH

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here