Nairobi: Diyaarad Somalia Ka Timi Oo Shil Ku Gashay Garoonka Jomo Kenyata.

0
33

(xog news)-Diyaarad ka timid Soomaaliya ayaa caloosha dhigatay garoonka caalamiga ah ee Nairobi shalay galab.
Diyaaradaa ayaa dadi uusan ku dhaawacmin laakiin garoonka ayaa shilkaasi keenay in la xidho. Maamulka garoonka ayaa sheegay in diyaaradu ay siday afar qof oo qudha markii shilkaasi ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport.

 

Nooca diyaarada iyo safarkii diyaaradaasi soo gashay ayaa si kastaba ha haatee aan faahfaahin laga bixin.
Waxaa sidoo kale aanan la shaacin marka duulimaadyada garoonkaasi sii socon doonaan. Diyaaradaha doonaya inay halkaa kasoo dagaan ayaa haatan loo weecinayaa garoomo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here