Ogow Quruxi Waa Diin

0
61

 

 

10945024_341827382690126_1856752521657738425_n

 

Ilaahay ayaa Mahad oo Idil U Sugnaatay Soo Hadeeyay Dadkan oo Ka Mida Ummatul Muxamed Ilaahay ayay Mahadi u sugnaatay ka Xoreeyay Shirki iyo Kufri Bal u Fiirso Adoonkii/adoontii Ilaahayow Adigoo Awoowgaagii 30-aad Muslimnimo Ku Dhashay ayaad adigu Jeclaysanaysaa Diin La’aan iyo Qaawanaan.

Waa Maxay Dimuquraadiyadi?

Dimuquraadiyadu waa Mashruuc ay soo qaateen Dadka Shuuciyada iyo Diin La’aanta Nolosha u Yaqaana Waana kitaabka Ilaahay oo Dhulka La Dhigo Loona Ololeeyo Dhaqamada Reer Galbeedka Sida Xoriyatul Qawlka

  1. Xoriyatul Qawl ama Free Speech Waxa La Yidhaahdo Reer galbeed iyo dhamaan gaalo oo idil maanta waxay u isticmaalaan Burburinta wadamada Islam-ka ah Dabar Goynta Ku Dhaqanka Diinta Islamka iyo in Lagu Fadeexadeeyo Xabiibkii Ilaahay N.N.K.H.A Ka Dibna Laguugu Jawaabo Caalamul Islam Waxay ka soo horjeedaan Xoriyatul Qawlka
  2. Gender Balance ama Sinaanta Ragga iyo Haweenka oo yaa Simay Ma Ilaahay ayay ka Xikmad badan yihiin Gaalada Nijaasta badan ee ku lunsan aduunyada aakhirada danbena ku Halaagsan? miyaanay Damiirkoodu Diirayn Dadka Dumarkoodii Debeda Loo Soo Saaray ee Lagu Yidhi Leaders Noqda Tv-yada isa soo Istaaga oo Caytama, Suuqyada Mara Oo Timihiina Qaawiya, Kubabkiina Maryaha ka Fayda, Ragga iyo Haweenku ha is Qacan qaadeen, Heesaha iyo Fanaaniinta ha la weyneeyo, Aroosyadiina Ubadku idiinku Dhalanayo Ilaahay iyo Rasuulkiisa ku caasiya, Taashash u soo Xidha Laabaha Haweenka iyo dhabaradooda soo qaawiya, Music u Tuma oo Is dhex qaada ragg iyo Dumar.

Maskaxda ayaa laga Gumaystay Dadkaygii Diintoodiina waa la Nacsiiyay Waxaana looga dhigay Dib u Dhac iyo Jaahilnimo Waayo Maanta Wiilka iyo Gabadha aad la Hadasho ee aad Tidhaahdo Ilaahay ka Cabso oo Waxan Iska Daa Wuu kula yaabi Heesaha ayay ku garaadsadeen Quraankii iyada oo aan la barin ayaa School La Geeyay Ka Dib Jaahilnimo ayuu u arkaa Cilmigii, Jaahilnimadiina Maanta Cilmi ayaa loo Arkaa Ilaahay ayaa Quraankiisa ku Bayaamiyay

قوله تعالى (وَمَنْ أَعْرَضَ عَنْ ذِكْرِي فَإِنَّ لَهُ مَعِيشَةً ضَنكاً وَنَحْشُرُهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ أَعْمَى (124) قَالَ رَبِّ لِمَ حَشَرْتَنِي أَعْمَى وَقَدْ كُنتُ بَصِيراً (125) قَالَ كَذَلِكَ أَتَتْكَ آيَاتُنَا فَنَسِيتَهَا وَكَذَلِكَ الْيَوْمَ تُنسَى)

Alle wuxuu leeyahay Kor ahaaye (Cidii ka jeesata ee iskaga tagta xuskayga iyo weynayntayda waxay la kulmi nolol cidhiidhi ah Maalinta Qiyaamena waxaanu soo Saaraynaa Iyagoo Indha La'(124) Wuxuu odhanayaa maalintaa (kii xuska ilaahay ka jeestay) Rabiyow Maxaad ii soo saartay anigoo indha La’ waxaan ahaa mid indha qaba oo wax arka (Markaan aduunka Joogay)(125) Ilaahay ayaa ugu Jawaabaya Sidaas ayay kuugu yimaadeen aayadkayagu (adigoo indha qaba ) Markaasaad Ilawday (oo aad iska indha tirtay) Sidaa aad u ilawday si la mida ayaa adigana maanta laguu ilaawayaa )

Cadaabka ilaahay wuu Daran yahay Mana aha mid loo dul qaadan karo Maanta Dadkaygii ma Fahmayaan Ilaahow Cadaabkaaga Naga Badbaadi Ilaahayow Aakhirada Danbe noo Hagaaji

Saddex Wanaagsan oo ilaahay ku siiyay ha ku bedelan saddex xun xun oo ilaahay Nacay

  1. Diin ha ku bedelan Gaalnimo
  2. Daahirnimo iyo Nadiif Ha ku Bedelan Nijaas
  3. Cilmi iyo Ibnu Xalaalnimo Ha ku Bedelan Jaahilnimo iyo Ibnu Xaaraanimo

Ilaahayow Adiga Wejigaaga ayaan uga hadalay arrimahan Cidna waxba kaga dooni mayno aan adiga ahayn Ilaahayow inta akhrisata ee wax ku qaadata Danbigooda hore iyo kooda danbeba Dhaaf xaqana ilaahayow ku sug inta fidisa ee adoomahaaga gaadhsiisana ilaahayow jacaylkaaga aduunyada ku sii aakhirada danbena ilaahayow janooyinkaaga ku casuun anagana ilaahayow istiqaama iyo khaatumo wanaagsan nagu sii daacaatkaaga iyo adoonimada cid aad u ogolaato ayuun baa adoonkaaga noqotee allow noo ogolow oo shaqaale diimeed naga yeel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here