Milicsiga Dalab Uu Maraykanku Hor Dhigay Daahir Riyaale Kaahin Oo Ku Saabsanaa Wada Hadalka Uu La Furayo Somaliya Iyo Mid Uu Daahir Riyaale Hordhigay Oo Ku Saabsanaa Aqoonsiga Somaliland

0
59

(xog newsx)Madaxwaynihii hore ee Somaliland mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa marka laga hasdlayo wada hadal uu la bilaabo Somaliya iyo heshiisyo ay wada galaan wuxuu taaagnaa mawqif cad oo adag,madaxwaynihii hore Daahir Riyaale Kaahin waxa uu taagnaa mawqif aad u adag marka laga hadlayo wada hadaluuh la bilaabo dawlada ay Somaliland leedahay waxaanuu ku xidhay shuruud adag oo ah inay somaliya aqoonsato qaranimada Somaliland.

Maraykanka ayaa Daahir Riyaale intii talada dalka hayay hordhigay inuu wada hadal la furo dawladii somaliyas   ee uu masdaxwaynaha ka ahaa Marxuum Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

Daahir Riyaale ayaa isna dhinaciisa maraykanka hordhigay dalab ah inuu maraykanu dawlada ingiriiska kala shaqeeyo sidii Somaliland loo aqoonsan lahaa .

Tusaale ahaan madaxwaynihii hore waxa uu taagnaa inaan wada hadal iyo heshiis suurto  gal ahayn inta ay dawlada somaliya sheeganayaan dalka Somaliland oo qaranimadiisa lasoo noqday sanadkii 1991-kii.

Sida ku cad warbixin uu baahiyay sir fashiliyay Wikileaks dawlada maraynkanka ayaa kulan ay sanadkii 2007 kula yeelatay madaxwayne Daahir Riyaale  magaalada Addis-ababa ugu soo bandhigay wada hadal iyo heshiiis dhex mara  dawlada Somaliya oo  uu wakhtigaas madaxwayne ka ahaa marxuun Cabdilaahi Yuusuf.

Ambassador Donald Yamamoto o wakhtigaas ahaa safiirka maraykanka u jooga Itoobiya ayaa madaxwyane Dahair Riyaale iyo xuno wasiiradiisa kamid ahaa oo la socda su’aalay sida uu u arko xidhiidh dhex mara Somaliland iyo dawladiii Cabdilaahi Yuusuf,Daahir Riyaale Kaahin ayaa sida warbixintan ku cad ku jawaabay

“Wax heshiis ahi suurto gal ma aha inta uu Cabdilaahi Yuusuf sii wada sheegashada Somaliland” waxaana uu intaas raaciyay “ 50,000 (Konton Kun oo ruux) ayaa u dhintay dagaalkii gobonimada Somaliland lagula soo noqday,marka ay sidaas tahayna xalka kaliya ee jiraa waxa weeye inay Somaliya ogolaato inaanu noqono laba qaran oo siman oo ah Somaliland iyo somaliya”

Daahir Riyaale waxa uu weeraray dawlada Somaliya ee uu wakhtigaas madaxwaynaha ka ahaa Cabdilaahi Yuusuf

“Dawlada ku meel gaadhka ah  ee somaliya waxay ceeb ku tahay dadka somaliyeed” isaga oo uga jeeday inaanay wax la taaban karo tarin dadka ay wakiilka ka tahay .

Daahir Riyaale waxa uu isna dawlada Maraykanka dhinaciisa hor dhigay dalab ah inay ingiriiska kala shaqayso aqoonsiga Somaliland,waxaanuu safiirka maraykanka u sheegay inuu Ingiriiska ku qanciyay inay dawladaha Afrikaanka ah culays ku saaraan aqoonsiga Somaliland,waxaana uu maraykanka ka codsaday inay xoojiyaan ololaha ingiriiska?

“Waxaan la kulmay xoghayaha ingiriiska u qaabilsan  arrimaha barwaaqo sooranka Lord Triesman waxaanan isla qaadanay inuu dawladaha afrikaanka ah ku cadaadiyo inay aqoonsadaan Somaliland,maraykankana waxaan ka codsanaynaa inuu sidaas yeelo” ayuu yidhi Daahir Riyaale oo intaas raaciyay in wasiirkiisa arrimaha dibadu uu ku maqnaaa safar uu ku tagay dalalka galbeedka Afrika si uu taageero uguga raadiyo qaddiyadda Somaliland

Wasiirkii Maaliyadda Cawil Cali Ducaale oo kulankaasi ku wahelinayay Daahir Riyaale Kaahin ayaa insa goobtaas ka cadeeyey sida ay u adag tahay inay Somaliland wada hadal la samayso dawladii Cabdilaahi Yuusuf.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here