Murashaxa Madaxwayne Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI Iyo Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Oo Saaka Dalka Dib Ugu Soo Laabta Kana War-bixiyay Ujeedada Socdaal Ay Ku tageen Dalka Dibadiisa

0
97

(xog news)Murashaxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga mucaaradkda ah ee WADDANI Dr Maxamed Cali Aw Cabdi iyo xoghayaha warfaafinta xisbiga WADDANI Cabdirashiid Xasan Mataan oo mudooyinkii u danbeeyeyba safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa gaar ahaana wadamo kamid ah dalalka yurub iyo imaaraadka Carabta ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay.

Waxaana labadan masuul markii ay saaka kasoo dageen garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ay si wada jira ula hadleen warbaahinta iyaga oo ka warbixiyay ujeedada socdaalkii ay ku tageen dalka dibadiisa,sidoo kalena waxay canbaareeyeen falki ay ciidamada booliska sldhiga dhexe kula kaceen xubnihii uu hogamainayay murashaxa xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro  iyo xadhiga xukuumaddu kula kacday siyaasi ka tirsan xisbigooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here