Madaxwaynaha Somaliland Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Saaka Dib Ugu Soo Guryo Noqonaya Magaalada Hargeysa

0
55

(xog news)Waftigii uu hogaaminayay madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” isla markaana mudooyinkii u danbeeyeyba socdaalka ku marayay deegaanada gobolada bariga Somaliland ee ay abaartu saamaysay ayaa waxa saaka dib ugu usoo guryo noqon doonaan magaalada Hargeysa.

Waxaana waftigan madaxwaynaha naloo sheegay in ay xalay seexdeen magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil kadib markii uu waftiga xidhay oo uu xanibay daad kusoo rogmaday dooxa way nee Dacar-budhuq taasi oo sababtay inay waftigan madaxwaynuhu ay xalay seexdaan magaalada Berbera.

Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa waxa naloo sheegay in ay saaka kasoo baxeen magaalada Berbera iyaga oo usoo jeeda magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaana la filayaa inay saacadaha soo socda waftigani soo gaadhaan magaalada hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here