Muwaadiniinta Aan ummadda Xilka u Haynin Ha Laga Daayo Xad-gudubka FEBRUARY 17, 2015

0
89

MAQAAL111-82x57

 Xogmadhaafe.newsWaxa in badanba shacbiwaynaha Somaliland aad ula yaabanaayeen wargeysyada qaar ka mida iyo sida ay ugu shaqaystaan dad dano gaara wata oo cayda muwaadiniinta Somaliland ku talax tegay. Somalidu waxan dhaqan uma ay lahaan jirin manay ahayn wax caalamku ku yaqaanay waligeedna taariikhda umay gelin.
Soomaalida xilligii gumaystaha qaaradda Africa waxay ku caan baxday oo loo yaqaanay dad kasoocan umadaha kale ee ay qaaradda la wadaagaan oo dhaqan adag oo karaamo iyo sharafi ku dheehan tahay leh. Xidid iyo xigaal, soddoh iyo marti, caruur iyo cirroole, xaqqa iyo sinaanta, intaba waxa u yaallay xeer adag oo soo jireen ahaa oo xad gudubku ka xaaraantimaysnaa.

Wali waa sidii in yar oo aan la hubin waalli iyo wabiinnimo mid lagu sheego mooyaane. Dhaqan xumida mareegta wargaysyada qaarkood ku kacayaan ee laga yaqyaqsoodo ayaa noqotay mid shacbiweynaha reer Somaliland waayahan danbe aad isu waydiinayaan oo meelaha qaarkood lagaga murmayo waa dhowr qof oo la yaqaanno oo lagu sheegay in xagga maanka wax ka qasan yihiin. Halka dhinaca kale ay qaar ku murmayaan in shakhsiyaadkani aanay maskaxda waxba ka qabin belwad maandooriyeyaal laga dhaqancelin kari waayay mooyaane.

Waxa aan ka xaal marinayaa ninka loo yaqaan Baashe Cawil Cumar aflagaadada aan loo quudhi karin ee aynu wada garan karno inaanay ka iman qof nasab ah oo damiir leh garanayana dhaqankii soomaaliyi caanka ku ahayd.

Baashe naa nin ay dhaleen laba waalid oo magac wayn waligood ka awow ka awow ku lahaa taariikhda Somaliland baal dahab ahna kaga qoran. Waa nin tacliintii iyo tacabkii ku baxay ka midho dhashaday isaga oo da’yar. Baashe nin yaqaan baa yaqaanna eh waa ninka raganimo iyo fariidnimo loo quudhi la’yahay maanta.

Waxa inteena aqoonta u leh Baashe iyo halka uu ka soo jeedo aynu wada ogsoonnahay in isaga oo da’yar uu dhaqasho yeeshay, xooggiisoo xalaal ah iyo garasho ilaahay siiyayna uu ku hanti-kaydsaday reerna ku dhaqday. Waa nin ixtiraam wayn u haya waalidkii dhalay iyo waalidkii uu la xididay labadaba. Waa nin aan waligii xaq bani aadam duudsiyin xoolo bani aadamna shilin ha noqoto eh afkiisa marin. Waa nin umaddu wanaag iyo wadaninimo mooyaane aan waligii xumaan cidina ka sheeganin. Ma aha nin xil u haya wadanka, mana aha xaq in loo soo dhaafo halkiisa.

Waxa aan kula talin lahaa wargeys-ku-sheegga aan had iyo jeer wax xalaal ah soo qorin, intaad ku mashquulsanayd xaasidnimo, xumo katalis, horumar nacayb, belaayo abuur iyo dhaqan dumisnimo, qabyaalad, dal bi’is iyo wax lamida, ayaa adduunkii hore u tallaabsaday. Hase ahaayee wakhti badani kaama lumin waa haddii aad miyir qabto eh. Hoos iyo Dul Isu eeg oo is xisaabi inta aan laguu xisaabinin.Allaa mahad leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here