“Madaxwayne Qabiilka Halaga Baxo Inta Kaa Hoosaysaana Dalka Ha U Shaqayso” Wasiirkii Hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

0
34

Wasiirkii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka caydhiyay ayaa markii ugu horraysay ka hadlay sida uu u arko xilka qaadista uu Madaxweynuhu ku sameeyay.

1

Cumar Sheekh Maxamed Faahiye wasiirkii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa yidhi “xilku waa meerto maalin-ba nin ayaa haya waan soo dhawaynayaa markii hore Madaxweynaha ayaa xilka ii dhiibay iminkana isaga ayaa iga wareejiyay oo nin kale aada ayaan u soo dhawaynayaa oo waan ugu mahadnaqayaa Madaxweynaha”

Wasiir Cumar Sheekh Maxamed Faahiye oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo dhaliilay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo aanu magacaabin waxaanu yidhi:

 “Madaxweynaha waxa aan leenahay waan kugu ammaanaynaa waxa aad qabatay intii aad joogtay Alle cimrigaagana ha raajo laakiin inta ka hoosaysaa waa inay dalka u soo jeedsato oo ay wax u qabato oo laga baxo qabiilka, waxa aad arkaysaa salaadiinta, reerihii oo kala wada fadhiya ayaad arkaysaa, waxa aad arkaysaa masuuliyiintii xukuumadda oo loo diray qabiilkii oo shaqadii salaadiinta haya, marka waxa aan leenahay wasiirku waxa uu wasiir u yahay nin bariga jooga iyo ninka galbeedka jooga markaa waxa weeye in xilka loo dhiibay uu si isku mid ah ay ugu qabtaan” ayuu yidhi Cumar Sheekh Maxamed Faahiye Xisbiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here