Maxaabiis Falastiiniyiin Ah Oo Cuntada Ka Soomay Oo Dhimasho Ku Dhaw.

0
49

(xog news)-Ilaha caafimaadka Israel ayaa ka digay xaaladda sii xumaanaysa ee caafimaadka labada maxaabiista Falastiiniyiinta oo sameeyeen cuntojoojin muddo ka badan laba bilood islamarkaana ka cabanaya xarigga iyo dulmiga maamulka Israel, inay wajahayaan halista dhimashada lama filaan ah.

Benny Davidson, agaasimaha xarunta caafimaadka ee Assaf Harofeh, ayaa sheegay in 20-sano jirka Anas Ibrahim Shadid iyo Ahmad Abu Farah, 29 jir , labadaba kasoo jeeda deegaanka la haysto ee magaalada koonfureed ee Surif ee Daanta Galbeed ay ka sii darayso xaaladooda caafimaad, inkastoo lagu daweynayo qaybta daryeelka degdegga ah.

Davidson ayaa sheegay in dhaawac halis ah uu ku dhici karo xubnaha muhiimka ah ee maxaabiista cuntojoojinta gaajada taas oo keeni karta naafo joogto ah ama xitaa dhimasho kedis ah.

Guddiga Falastiiniyiinta ee Arrimaha Maxaabiista ayaa ‘todobaadkii hore sheegay in Shadid iyo Abu Farah ay galeen kooma oo ay lumiyeen awooda inay hadlaan, wax cabbaan, ama maqlaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here