Madaxweynaha Somaliland Oo ka Qeyb-galay 21 guurada Ciidanka Qaranka

0
60

10380294_714587561988433_4595137323195251358_n(Xogmadhaafe)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta ka qayb-galay sanad-guuraddii 21-aad ee aasaaska Ciidanka qaranka Somaliland oo lagu qabtay Kuliyadda tababarka saraakiisha ee deegaanka Dararweyne.

Madaxweynaha oo markii uu halkaasi gaadhay waxa uu salaan ka qaatay ciidanka qaranka, ka dibna wuxuu uga sii gudbay dhinaca kuliyada, isaga oo xadhiga ka jaray mashaariic dhawra oo halkaasi uga hirgalay ciidanka qaranka sanadkii tegay ee 2014 ka oo ay ka mid ahaayeen, Furitaanka dhisme balaadhan oo loo dhisay Saraakiisha, Saraakiil ku xigeenka Kuliyada iyo tababarka dardarweyne, gurigan oo qaadi doona 250 Sarkaal.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray qolka shirarka kuliyadaha oo qaadi doona 250 Sarkaal, waxa kale oo uu madaxweynuhu soo kormeeray dhismeyaal cusub oo loogu talo galay inay ugu yaraan 20 sarkaal ku nasan karaan, kuna qadayn karaan, waxna ku daawan karaan, isaga oo madaxweynuhu uga mahadnaqay saraakiisha iyo taliyeyaasha Ciidamada, dedaalka iyo horumarka ay ka muujiyeen dugsiga tababarka saraakiisha iyo guud ahaanba ciidamada qaranka Somaliland.

Abwaan gaashaanle sare Cali Barre Xuseen oo kaalin weyn kaga jira dhanka Curinta iyo hal abuurnimada Ciidanka Qaranka.
10930127_714585408655315_1456689477953668906_n

10413403_714585468655309_6298017347530350399_n

10176113_714585658655290_3365502811425874391_n

13699_714585728655283_7189785454542201086_n

10959836_714585701988619_2512331513768866738_n

Khudbadii Madaxweynuhu u jeediyay Ciiddanka qaranka ayaa u dhignayd sidan:-

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaah.

“Maanta oo ah maalintii aasaaska Ciidanka Qaranka, waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa Ciidanka Qaranka, xaasaskooda iyo caruurtooda meel kasta oo ay joogaan, anigoo guud-ahaanba Ciidamada kala duwan qalabka sida hambalyo u diraya. Waxaan sidoo kale hambalyaynayaa dhamaan shacab-weynaha Somaliland gudo iyo debadba.

Ciidamadu waxay ka mid yihiin tiirarka qarankani ku taagan-yahay, cududa bulshadani dugsanayso ee ay ku seexato, waxaanay calaamad iyo astaan u yihiin dawladnimada iyo kala-danbaynta bulshadani ku taamayso.

Ciidamadu waa difaaca qaranka, waa dal-jirayaasha u dibjira una dayacma illaalinta dadkooda iyo dalkooda, waana salka iyo dayrka ugu adag ee nabadgelyada aynu ku faano.

Anagoo ka duulayna muhiimada ay cududa ciidamadu dalkan ugu fadhiyaan, isla markaana dareensan duruufahooda gaar ahaaneed waxaanu tacab iyo dedaal gelinay kor u qaadida tiradiina, tayadiina, saanadiina iyo mooraalkiina, waana ta keentay in sadex-jeer mushahar ama gunno laydiin kordhiyo intii Xukuumadaydu talada dalka haysay.

Anigoo ogsoon in dedaalada la sameeyey weli aanay daboolin duruufihiinii gaar-ahaaneed, waxaan idin dareensiinayaa in aad u shaqaynaysaan dalkiinii, uguna dulqaadataan darayada iyo debadyaalka, maxaa yeelay waxaad u soo diyaar garawday in aad dhiigiina u daadisaan, dalkaaguna wuxuu u qalmaa in aad u dhimato.

Waxaad ka war-haysaan in aanu sannad kasta kor u qaadno Miisaaniyadda Ciidammada oo maraysa 57,000,000 USD taasoo iminka kor u dhaaftay gebi-ahaanba Miisaaniyadii Qaranka ee 2010 ee aan dalka kula wareegay oo ahayd 47,000,000 USD, halkaana waxaa qof kastaa uu ka garan-karaa ahmiyadda aanu siinay Ciidammada qalabka sida.

Anagoo sanad-kasta kobcina saanada iyo qalabka aad ku hawlgashaan, isla markaana wakhti iyo dhaqaale badan gelinay derajada garbihiina ka bidhaamaysa oo aan aaminsanahay in ay qayb muhiim ah ka tahay haybadda iyo hannaanka kala-danbaynta ciidamada.

Waxaad ku calool samaataan in dadkiinu ogyihiin waxaad ugu maqantihiin dawlad-ahaan aanu ku hawlan-nahay daryeelkiina, waxaanan idin farayaa in aad mar walba illaalisaan dhisbiliinka ciidanka oo ah waxa aad kaga duwan-tihiin dadka shicibka ah.

ka dib khudbada madaxweynaha waxa iyana halkaasi lagu soo xidhay kuliyada tababarka saraakiisha oo nasiib wan
aag la dabaaldegay sanad guurada 21aad ee ciidanka qaranka Somaliland oo ay ka mid ahaayeen balse ay iyagu kaga duwanaayeen tababarka u soo xidhmay maanta, waxaana shahaadooyin la gudoonsiiyey saraakiil ka kala socday Ciidanka Qaranka, Ciidanka Booliska, Ciidanka Asluubta iyo Ciidanka Badda waxaanu madaxweynuhu abaalmarino qaaliya gudoonsiiyey saraakiishii galay kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad.

Sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu shahaado sharaf gudoonsiiyey 10 sarkaal oo ahaa kuwii ugu sareeyey saraakiishaasi tababarka kuliyadu u soo xidhmay, kadibna waxa halkaasi ku soo xidhan tahay xafladii loogu dabaaldegaayey Sanad guurada 21aad ee ciidanka qaranka iyo xafladii xidhitaanka tababarka layliska saraakiisha ciidamada oo ka koobnaa xidigle ilaa dhame ama kabtan.”

Geesta kale Taliyaha ciidanka qaranka Sareeyo-guuto Ismaaciil Maxamed Shaqale iyo ka waramay horumarka ay sameeyeen Ciiddanku iyo muhiimadda ay ugu fadhiyaan dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here