Muuse Biixi Cabdi Oo La Sheegay Inuu Waji Gabax Kala Kulmay Kulan Uu La Qaatay Dhalinyarada Iyo Haldoorka Beesha Cumar Jibriil (Habar/Jeclo)

0
89

(xog news)xog ogaal ah oo naga soo gaadhaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegaya in gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi uu waji gabax kala kulmay kulan uu habeen hore la qaatay sida la sheegay dhalinyarada iyo haldoorka beesha Cumar Jibriil (Habar-jeclo).

Waxaana kulankan oo la sheegay inuu ka dhacay Hotel Plaza ee magaalada Burco ay labada dhinacba kaga wada hadlayeen arrimo badan oo xasaasi oo uu ka mid yahay in Muuse Biixi dhalinyaradan iyo haldoorkan uu ka codsaday inay taageero siiyaan doorashada,waxaa sidoo kalena Muuse Biixi dhalinyaradan usoo bandhigay qodob ah inay taageeraan in gudoomiyenimada xisbiga KULMIYE lagu wareejiyo Wasiir Maxamuud Xaashi,qodobkaas ayaa naloo sheegay inuu ahaa qodobka uu ka dhashay kala qayb sanaan iyo khilaaf soo kala dhex galay labada dhinac,waxaana goobtii ka dhacay buuq iyo sawaxan iyaga oo qaar kamid dhalinyaraddu iskaga baxay shirka kadib markii ay saluugeen  qaabka shirku u socdo.

Sidoo kale xogaha ayaa noo sheegaya in dhalinyadu ay Muuse Biixi Cabdi su’aalo tiro badan oo kaggan ay ku ganeen,waxaana intaasi kadib dhalinyaradii ay noqdeen kuwo kala jabay oo isku maandhaafay qodobkii ahaa in ay taageeraan in gudoomiyaha lagu wareejiyo Maxamuud Xaashi.

Gabagabadiina gudoomiye Muuse Biixi ayaa naloo sheegay in markii uu dhamaan waayay buuqii iyo sawaxankii goobta ka dhashay uu kulankaasi dabada uga soo  baxay,isaga oo aan dib ugu noqon,waxaana uu kulankaasi noqday sida naloo sheegay mid kusoo idlaaday natiijo la’aan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here